Maxaa ka socda Puntland

Kalafadhigii udanbeeyey ee uu yeeshay baarlamaanka Puntland bartamihii sanadkan ee lagu badalay qaybo kamida qodobada dastuurka Puntland waxa uu doodo kulul kadhaliyey masraxyada siyaasadda lagu gorfeeyo. Qodobada wax kabadalka lagu sameeyey oo badidood quseeyey doorashooyinka waxa ugu waawayna habka laguso dooran dooro madaxwaynaha iyo madaxweyne kuxigeenka. Dastuurka Puntland wuxuu horay udhigayey in baarlamaanka Puntland ay dooran doonan madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyada oo wax kabadalka ay sameeyeen baarlamaanu uu meesha kasaarayo qodobkaas ayna ansixiyeen in madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa shacabku soo dooran doonan. Kadiba waxaa xigtay in la magacaabay gudiga madaxa banaan ee doorashoyinka. Gudigaas oo markii ladhisayba soo saaray khariirad doorasho asteeyeyna xiliga ay dhacayso doorashada baarlamaanka ta madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka. Sida uu qabo dastuurka Puntland sideeda bisha Janaayo waxay ku astaysan tahay maalin doorasho hayeeshe mucaaradka aan katirsanayn xisbiyada oo awood kuleh gudaha Puntland waxa ay goor horaba sheegeen in qorshaha madaxwaynuhu yahay in uu doonayo ku darsasho sharciga baalmarsan. Wixii ay kadigayeen qolyaha mucaaradku waxay toos ucadaaden markii gudiga madaxa banaan ee doorashoyinku ay soo saareen jadwalka iyo khariiradda doorashada. Khariiradaas doorasho oo dhigaysay in 25 bisha Febraayo 2024 ay noqon doonta maalinta loo dareeri doono doorashada madaxtinimada. Horayna baarlamanku wuxu wax kabadal kusameeyey qodobadii dastuuriga ahaa ee quseeyey habka looso dooranayo madaxwaynaha. Gudiga doorashoyinka Puntland ee hada ladhisayna waxaa ay dowladdu udirtay qabashada doorasho dadwayne oo aan heshiis lagu ahayn. Dhanka kale beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha Soomalidu waxay war ay soo saareen kusheegen in laga fogaado wax kasta oo qalalaase keeni kara iyaga oo kutaliyey in lawada hadlo. Dhaqanka oo ah qayb wayn oo aan ladhaafi karin waxaa qaar kamida oo Garoowe kushiray ay ku taliyeen in doorashada loo qabto sidii horay udhici jirtay wakhtigeedana ay kadhacdo warkaas oo markii uu soo baxay ay madaxtooyada Puntland kaga jawaabtay mid kale oo taladooda lagu burinayo. Markale wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa waraysi uu bixiyey wuxuu ku sheegay in doorashadu noqoto mid wadar ogol ah oo heshiis lagu yahay. Dhanka kale booqasho ay todobaadkan kutagtay kutagtay Garowe wakiilka xogyaha guud ee Qaramada midoobay ee Somaliya lana kulantay madaxwayne Deni waxa ay sitoos ah usheegtay in doorashadu kudhacdo wakhtigeeda ayna noqoto mid heshiis lagu yahay oo wadar ogol ah. Inkasta oo warka kasoo baxay beesha caalamka aanu ahayn mid uwanaagsan xukuumadda oo uu yahay mid kasoo horjeeda rabitaankooda hadana wali madaxtooyadu si cad ugama aysan kahor imaan.
Fikirkayga ku aadan arimaha taagan waxa aan xalka u arkaa in si kastaba looga fogaado xaalad keeni karta qalalaase kadhaca Puntland ama sababi kara in isdhexyaac badan yimaado. Wa sax in shacabku soo doorto madaxdooda inay tahay wax aad ufiican laakin haddii wakhtigii xukuumada ee dastuuriga ahaa uu gabogabo ku dhawyahay haddii dhibta ka imaan karta in la aado doorasho dadwayne ay kabadan tahay middii hore loo samayn jiray waxa caqliga caafimaadka qaba uu noo sheegaya inaan la dooran jidka ina dhexgaynaya dhiig badan oo daata sida dhibaatadii dhacday 2001.

Post a Comment

0 Comments