Daahir dhib iyo xanuun midna mahayaane shurufkiisa usoo uray. Jaamac oo kor uga waynaa wuxuu dhameeyey dugsigiisii sare wuxuuna fursad waxbarasho kahelay dalka Turkiga oo soomalida aad ugacan qabtay wuxuuna udhoofay Istanbuul oo uu jaamacada kadhigan doono. Halkaas ayuuna muddo kumaqnaan doona. Daahir isaga hiigsigiisa ugu wayn wa inuu dhameeyo dugsiga sare oo uu dabeed jaamacad u aado dalka dibadiisa waliba Turkiga ayuu aad udaneeya.
Isaga oo maalin maalmaha kamida isqabteen macalinkiisii xisaabta oo xafiiska dacwo ahaan loo keenay ayey kukulmeen isla xafiiska Deeqo Axmed oo ay isku galaas dhigtaan. Deeqo iyadu maanay ahayn qof dagaal badan waxaase ay is af dhaafen Caaliya Faarax dabeedna maamulka iskuulka ayaa udiray waalidkood. Sidaas ayey hooyada Deeqo utimid xafiiska iskuulka si ay uxaliyaan iyada iyo maamulku ismaan dhaafka dhexmaray labada arday. Daahir oo ahaa qofka soo galay xafiiska ayaa halkii la rabay inuu salaamo Deeqo iyo hooyadeed afka taagay. Oo sow inuu afka taago maaha! Wa Daahir oo iyaamahanba santaaggiisa lala yaabana maantana ay macalin isasoo laayeen. Maamo maxa kugu dhacay oo kaa xanaajiyey ayey Deeqa hooyadeed waydiisay Daahir oo halkan meel ah caro lasoo fadhiya. Macalin xuna oo waayadanba sanka iga marmarayey ayaa saaka kibir iila yimi ayuu ku jawaabey isagoo sii haaraamaya oo udhaaranaya macalinkii. Mayee maamo wa macalinkaage isdaji. Iyaamahanba dhaga hadal iyo cayaayir buu igu waday Daahir baa yiri. Hooyo Daahir anagaa isku galaas ah dadka kuma gardaroodo Deeqa lasoo booday. Hadalkaas ayaa kashiisu jeclaysata markaasu dhagax dab lagu dhuftay sidiisa ookale noqday. Mayee gardaradiisu eedi doonaaye iskadaa.
Halkaa markii xaal marayo ayaa maamulihii oo qaybta wax akhriska iskuulka oo manta shaqo laga hayey kayimid soo galay xafiiska.
Haddiiba maamulihii salaan kadib wuxuu la fariistay Deeqo Axmed hooyadeed oo ay iska warsadeen sida gabdhihii is af dhaafay lookala maslixi lahaa. Caaliyo oo aabaheed Faarax lasocdo ayaa soo galay xafiiska. War Faarax waynu kula’ sanayn wax wayna majirin oo waxan islahayn haduu iman waayo hawsha yar dhammeeya. Oo hadayba sidaa ufududahay maxaad marka horeba udhamayn waydeen ood khasabka uga dhigteen in waalidku yimaado Faarax baa sidaa yiri. Xoogaa haddii waalidkii shawreen hawshiiba wa la dhammeeyey labadii gabdhood ee ardayda ahaana gacmahaa laysku saaray. Waalidkii markii ay tageen gabdhihiina galaasyadoodii kala aadeen ayaa maamulihii uyeeray Daahir oo meel halkeer ah soo fadhiya dabeedna macalin Warsame Wayrax oo ahaa macalinkii ay saaka is af dhaafen ayaa loo yeeray si hawshooda loo dhameeyo. Hal asbuuc oo ganaax ah ayaa gorodda loo gashay Daahir.
