Safarku wuxuu dheeraadaba waxa ugu danbayn lasoo gaaray garoonka caalamiga ah ee Istanbuul. Wa garoon aad uwayn aadna uqurux badan waxa ay la yaaban yihiin quruxda iyo wanaagga ka muuqda garoonka waxa kale oo ay dareemayan in cimilada wadanka ay soo galeen ay ka yara qabowdahay tii diiranayd ee dalkii hooyo waase war moogayaale ma oga in laga baxay wakhtigii qaboobaha waxaase ugasii darnaan lahayd malaha marka loo sheego in magaalada ay ku socdaan ay tahay mid kamida magaaloyinka ugu qabow Turkiga. Daahir ayey kusoo dhacday fikrad. Oo maxay tahay? Wuxuu is waydiiyey kawaran dalkaaga oo sidan oo kale uqurux badnaan lahaa? Cajabay cajab! Asxaabtiisii kale oo iska sheekeysanaya sugayana diyaaraddii kale ayuu hal mar aamusiyey wuxuu ka codsaday inay wax yar dhagaystaan oo rabo inuu la wadaago waxa ka dhex guuxaya. Waa amarqaatayaal aad udhagaysta dadka kale. 


Wuxuu kasheekeeyey qiimaha wadaniyada iyo in dalka la jeclaado kadibna wuxuu ugada galay uu bal waydiiyo in asxaabtiisa ay kujiraan dad is waydiiyey isla waxa uu laabtiisa iska yiri markii uu arkay quruxda iyo nidaamka meeshan ay hada joogan. Durbadiiba qaar badan ay gacanta taagay waxayna ka sinaayeen inay jeclaan lahaayen in dalka hooyo sidan iyo si ka qurux badan ahaado.




 

Dood yar oo ku saabsan sida dalku uu horumarka iyo quruxda halkan kajirta ugaari karo ayaa ka dhex bilaabatay halkii. Qaarba fikir ayey qabaan oo qofba mar ayuu hadalka qaadanaya fikirada is riix-riixaya waxa ugu waynaa labo fikir midi wuxuu ahaa in dalka Soomaalida uu kufiican yahay in mar labaad lagu dayo ku xukunka sharciga ciidanka taas oo ujeedadeedu tahay in ciidanku qabsado dalka. Fikirkaas waxaa qabay qayb yar. Midka labaad dadkuna ubadnaayeen wuxuu ahaa in si dalku u horomaro loo baahan yahay in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah si ay ufududaato in dawladdu dadkeeda ay gaarsiiso adeegyo dhamaystiran. Wakhtigii ay diyaaradoodu kici lahayd ayaa lagaaray. Wakhti is dhaafis iyo dood rasmii ah kaad doonto ugu yeer. Waxa markale dib ugu bilowday safar cirka ah laakin markan way ka duwan yahay oo safarku wa koobnaan doona. Waxaa goor fiid ah diyaaraddii ay saarnaayen kasoo degtay garoonka caalamiga ah ee magaalada Izmir. Maadama magaalada Izmir ay tahay mid kamida magaalooyinka ay booqdaan dalxiisayaasha ugu badan ee yimaada dalkan waxa xukuumadu u aragtay in ay muhiim tahay in laga dhiso garoonkan casriga ah.



In yar kadib makii ay ka dhamaadeen kooxihii migrayshanka ayaa lagu daabulay Basas waawayn kuwaas oo loogu tala galay in lagu gaarsiiyo xarunta tababarka ciidanka Kumaandosta oo ku taalla jihada waqooyi ee magaalada Izmir. In door ah kadib ayey gaaren halkii loo waday waxaa markiiba lakala geeyey qololkoodi hurdada. Sow nasasho dheer uma baahna kol hadiiba ay safar soo ahaayeen lix iyo toban saac. Waa gataati dhaceen. Dharaartii xigtay ayaa loo bilaabay in la baro waxa ay tahay meesha ay yimaadeen waxaana waxbaridaas kooban loogu daray xeerka lagu dhaqmo inta xaruntan uu qofka askariga ahi dhex joogo cunta lacuno iyo xiliga la cuno isla halkaas ayaa loogu qaybiyey dharka ama dirayska ay ku dhex joogi lahaayen xerada. Allahayow maxaaa xigi.



Waxaa loo kala qaybiyey qayb qayb waxaana ubilowday tababar joogta ah oo wakhtigoodu dheer yahay. Malaha waxa ugu adag ee ay wajahayaan wa qabowga daran ee ay dareemayaan maadama ay ka yimaaden dhul cadceedu kor joogto laba iyo tobanka saac ee maalinta. Tababarkan baasi dhibba malahane qabowgan sideen ka yeelna ayay askarta qaar ku haaraamayaan waana gar tood oo magaalada ay joogan heer kulku wuxuu marayaa labo santii garayd. Oo miyaanay ahayn qabow daran? Baga ayeyse ku tahay oo waxa tababarka loogu siinayo magaaladan aadka uqabow ayaa ah in ay qabatimaan in jawiga qabow ay ku dagaalami karaan xili kasta oo loo baahdo. Intaa waxaa ugasii daran wa kala duwanaanshaha wakhtiyada ay qaadanayan tababarka oo marba xiligii macalimiintoodu u arkaan inuu ku haboon yahay la siinayo tababarka.  Daahir iyo rag uu kujiro wayba ku xanuusadeen jawiga oo waxa lagu daweeya isbitaal ku dhexyaala is xerada tababarka waxa hayase wa un jawiga badalmay oo jirkoodu la qabsan la’ yahay. Inkasta oo uu xanuusan yahay mar markalena wa u naruuro oo wuxuu ka nasanayaa subaxdii cirka oo isku jira loo kicin jiray inay galaan orodka dheer iyada oo uu jiro qabow daran.