Yaxya Ibraahim Xassan Al Sinwar oo loo yaqaano Yaxya Sinwar waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Yoonis oo ka tirsan marinka Qaza bishii Oktoobar 29-keedi sanadkii 1962 xiligaasi oo ay maamulaysay marinka Qaza dowlada Masaarida. Qoyskiisu waxay kasoo jeedaan magaalada Majdal Casqalaan oo guumaystaha dhulka qabsatay ay ula baxdeen Askalon.
Waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay marinka Qaza
isaga oo Digriigiisa ka qaatay jaamacada Islaamiga ah ee Qaza wuxuuna bartay luuqada
Carabiga. Intaasi kadib waxa uu ku biiray dhaqdhaqaayadii guumaysi la dirirka waxaa
uu galay xabsiyada gumaystaha tiraba dhawr jeer waxaana guumaystuhu uu dhigay
xabsiga markii ugu horeysay sanadkii 1982
wa laba sano kadib markii uu ka qalin jabiyey jaamacada waxaase markii ugu
danbaysay gumaystuhu xiray sanadkii 1988 isaga oo lagu eedeeyey inuu abaabulay
afduubashada iyo dilka laba askari oo ka tirsan ciidanka gumaystaha iyo afar
falastiiniyiin ah oo lagu eedeeyey in ay basaasiin u ahaayeen guumaystaha
markii danbana wuu qirtay danbigaas isaga oo baarayaashi kiiskaas dhex geeyey
halkii ay ku aaseen maydadka afar kamida dadkaas oo ay ku aaseen meel beer ah.
![]() |
Yaxya Sinwar | madaxa Xamaas. CREDIT: Getty Images/Yousef Masoud/SOPA Images/LightRocket |
Sanadkii 1989 ayaa maxkamada guumaystuhu waxa ay ku xukuntay afar xabsi daain ama nolol waligeed ah oo uu ku qaadan doono gudaha xabsiga. Waxa uu tiro dhawr mar isku dayey inuu kabaxsado xabsiga inkasta oo dhamaan iskuday yadaas baxsasho fashilmeen. Sanadkii 2008 ayaa dhakhaatiirtu waxay ku sameeyeen qaliin waxayna kasoo saareen buro uga taalay dhinaca maskaxda wa isla inta uu kujiray xabsiyada gumaystaha. Ugu dambayn waxa uu xabsiga gumaystaha kasoo baxay sanadkii 2011 markaas oo lagu soo daayey heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo mujaahidiinta wax iska caabintu ku khasbeen gumaystaha in uu siidaayo 1026 Falastiiniyiin oo ku jiro mujaahid Yaxya badalkeedana loo sii daynayo mid askarteeda kamida oo lagu magacaabi jiray Gilad Shalid.
Laga soo bilaabo sanadii 2017 wa
hogaamiyaha kooxda Xamaas ee gudaha deegaanka Qaza waxaana u uku guulaystay
doorashadii sanadkaas ka dhacday marinka Qaza. Waxa uu jidka macquul
ahaanshada ka fogeeyey heshiis iyo gorgortan lala galo gumaystaha laakiin war
aan la filayn ayaa laga baahiyay warbaahinta carbeed ee Al jaziira mishii Maajo
sanadkii 2018. Warkaas waxa lagasoo xigtay mujaahid Sinwar in uu carabaabay in ururka Xamaas uu xaqa
dadkiisa ku raadinayo si nabadeed waxa warkaas lama filaanka ka dhigay waxay
ahayd in todobaad kahor uu dadkiisa u sheegay in ay jabiyaan go’ doominta
gumaystaha waxa uuna intaa ku daray in nolol adoonsi ah ay ka door bidayaan
geeri sharaf leh.
Bishii Maarso sanadkii 2021 ayaa markale dib loo doortay inuu sii ahaado hogaamiyaha ururka gumaysi la dirirka isla sanadkaas waxa qarxay dagaal u dhaxeeya dadka la dulmiyey ee rer falastiin iyo guumaysiga sahnuuniyadu gadaal ka riixayso. Maajo 15-keedii isla sanadkaas 2021 iyada oo uu socdo dagaalku waxa diyaaradaha maamulka gumaystuhu ay weerar ku ekeeyen guriga Sinwar oo kuyaalay magaalada Khan Yooni ee koonfurta deegaanka Qaza.
