Safarkii kediska ahaa 11

Halkaa markay marayso waxay noqonays labo mid un wa in askartu galaan khaladkoodii ugu waynaa inta ay xeradaan ka shaqaynayeen ama in isagu galo khaladkiisii ugu waynaa oo ah isku day baxsi taas oo hadii ay dhacdo aanu qiyaasi karin waxa kaga iman doona waxay ku xiran tahay sida isaga iyo saaxiibkii ufulin doonaan hawsha. Durbadiiba wuxuu bilaabay in isaga oo hawsha dhinac ka haya hadana uu la kaftamo askarta iyo darawalka gaariga hadayse askartu moodayaan in kaftankiisu yahay mid uu rabo in  shaqada uu hayo isku dhaafiyo way mala haboobeen oo ujeedkiisu isaga intaa wa ka fog yahay. Wuxuu qaldayey askarta si aanay uga shakin haddii uu cabbaar la kaftamo ama la xuuraamo darawalka gaariga oo ujeedkiisu ahaa bal inuu kahelo wax xog ah oo ku saabsan haddii la mariyo baaritaan dheer iyo haddii kale si waadax ah se ugu dhaco inuu waydiiyo. 

Marba meel ayuu isku dayayaa inuu usoo maro wax kale ayuuse dareemay wuxuu dareemay in ninkan darawalka ahi aanu ahayn Turki dhalad ah ee uu yahay Suuriyaan qaxooti ku ah wadanka.  Wuxuu ka yaabay fursadaha is barkan ee hor yaalla markii ay dhameeyen shaqadii ayey isu raacen in ay faraha soo dhaqdaan saw jaanis kale oo wayn maaha. Markaasu damcay markay isu kaliyeystaan in uu bareero cad ugu sheego qorshihiisa iyo in uu caawimaad ka doonayo isna uu lacag siinayo wuuse walwalay oo wuxuu ka walwalay in arinku sir ahaanshaha kabaxayo marba hadii uu ninkan usheego. Wuu is celiyey oo uurka iska yiri lama joogo markaad ninkan ubareeri lahayd.

 



Sawirka qoraaga sheekada Liban Maxamud Nur

Mar waxaa isku sawiray fursaddan uu helay ee ay adag tahay in uu markale helo mar kalena waxaa hortimid cabsida uu kaqabo in arinkii isaga iyo saaxiibkii soo dhisayeen hal talaabo oo khaldan oo uu qaado ay waxba kama jiraan ka dhigi karto. Allow yaa saaxiibka bartan kuugu keena si aad wax aad iskula ogtihiin uqaadataan oo aad ugu dhaqaaqdaan ayuu uurka ka yiri. Saaxiibkay wixii uu i oran lahaa waan qiyaasi karaaye bal maan goaan qaato. Inta carabigii uu bariguu yaraa iskuulka ka bawsaday iyo xooga turki ah oo aysan dareemi karin askarta agagaarkiisa kadhow ku hadlay ayuu hadal duur xul ah ku yiri darawalkii oo Abuu Fawzi magaciisu yahay si sir ah inaan uwada hadalno ayaan doonaya. Darawalkii oo aan fahmin ujeedada wiilkan madow ee soomaaliga ah uu uga jeedo hadalkiisa iyo waxa sirta ah ee ay kawada hadli karaan ayaa gaariga dhiciisa inta la istaagay waydiiyey waxa uu ka doonayo.

