Amxaarada iyo Abiy. Dec 2020.

Amxaaradu wa qowmiyadda labaad ee ugu badan guud ahaan bulshooyinka Itoobiya badigood na wa masiixiyiin ku abtirsida kaniisadaha Ortodhokoska. Taariikh ahaan Amxaaradu waxay ahaayeen kuwo qarniyaal kaso talinayey dhulka maanta Itoobiya loo yaqaan, boqorkii u danbeeyey ee kasoo jeeday qowmiyadaas wuxuu ahaa Xayle Salaase oo mudo 44 sanadood ah ka talinayey Abasiiniya.

  


Afgambi dhacay dayrtii sanadkii 1974 ayaa talada looga tuuray boqorkii Amxaar wa Xayle Salaase iyada oo dil loogu sii daray, halkaas kuma dhamaan noloshii Xayle Salaase iyo xukunkiisii adkaa waxaase gabbalku udumay boqortooyadii Amxaarada ee soo talinaysay mudada dheer. Wixii ka dambeeyey mudadaas Amxaaradu waxay si kasta isugu dayeysay soo ceshada waxa ay u gu yeeraan haybadii luntay gaar ahaana sanadihii dhawaa.

Maxa loola jeeda haybadii luntay?

Si kooban macnaha haybadii luntay wa kusoo ceshiga xukunka gacanta Amxaarada weliba xukunkaasi in uu ahaado mid boqortooyo ku salaysan dhinaca kale-na wa in laga takhaluso nidaamka federaalka Itoobiya kaasi oo ku salaysan qaab qawmiyadeed, qolo walbana u ogolaanaya in luuqadeeda gaarka ah ay waxbarashada ku qortaan kuna bartaan. Amxaaradu waxa ay xukunka Itoobiya ka maqan tahay 46 sanadood oo kaliya, dhammaan isbadaladaas ay rabaan in ay ku sameeyaan IT wa qaar dhacay inta ay xukunka ka maqnaayeen.

 

Intii xukunka ay haysay jabhadii Tigreega ee TPLF waxa ay si walba isaga ilaaliyeen Amxaarada jeer ay gaartay in la waayo qof Amxaar ah oo jago sare kahaya sirdoonka iyo militariga IT laakiin tan iyo markii uu xukunka qabtay raiisal wasaare Abiy, Amxaaradu si mug leh ayey u dhexgaleen hay’ada sirdoonka iyo milatariga IT. Wa midaas mida shakiga abuurtay. Halkaan marka ay joogto waxa aan arkayna sida Amxaaradu ay udoonayaan in ay dib u gu soo laabtaan xukunka

 

 

Duulaankii uu maamulka Abiy ku qaaday gobolka Tigreega waxa si firfircoon uga qayb qaatay ciidanka maamulka Amxaarada, isla markii uu Abiy ku dhawaaqay in lasoo afjaray dagaalkii Tigreega waxa hadalo xambaarsan hurgumooyin hore oo huursana kasoo yeereen Baxra Daar (Baxri Dar: caasimada maamulka Amxaarada). Gudoomiyaha xisbiga Barwaaqo (Xisbiga Barwaqo: xisbiga talada haya ee Abiy madaxda u yahay) ee ismaamulka Amxaarada iyo taliye ku xigeenka milatariga IT oo labaduba Amxaaro ah ayaa soo saaray war isku ujeedo xambaarsan una dhigna sidan; Annaga oo ah Amxaaradii lahayd dhulka waxa aan doonayna in aan udhisno maamul aanan kala tasha dawladda dhexe ee IT magaalooyinkii laga qabsaday TPLF ee hore ay nooga qabsadeen. Hadalkaas dowladda dhexe wax jawaab ah kama ay bixin waxaase jawaab kulul ka bixiyey madaxwaynaha maamulka Oromada. Wuxu Amxaarada u sheegay in ay soo dhamaaden maalmihii ay santaaglayn jireen dhanka kale na wuxu ku hanjabay in ay mari doonaan jidkii TPLF.

 

Inta ay dhacayaan dhammaan waxyaalaha aan soo sheegnay, maamulka Abiy wuxu ka daawanaya sheeda waana ka aamusay hadalada kasoo yeeraya madaxda labada dhinac. Aamusnaantaas waxaa lagu macneeyey labo qodob;

1.     In Abiy uu iska indha tirayo tookha iyo damaca seediyaashii (Amxaaro) oo uu mar horeba gartay sida uu u gu dhacay wax u eg dabin maadama markii uu yimid xukunka uu xilalkii hay’adaha sirdoonka iyo milatariga u gu roonaaday dhanka kale-na uu soo dhawaystay markii uu weerarayey Tigreega. Taasi oo la macno ah in uu isku dhiibay Amxaarada.

2.     In uu wato qorshe hoose oo uu doonayo in uu ku kala furfuro Amxaarada kursigiisa u socota sidii uu ku wajahay TPLF oo horaantii markii uu arkay sida ay u gu xididaysteen hay’adaha kala duwan uu bilaabay qorshe uu dagaal hoose kula galayo badalkii uu toos u wajihi lahaa TPLF.

 

 

Maalin aan sii fogayn madaxwaynaha ismaamulka Amxaarada Temesgen Tiruneh ayaa maamulka Abiy waydiistay in ay u ogolaadan in ciidanka maamulkiisu gudaha ugalaan ismaamulka Binshaangul Gumus si ay ulaso dagaalamaan wax uu u gu yeeray maleyshiyo dilal ugeysatay Amxaarada ku nool gobolkaas.

Dilalka loo gaysanayo dadka u dhashay qowmiyada Amxaarada ayaa kor ukacay bilihii ina waydaartay ayaa kor ukacay waxaana tirada Amxaarada lagu dilay deegaanada kala duwan ee gudaha IT lagu sheegay in kabadan 400 oo qof. Deegaanada tirada Amxaarada ee u gu badan lagu laayey wa deegaanada Oromada iyo Binshangul Gumus. Marka ay halkan joogto waxa maankaagu is waydiinaya sababta loo laynayo Amxaarada. Ii ogolow in aan kaaga jawaabo waydiintaas.

 

Waxa jira dakanooyin hore oo ay geysteen intii ay ka talinayeen IT, dakanooyinkas waxa kamid ahaa in ay adoonsan jireen qawmiyadaha kale. Qodobkaas ayaa ah midka u gu wayn ee laga tirsanayo Amxaarada, mana inkirsana Amxaaradu in ay geysteen dhibahaas taa badalkeeda way ku faanan waxayna qowmiyadaha kale u sheegan in marka ay soo ceshtaan xukunka ay sidii hore u celin doonan qawmiyadaha la loolamaya siiba Oromada.


Dec 2020.

Liban M. Nur

Kampala, Uganda,

Post a Comment

0 Comments