Raggu wa rag magaalo wayn oo aysan hore u aqoon yimide waxay bilaaben inay ku dalxiisan goobaha loo nasasho tago ee magaalada sida beeraha nasashada iyo xeebaha quruxda badan ee ay kamidka tahay xeebtta Jaziira oo ah meel aysan dadku kubadnayn sida Liido oo kale. Todobaad ayaa soo wareegay walina wax fariin ah oo loo so diray ama wicitaan uga yimid dhanka wasaaradda majiro. Yeelkadeede waxay ku uursan yihiin in wakhtigii loo yeeri lahaa uu wali yahay. Fariin wicitaan ah ayaa timid. Waa fariin katimid taliska ciidanka xoogga dalka oo lagu amrayo maalinimada sabtida ee asbuuca soo socda in ay kusoo xaroodan taliska ciidamada cirka ee Balli-doogle. Sow warkay sugayeen maaha. Ilaahow qaadir. 

Aroorta hore ee maalinimadii sabtida ayey iska xaadiriyeen xeradii waxaa markiiba laga reebay waxkasta oo agab ah oo ay wateen sida moobiladii iyo qalabkii kale waxaa kale oo laga badalay labiskii ay xirnaayeen waxaa lasiiyey mid kale. Inta loogama harine judhiiba waxa laga xiiray timaha iyo garka waxaana la siiyey meel ay seexdaan waxaana loo akhriyey habraacyada xerada iyo waxyaalaha ka reeban in lagu isticmaalo xerada waxa kale oo loo sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay ubilaabanayso nolol askarinimo ayna qaadan doonaan tababaro adag loona baahan yahay inay aqbalaan caqabadaha soo wajihi doona.




 Xeradu wa xero aad u wayn waxa yaalla qalab ciidan oo culus oo ay ugu waawayn yihiin diyaaradaha miigga ah ee ay sameeyaan dalalka galbeedka iyo barigu waxa kale oo yaalla sawaariikhda ridada dheer oo ay sanceeyaan dalal ay kamid tahay Iiraan. Waxaa ubilowday tababaro culus oo dhinaca jirka ah inkasta oo maalmihii hore aad udhibeen hadana waa ay la qabsadeen. Daahir wuxuu ku dhexyeeshay xerada asxaab ka timid gobolo kala duwan oo dalka ah. Bil ayaa dhammaatay mid kale ayaa raacday ilaa ay dhamaysteen tababarkoodii koobnaa ee isugu jiray jir dhiska iyo isticmaalka hubka fudud. Ugu yaraan hadda wa alifleyaal wa xoogey ka fahansan shaqada ay hayaan waxaase laga doonayaa in ay noqdaan saraakiil iyo saraakiil xigeenu usoo baxa CXDS. Markii uu udhamaaday tababarkii waxaa lasiiyey fasax kooban. Ujeedka ugu wayn ee fasaxa loo siiyey wa inay kasoo nastaan tababarkii ay qaateen si ay maskax ahaan iyo jir ahaan diyaar ugu noqdaan tababarada kale. Wuxuu dib ugu soo safray deegaankii qoyskiisu deganaa si uu wakhti ulasoo qaato qoyskiisa oo waligiiba aanu ka maqnaan mudo intan dhan. 




Xiliga uu kusoo aaday waxay ahayd xili aaran ah oo carada aanay ka jirin abaar iyo biyo la’aan taasi waxay soo booqashada waalidkiisa ka ciyaartay door wayn. Wuxuu sii jeclaystay inuu joogo laakiin wakhtigii fasaxa oo soo gaabtay darted wuxuu dib ugusoo kolonyeystay xeradii tababarka ee magaalada Balli-doogle. Mooraalkiisu aad buu usareeya oo waxa uu kuqanacsan yahay shaqada uu doortay wuxuuse is waydiinaya talow tababarada xiga side noqon doonaan? Ma laga yaaba inay ka adkaan doonan kuwii aad hore uqaadatay? Oo taasi ma iiyada is waydiin leh laakiin talow miyaan shaqo la isku diri doonin inta aan tababar kale lanoo bilaabin? Oo yaa shaqa udirsanaya nin tababarkii intii la ogayd socday ee jir dhiska iyo sida loo adeegsado hubka fudud lagu baranayey un qaatay. Isla sheekaysi dheer kadib ayuu gaaray xeradii mudada hore u uku tababaranayey. 

Wa xeradii oo sidii ay ahayd un ah laakiin sidii hore ka saxmad yar maadaama oo badanka ciidamadii tababarada ku qaadan jiray ay fasaxyo ku maqan yihiin. Beri ayuu ku eg yahay fasaxii Daahir-na wuxuu kamid yahay qaarka yimid goor hore inkasta oo taas usan ku mutaysanayn dalacsiin ama darajo gaar ah hadana wa dhaqan wanaagsan waliba marka aad tahay qof ciidan ah.