Magaalada iyo xerada aan joogno intee in le eg ayey isu jiraan waxan kaloo jeclaan lahaa inan kuwaydiiyo meelaha baaritaanada ee aad sii marto wa sidee? Suaalo cayn kaas ah ayuu kuboobay markaasu yaabay ninkii darawalka ahaa maxaad uga jeeda suaalaha aad iwaydiinayso ayuu waydiiyey darawalkii Daahir. Markaasu usheegay wax kasta oo kusaabsanaa qorshihiisa baxsasho wuxuuna uraacshay in uu siinayo lacag uu aad uga yaabay tira badnideeda ninkii darawalka ahaa. Markaasu wa nin xoolo aduunyo loo sheegaye siday ahayd ugu warbixiyey Daahirna wa inta uu doonayey e’ wuxuu waydiiyey xiliyada uu keeno khudaarta iyo sida ugu macquulsan ee uu kaga saari karo xerada.  Askastiii waxay uhaystaan darawalku meesha isaga nasanayo maadama uu xalay guure ku keenay khudrada Daahirna  uu masjidka aaday.

Askarta hareerahoda joogtay awalna ma ay badnayn hadana way sii yaraanayaan oo markii ay in yar la joogaba mid iyo labo ayaa tagaya oo barahoodi markii hore ay kayimaaden ku noqonaya. Culayskii ba ka yaraaday kolkaasay si kafiican sidii hore usii hadleen oo haddii markii hore carabi iyo turki isku jira kuwada hadlayeen hada waxay ubareeren inay af turki ku wada hadlaan maadama labadooduba sifiican ugu hadli karaan af turkiga. Daahir wuxuu ahaa nin ku fiican in qofka uu ka dhaadhiciyo waxa uu doonayo wuxuuna bilaabay inuu ka dhaadhiciyo in darawalku uu siiyo moobilkiisa  maadama oo haddii uu helo xiriirka ehelkisa uu ka heli karo lacagta uu ubaahan yahay. Inkasta oo Abuu Fawzi ku adkayd inuu qaato goaan kaas hadana wuu aqbalay ugu danbaytii. Daahir wuxuu waydiistay in uu siiyo jaajarkiisa Abuu Fawzina maadama oo uu ahaa nin darawal ah oo inta badan wakhti ku qaata gaarigiisa jaajarkii moobilka meel dheer kamaba uu doonine wuxuu ugasoo saaray shirka gaariga wuxuuna ka saaray kaarkiisii lagu yaqiin isagoo ugashay kaar kale oo Turki Telkom ah wayna kala tageen iyagoo ku balamay in wixii macluumaad ah oo kale ay moobilka iskalso hadli doonan.

 

Isaga oo farxad uga cadahay ayuu udhaqaaqay dhinaca masjidka markii uu kasoo dhamaadayna meel qol kiisa kamida ayuu inta damiyey ku qariyey moobilkii iyo jaajarkiisa maadama oo ay sharci daro tahay  isticmaalka moobilku maalin walbana la hagaajiyo qololka ciidanka. Markii bareega la gaaray ayuu saaxiibkii Warsame usheegay warka fiican ee uu uhayo wuxuu usheegay wixii saaka qabsaday markaasu kala badbatay oo ay la noqotay waxa saaxiibkii sheegayo inaanay run ahayne ay riyo tahay. Waxaaba wax walba uga darnayd markii uu usheegay in moobilkii uu kala haray ninkii darawalka ahaa markaasay ilin farxadeed katimid. Hal mar ayaa waxa ka xirmay mawjado walwal iyo walaahow ah waxay qorshaysteen inay xoogga saaran sidii ehelkoodu ula hadli lahayeen ugana dalban lahaayen lacagta ay ubaahan yihiin ee safarkooda iyo midda saaaxiib kooda caawinaya waxa kale oo ay istuseen in hal caqabad jirto taasi oo ah in ay helaan qolo kale oo ka caawisa sidii ay magaalada in door ah inta ugu nastaan ay uguda gali lahaayeen safarkooda. 


