Meel uu wax kabilaabo ayuu garan la’ yahay. Daahir… Daahirow, wa codka qof uyeeraya. Wali ma uusan garan qofka uyeeraya qofka uu yahay sababtu maaha inuu garan waayey codka ama meel dheer looga dhawaaqay wuxuuse ahaa nin xaalad isla sheekeysi ah kujira oo dhex maquuranaya mawjado niyad jab ah. Mise wa aabihii. Aabe macaane wan kaxumahay kumaan maqlayn. Maandhow waxan kuugu yeeray inaan ku waaniyo kuuna sheego in dhibkaba rag loo abuuray maantana labaatan jir ayaad tahay oo haddii ilaahay aanu kudilin cafimaadna hesho adiga iyo adduun waad is huran tihiin ayuu ku waaniyey aabihii wiilkiisa. Hadaladaas waxay laabtiisa galiyeen wa xooga dhiironaan ah iyo inaanu uliicin waayaha adduunka.

 


 

Wixii intaa kadanbeeyey wuxuu Daahir bilaabay inuu joojiyo ka fikirka wixii tegay uuna  qaato fursadaha shaqo ee horyaala wuxuuna bilaabay inuu si uu noloshiisa ugu yaraan udabaro shaqada dhismaha. Inyar markuu wadayba waa ku adkaatay ka shaqaysta dhismaha wuxuna bilaabay bal in uu suuqa galo si uu bal shaqo intan dhaanta kana dhibyar uraadiyo. In yar hadduu suuqa day dayey wuxuu ku qancay inuu kirishbooy uu ka noqdaa gawaarida ukala gooshta magaaladiisa iyo tuulooyinka ku dhadhow. Waxay noqotay shaqo horay usoo dhawaysay oo markan wuxuu inyar oo qanaaco ah ku dareemayaa inuu isaga soo tagay shaqadii dhibka badnayd ee xiliyada uu ka nasanayo ee habeenkiina lafaha iyo dhabarku la dikaami jiray waagu marku baryana uu isaga oo nabaradii shalay gacmihiisa ka muuqdaan ukalihi jiray. Macaamilkiisa ayey dadkii ka heleen oo maxay uga heli waayen haddaanu sida dhalinta kale uusan qawl adag kutuurayn dumarka uu la macaamilayo wixii loo dhiibana aana kala khiyaamayn. Markan wuxuu noqday kirishboy lagu ixtiraamo shaqadiisa. Waxa uu inta uu halkaas joogay bartay xirfado kala duwan oo ay ugu horayso darawalnimadu oo lagama maarmaan u ahayd shaqada uu hayo darted aadna uu ugu xiiso qabay barashadeeda.

 

Markii uu bartay sida loo kaxeeyo gaariga ayaa uu darawal kanoqday isla gaarigii bilo kahor uu kirishboyga ka ahaa. Ilaahow qaadir. Inkastoo uu yahay nin meeli ucadahay oo uu jecel yahay inuu galo jaamacadda si uu ubarto maadada uu jecel yahay hadana wuxuu iisu arkaa nin qaatay doorkii noloshu siisay kaalin fiicanna ugalay qoyska oo ugu yaraan culays iyo dheeri uu kuyahay qoyskiisa ha joogtee uu waxtar yahay markan. Wuxuu bilaabay inuu xoogaaga uu shaqaysto meel wax kadhigto si uu mustaqbalka dhow shaqo middan dhaanta ama ugu yaraan ganacsi uu isagu leeyahay ugu samaysto. Sow rag ka rooni maaha marba haduu mustaqbalka ka fekerayo? Sow nin waayuhu waxbareen oo iskoris in loogu yeero wax yar ujira maaha. Daahir markuu waayo aragnimo iyo xirfado gaari wadidu kow katahay uu isku hubsaday ayuu is iyiri alleylehe haddii gacantu kuu fariisatay malaha waxaa fiicnaan lahayd inaad kubiirtid qolyaha darawalada ah ee ukala goosha magaaloyinka waawayn. Mar kale ayuu bilaabay inuu maalmaha uu ka nasanayo shaqada uu bal indha indheeyeeyo goobaha ay ka qaadan rarka gawaarida waawayn ee xamuulka ah markaasu arkay Axmad Naasir oo ay goor horre isugu danbaysay. Axmad wuxuu kamid ahaa arday ay Daahir isku galaas ahaayen uuse kaga haray galaaska tobnaad ee dugsiga sare. Isa salaame oo laabta isgaliye wa saaxibo hore oo in door ah aan is arag waxa ay si mugleh isaga waraysteen wixii ukala danbeeyey. Daahir wuxuu uga waramay wixii kudhacay kolkii uu deeqda waxbarasho helay sheekadaas oo deegaanka ugu dhex faaftay si hoose.

Axmad oo aad ugaga calool xumaaday waxa kudhacay saaxiibkii Daahir ayaa kalmado  uu ugaga tacsiyeynayo laabta ugu qaboojiyey Daahir dhanka kalena waxa uu saaxibkii Daahir uga warbixiyey wixii dhiniciisa uga danbeeyey. Waxa uu usheegay in uu guursaday ayna gabadhii kala tageen markii hal wiil ah ay udhashay hadana uuku jihaysan yahay Xamar si uu ugu biiro ciidanka xoogga dalka. Oo yaa ka caawinaya ayuu Daahir waydiiyey saxiibkii Axmed. Waxan ku arkay bogga wasaaradda difaaca dalka iyo kan Xoogga Dalka Soomaaliyeed warqad ogaysiis ah oo dhalinyarada soomaaliyeed loogu sheegayo in kuliyada ciidanka ee Turkisom ay qaadanayso raxan dhalinyaro ah oo ay tiradooda kun waxa ayna intaa sii raacsheen waxyaalaha laga doonaya qofka kamid noqonaya halkaa markuu marinayo ayuu Daahir kaso dhex galay wuxuuna yiri sug sug bal iisheeg waxyaalaha looga baahan yahay saaxiib. Waa wax iska fudud Axmed baa ku jawaabay. Wa in qofku soomaali yahay dhanka waxbarashadana uu ugu yaraan haysto shahaado dugsi sare. Hadayba sidaa tahay aniguba diyaar ban u ahay inan fursadaas qaato si aan kii duliga ahaa ee dowladnimada igu dhibaateeyey iyo kuwa lamidka ah aan dalka uga qabto. Hawraarsan iyo safarkaas aan iskuso diyaarino ayey kukala tageen Daahir iyo saaxiibkii Axmed.



Qalinkii Liban Mohamud Nur.
Lasoco qaybta 5aad.