Xiligaas warbaahinta gumaystuhu waxay warinayeen in
loo badinayo inuu ku geriyooday weerarkaas.
Isla bishii Maajo 27 keedii wa laba iyo toban maalmood kadib weerarkii lagu
qaaday gurigiisa waxa uu mujaahidku kasoo muuqday warbaahinta isaga oo shir
jaraaid qabtay waxa uuna tibaaxay in uu caafimaad qabo weerar kaasna uusan u
wax yeelayn sidii ay uqorsheeyen guumaystuhu. Waxaa layaab ahayd in uu wasiirka
difaaca ee guumaystaha iyo dhamaan hay’adaha amaanka uu ku wargaliyey in uu
aadi doono gurigiisa hal saac kadib xiliga uu warbaahinta la hadlayo. Maalintaas oo dhan waxa la wad-waday sawirada
ninkan oo maraya wadooyinka magaalooyinka ay Qaza ka kooban tahay.
Weerarka Oktoobar
7.
Gumaystuhu waxa
uu xiligan la taagan yahay ku tilmaama maskaxdii ka danbaysay weerarkii
mujaahidiintu ku qaadeen dhulka lahaysto kaasi oo jawaab u ahaa ku xadgudub
kooda dhulka barakaysan iyo barakincinta ay ku ahaayan dadka degan daanta galbeed.
Waxa uu soo jeediyey fikrad ah in maxkamadaha guumaysiga laga sii daayo dhamaan
dadka masaakiinta ee ku xiran taa badalkeedana guumaystaha loo sii dayn doono
dadka laga soo qafaashay intii uu socday weerar duufaanta aqsa walow madaxda
xagjirka ee gumaystuhu ay diideen dalab kaas hadana xiligan waxaad mooda inay
kusoo dhawaanayaan barta runta iyo waaqaca. Waxa marar badan RW gumaysiga Binyamin
Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaacu ku goodiyeen in ay soo qaban doonaan
Sinwar hadii ay gacanta ku dhigaana waxay sheegeen in aan loo dili doonin si
caadi ah laakiin sideetameeyo maamlmood iyada oo uu dagaalku socdo wali gacan
kuma haynaan Yaxya Sinwar.
Waxa uu si
wanaagsan ugu hadlaa afka Cibriga oo uu aad ubartay waayadiisa uu ku jiray
xabsiyada gumaysiga waxaana uu aad udhagray hay’adaha amaanka ee gumaysiga
kadib waraysi uu siiyey mid kamida tiifiiyada gumaysiga isaga oo afka cibriga
kuhadlaya ayuu yiri; “Israail wa quwad wayn mana kala hortagi karno dagaal
sidaas daraaded waxan xalka u arkaa in si nabadgalyo ah xalkeena ku raadsano”. Waxa
marar bidan sida ay qirteen hay’adaha amaanka gumaystaha ay wariyaan in khalad
koodii ugu waynaa galeen markii ay xabsiga kasii daayeen Yaxya Sinwar inkasta
oo baryo iyo jilba joogsi usiidayn hadana marar badan waxay kuso celceliyaan khatarta
ay maalintaas gacantooda ku samaysteen.
Hal todobaad
kahor warbixin laga sii daayey muuqbaahiyaha ABC News ciwaana looga
dhigay Waa kuma ninka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weeraradii Oct. 7?
Waxa kasoo muuqday Micha Kobi oo ahaan jiray madixii hore ee hay’ada
sirdoonka gumaystaha waxa uuna yiri isaga oo ka hadlaya mar uu la kulmay Yaxya
Sinwar; waxa aan waydiiyey maxaad
uguursan wayday waxaad jirtaa 29 sano, wuxuu igu yiri aniga waxa xaas, caruur, aabe,
iyo hooyaba ii ah Xamaas. Isla waraysiga ayuu ku yiri; Sinwar waa nin aad
ucaqli badan aadna uyaqaana cadawgiisa.
Muuqaal ka xogta Yaxya Sinaar wad kasoo daawan karta Youtube keyga.
DHAMMAAD
Dhamaan xogahan
waxaad ka heli kartaa Wikipedia iyo websayd yada lagu daabaco xogaha amniga iyo
siyaada. Waxaa qoray
Liban Mohamud Nur. |
17 Comments