Daahir meeshan saaxiib wa karhay anigu warkaagana Maxamuud baa iisheegaye bal iiwaran dhankaaga ayaa Warsame oo hadalka gaabinaya yiri. Intaa uu kuu sheegay saaxiibka Maxamud ayaa jirta marar badan oo hore ayaana ku fekeray inan baxsado laakiin fursad ayaa ii muuqan wayday Daahir ayaa ku war celiyey. Xal la waayi mayo saaxib haddii aynu xal raadiyeyaal noqono ayaa Daahir oo ka niyad jabsan sida xaal yahay waxa ku yiri saaxiibkii. Wakhtiga bareegga la qaadanayo oo koobna awgeed sheekadoodii ayaa halkaas ku joogsatay waxayse ku balameen in ay isku yimaadan markasta oo ay helaan firaaqo sida xiliyada cuntada la cunayo siiba xiliga qadada oo ay u arkayeen inay ku habboon tahay inay afka isgaliyaan maadama saxmadda iyo buuqa xeradu uu ka badan yahay xiliga quraacda. Sababta ku riixaysa inay xiliyada ay nasanayan kulmaan wa dhow qodob oo isbiirsaday waxaana kowka ah inaysan sheeko dhexmari karin inta ay qaadanayaan tababarka iyo ka labaad oo ah iyaga oo ay kala duwanaayen fanniga baranayaan. Daahir isaga waxaa u uku jiray qaybta loo diyaarinayey inay noqdaan duuliyeyaal sare halka Warsame uu ku jiray ama baranayey qaybta istaraatiijiyadda dagaalka iyo cillad bixinta diyaaradaha. Hawraarsan iyo hala yeelo ayey kukala tageen.
![]() |
Qayb kamid ah ciidanka XD Soonaaliyeed |
Rag isku fikir ah ayaa is helay maalin walbana ilaa labaatameeyo daqiiqo ayey faqaan waxa labadoduba mar walba ka sheekaystaan fursadaha ay heli doonan kolka ay cagaha dhigaan Yurubta galbeed waase dhalanteed ay isku dhaafinayan waaqaca horyaalla. Warsame ayaa fikir la yimid wuxuu saaxiibki la wadaagay macquul ahaanshaha inay maamulka xerada utagaan una sheegaan inay ka tanaasuleen shaqada ciidanimo doonayaan-na inay dib ugu laabtaan dalkoodii iyo dadkooda markaa kadib haddii safaaraddu ogolaatana ay ka baxsadaan wadanka inta safarkooda la isku duba ridayo. Sidee kula tahay Daahrow ayuu waydiiyey.
Waa fikir wanaagsan runtii oo aan igusoo dhicin intii aan walwalayey laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaynu helno xogta dhabta ah ee ku saabsan nidaamka uu maro qofka marxaladdaas oo kale lasoo gudboonaato. Sow talo waayeel maaha? Allow ma taliyey. Talow ma jiraa qof habka aynu ufekernay inta sameeyey loo yeelay oo dabeeto safaaraddu ay kasaartay xerada si ay dib ugu celiso wadankii macquulse ma tahay? Qofna ma oga. Hal caqabad ayaa arinkan ogaanshihiisa ka hor taagan caqabadaasi wa in xerada ay joogaan inay kula jiraan oo kali koox ay isku xili ama marar isku dhow la keenay xerada wax fikrad ah oo arrintaa qusaysana aanay ka heli karin maadama ay war moog yihiin.
Meel ay wax kabilaaban iyo si ay yeelaan ayey garan la’ yihiin marba fikir ayaa kusoo dhacaya ma is biimaysaan maya ee safaaraddiina mala xiriirtaan. Fikir baa kusoo dhacay wuxuu yiri kawaran haddii aynu arrinta Maxamuud soo galino maadama uu awalna ina ogaa uuna yahay nin fikir kahelo karno halka markuu Daahir hadalka uu marinayo ayaa fikrad kale maankiisa dhex timi wuxuu saaxiib kiis kuyiri kawaran hadaynu Maxamuud qudhiisa aynu ku qancino inuu arintaan qayb ka noqdo. In badan oo wakhti ah ayey qaadanaysaa inan ku qancino fikir keena oo ninkaas aad ban ugaranaya Warsama yiri.
Ninkaa adinkaa iska kay yaqaan oo qol wada degane waxaad usheegta in noloshan tu dhaanta ay jirto oo aan qorshaynayno anagu intaan xagaagu dhammaan isaga baxsanayno xerada sidaan yeelnaba qorshaheenuna yahay in aan ku noolaano wadamada galbeedka Yurub. Wuxuu isku dayey in uu kuqanciyo fikirkooda ka baxsashada laakin diidmo adag ayuu kala kulmay Warsame saaxiibkii Maxamuud. War hadaan afkayga xirtay oo aan shibta guray ma anigii baad dib ugo’aan sateen inaad itashkiiliso ma dhacayso saaxib inan halkan ka baxsado oo qaxooti ku noqdo dal qurba ahe dalkii aan udhaartay ayaa iga sugaya inan u abaal gudo. Tiina ku mashquula saaxib waad isku filan tihiine.