Daahir nagnagtii badnayd waa iska daayey oo haduu marba marxaladdii santaagga kabaxay oo markan gugii sideed iyo tobnaad usocdo waxbarashadiina in door ah uu marayo sow inuu isbadalo lama huraan maaha. Alleylahe way taha. Markan waxa uu soo noqonayaa Daahirkii la yaqaanay durbadiiba waxa uu gaaray galaaskii udanbeeyey ee waxbarashada dugsiga sare. Markaasu bilaabay isu diyaarinta galaaska laba iyo tobnaad oo sow inuu horey udiyaar garoobo maaha marba haddii dhammaadka sanad dugsiyeedka uu sugayo imtixaankii udanbeeyey ee waynaa. Laakiin dhibaata taagan! Oo hadaanu hal saaxiib ah kulahayn galaaska sow dhibaato maaha? Oo talow yaan buugaag iyo wixii kale oo dheeraad ah ka amaahan karaa. War ilayn tanoo kale. Deeqo Axmad. Allaylehe iyadaa ugu dhow wax aan caawimaad waydiisan karo.
Abaayo Deeqo, hoy hoy, Deeqoy. Meel dheer ayuuba ka arkay iyadoo gabdho badan la socota. Oo maxay iidhagaysanaysa talow. Oo miyey imaqlaysaa buuq iyo bulaan bay kudhex jirtaye. Maalin ama mar kalaa helayaa.
Maalintii danbe ayuu indhaha saaray inta aanu galaaska soo galin iyada oo barandada fasal kale oo ku dhagan ay la taagan ardayad kale. Inta uu cabbaar sugay ayey markii ay soo kala dhammaaden oo ay maagtay inay dib ugu soo laabato galaaskeda aragtay Daahir oo halkan soo taagan.
Daahir subax wanaagsan. Wanaagsan, seetahay. Waan fiicanahaye macalimiintii ma heshiiseen ayey waydiisay inta dhoola cadayn yar daba dhigtay. Waa lagu khasban yahay mida kale waxaas yaraanimo lagasoo gudbay ahayd. Kawaran sidee ugu diyaar garowday wad oogtahay sanadkan wixii kadanbeeya heer jaamacad baynu noqone Deeqa waydiisay. Waxanba hada kaa rabay inan ku waydiisto inaad iga caawiso wixii buugaag ama dikuminti kale ah oo aan ubaahdo. Aboowe waxaas dhibmalahan horta guruubka Watisab-ka ee ardada loo sameeyey maku jirtaana? Maya oo ma guruub baa la sameeyey. Waaba nin ka dhaga xiran waxa galaaskiisa kasocda. Alla waxba kudhaafay hadaadan ku jirin. Wa in lagugu soo daro. Lambarkayga qoro oo isoo qabo si laguugu soo daro guruubka. Hawraarsan iyo iiqor.
Deeqo wa ardayad firfircoon oo aan kaliya waxbarashada ku wanaagsanayne dhexgalka dadkana ku fiican. Durbadiiba waxa ay lagarab istaagtay caawimaad dhamaystiran oo hadii mararka qaar wax aw uga baahdo aysan hayn waxay uga dooni jirtay halka uga dhow. Sababtu maahan wax dhaafsiisan ardaynimo iyo inay u arkaysay wiil kayar oo caawimaad uga baahan. Waxa soo dhawaaday imtixaankli oo waxaa lagalay fasax kooban oo loogu diyaar garoobayo imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadayso dawladdu. Todobaad kadib waxaa loo fariistay imtixaankii. Daahir iyo Deeqana waxay noqdeen ardaydii maalintaas imtixaanku ufariistay waliba darajada fiican ka keenay. Abaal kaaga ma gudi karo iyo waan isku leenahay oo dad walaalo ah baynu nahay ayay is dhaafsadeen Daahir iyo ardayad Deeqo. Maxaad baran doonta ayuu Daahir suaalay Deeqo. Waligayba waxan jeclaa inan Diktoorayso u adeegta dadkeeda aan noqdo ayey ku war celisay. MashaAllah iyo wa fikir fiican ayuu hal haleel uyiri Daahir. Adna maxaad jeclaan lahayd inaad noqoto ama diyaariso. Wallaahi ilaa hada go’aan ma qaadan. Yaah oo sidee baadan wali u go’aansan waxa aad baranayso. Alloore adi waxbarashadu intaan ha iiga ekaato weeye waxaagu ayey tiro Deeqo oo kayaabtay jawaabta uu bixiyey Daahir.
Qalinkii Liban Maxamud Nur.
Lasoco qaybta sadexaad.
5 Comments