Warsame isagu awalba wuu ka filayey in Maxamuud uu sidan oo kale ugu jawaabi doono wuxuuse islahaa fuli waxaad saaxibka Daahir isku ogaydeen. Ninkii diidmo adag ayuu igala hor yimid ee maxaa talo ah saaxib Warsame ayaa ku yiri saaxiibkii isna inta cabbaar meelaha day dayey ayuu yiri saaka aroortii hore ayaa aniga oo salaadda subxiga usocda waxan arkay jaanis yar oo aan is iri malaha waaba kii aad ku baxsan lahaydeen halkaa markuu marayo ayaa Warsame lasoo booday oo muxuu ahaa jaanis kaas. Waxan arkay gaari wayn oo khudaar laga dajinayo oo banaanka xerada in uu kayimid aan umalaynayo Daahir ayaa uga jawaabay waydiintii uu lasoo booday Warsame.
Anigu waxan u arkaa meeshaas in ay tahay wadada baxsasho ee ugu dhow Warsame ayaa yiri wuu sii watay hadalkii wuxuuna yiri wa in aynu aad ugaga baaraan dagnaa sida ugu fudud uguna macquulsan ee hawshaas aan ufulin karno. Maxaynu yeelnaa Daahir baa yiri. Marka hore waa inaynu aad ula socono xiliyada uu gaarigaas yimaado waxa midaas inagaga sii muhiimsan-na wa inaan ogaano baartitaanada lasii mariyo gaarigu marka uu sii baxayo Warsame ayaa sidaa yiri. Sida aynu ku ogaan karno xiliyada uu gaarigu yimaado way fududahay kaliya wa inaan xili hore soo kacno oo aan la socono iyo guuxa iyo isu socodka ka dhex socda xerada.
Waxayse amuuri ka taagan tahay sida aan ku ogaan karno baaritaanada la mariyo gaariga marka uu sii baxayo markale ayaa Daahir hadalka sii watay wuxuna markan suaal ka waydiiyey saaxiibkii sida ay la tahay habka lagu ogaan karo qaabka gaarigu uga baxo xerada. Warsame oo qudhiisu aan jawaab waafi ah uhayn sida ay ku xalin karaan dhibaatadan ayaa ugu laab qaboojiyey Daahir waynu heli xal hadaynu xal raadiyeyaal noqono. Bal kasoo feker hawshaa iyada ah aniguna baaritaan ban galin Daahir baa ku yiri saaxiibkii.
Haddii markii hore waxa ku taagnaa ay ahayd side meesha uga baxsataa hada wuxuu ka fekerayaa sida ugu haboon ee isaga oo aan laga shakin uu ku heli lahaa xogta iyada oo aan wax shaki ah laga qaadin. Horta sow kama horayso inaan ogaado maalmaha iyo xiliyada gaarka ah ee uu yimaado gaarigu? Haa wa inaan marka hore ogaada xiliyada iyo maalmaha uu yimaado.
Subaxdii xigtay Daahir wuxuu kacay goor hore mana arag gaarigii subaxyadii kale ee xigayna si lamid ah wuxuu helay natiijo lamid ah tii hore uu uheli jiray. Wuxuu guux iyo gariirba ka waayey gaarigii markaasa mawjado diiqad ah ku furmeen wuxuu ku tiraabay in gaarigaasi mar la arag ahaa oo aanu soo noqonayn markale laakin markan wuxuu haysta saaxiib dhiniciisa ah oo mar walba rajo galiya. Warsame oo daba socda hadalka saaxiibkii ee niyad jabku ka keenay ayaa yiri todabaad kiiba mar gaarigu in uu yimaado ban umalayn waxaana usababeynaya laba qodob midi wa in gaarigu keenay wax xerada looga baahan yahay mar kasta oo taasi waxay meesha ka saaraysa malahaaga oranaya gaarigu mar ayuu yimid manaso laabanayo mida kalena wa in xajmiga khudaarta uu keenay iyo adiga baaritaan kaaga markii la isku daro ay udhowdahay in khudraddaas todobaad in ka yar lagu isticmaali karin. Wa macquul saaxiib Daahir ayaa yiri. Ugu danbayn Warsame ayaa yiri haddii asbuuc laga joogo markii aad aragtay gaariga waxan ubadinayaa in maanta ilaa beri uu imaan doono maadama an qiyaasayo in la isticmaalay khudradda xooggeedii ee waxaad yeesha sii joogtee inaad isha ku hayso gaarigaas marka uu imanayo. Hawraarsan saaxiib iyo waa inoo sida ayey kukala tageen Daahir iyo saaxiibkii Maxamuud.
Subixii xigay ayuu Daahir hore usoo kacay wuxuu is yiri hurdada waad ku daahday haduuse eegay saacadda wa afartii aroornimo ama tobankii sida qofba uyaqaan wuxuu maqlay hirarka cod soo yeerayo oo aanu subaxyada kale maqli jirin aleylehe wa gaarigii malaha ayuu uurka iska yiri wa inaan horay ubaxo oo aan masjidka wax usocda inta iska dhigo aan sii hubiyaa waxa halkaa ka socda. Hadiiba haduu baxay wuxuu arkay wixii uu filayey wuxuu arkay baabuur ay niman ciidan ahi khudrad ka dajinayaan markaasu farxad kala bad batay waxaase qaadan waa ku noqotay markii mid raggii wax ka dajinayey uu gartay oo inta uyeeray uu ka dalbaday inuu caawiyo oo uu hawsha dhinaciisa ka galo. Waaga ku baryey! Waxay la noqotay qaadan waa! Jawi uu farxad iyo murug wuxuu yahay uu kala garan waayey ayuu galay wuxuu aad ugu farxay jaanis kan aadka uwayn ee uu helay.
Qalinkii Liban Mohamud Nur,
Nayroobi, Kiinya.
6 Comments