Waxay u arkayeen in wakhtigu ay haystaan oo kooban darteed loo baahan yahay asbuuca ay haystaan in ay kafaaidaystan oo ay ku dhameeyaan dhamaan hawlaha uyaala. Waxay jeexden qorshe kala hotabin leh kaas oo kala hagaya waxa ay qaban doonaan todobada maalmood ee kusoo fool leh. Durbaba waxay bilaabeen guda galida qorshahooda waxayna ka bilaaben inay xiriir la sameeyan maalin kasta Abuu Fawzi si ay ukala warqaataan dhaka kalena la xiiiraan qoysaskoodii. Daahir markiiba waxaa kuso dhacday fikrad ka maqnayd kolkii hore wa inuu la xiriiro walaalkii kawaynaa kaasi oo hada maamule ka noqday isbitaalkii magaaladiisa uu ka caawin karo inuu usheego qof jooga magaalada Izmir maadama uu wax kubartay Turkiga. Xiriir ayu lasameeyey durbadiiba waalidkiisa wuxuuna kaso helay lambarka walaalkiis maadama oo inta uu xerada kujiray walaalkii ku laabtay dalkii oo ka qalin jabiyey jaamacada. Waxay is heleen walaalkii oo is xaal waraysi kadib uu usheegay qorshihiisa iyo inuu uraadiyo dhaqaalaha uu ubaahan yahay dhinaca kalana ku xiro qof garanaya dulaaliinta dadka tahriibiya.

Warsame isaguna markiisa ayuu la xiriirayey waalidkiisa si loogu soo diro kharashaadka uu ubaahan yahay.  Dhanka kale waxa mar walba xiriirkoodu socda Abuu Fawzi oo marar badan ku calaacala in uu yahay nin Ajnabi ah oo aan joogin dalkiisa kiiska uu faraha kula jiraahina uu galaafan karo noloshiisa iyo mida qoyskiisa waxaase mar walba dajiya Daahir oo u sawira in nolol fiican uu gali doono marka ay siiyan lacagtiisa uu xaqa ugu leeyahay. Daahir walaalkii waxa uu kusoo xiray nin degaan ku ah magaalada Izmir kaas oo dadka kuhaya gurigiisa kadibna u tahriibiya dhanka giriiga ninkaas oo udhashay wadanka Azarbeyjaan. Waxa uu isku xiray ninkii iyo walaalkii Daahir si ay iyagu uwada sheekeystaan dhanka kalena waxa socday isku daba ridka kharashkii uu Daahir dalbaday in looso diro. Maalinimadii danbe iyaga oo wax iska waydiinaya waxa uga qabsoomay qorshahoodii ayey dhextimid waydiin ku saabsan qofka looguso diri doono lacagta si ninka dulaalka ah ee tahriibin doona iyaga lacagtiisa aysan toos akoon dibada ah looga soo dirin maadama oo hadii taasi dhacdo laga yaabo in booliiska iyo sirdoonku ay toos u ogaadan sida wax udhaceen.

 

Si loo tirtiro cadayn kasta oo marka danbe laguso raad raaci karo ayey goaan sadeen in lagama maarmaan ay tahay in lahelo qof sadexaad oo soomali ah oo lacagta loogu soo diro xawaalada kadibna ugu dira meeshiisa ninka dulaalka ah. Walaalkii ayuu lahadlay wuxuuna usharaxay khatarta ka dhalan karta haddii ay dhacdo in lacagta toos looga soo diro akoon dibada dalka ah ayna keeni karto in ay fure unoqoto soo qabashadooda dhanka kalana ninka maadama aysan aqoon ulahayn ay wanaagsan tahay inaan lacagta loo dirin isaga oo qofka kale lahelo. Adigaa awalba halkan asxaab kulahaa oo wax kabaran jiraye waxaad raadisa qof asxaabtaada ah oo hawshan noo fududeeya. Ugu danbayn wuxuu helay Raage oo kamid ahaa asxaabtiisii jaamacada walina ku sugan Turkiga si uu udhamaystirto heerka labaad ee jaamacadda wuxuuna la wadaagay waxa uu ka doonayo. Inkasta oo uu markii hore ka leex leexday qabashada iyo galida hawshaas khatarteeda leh hadana wuu aqbalay ugu danbayn maadama oo saaxibkii yahay wa xoogey lacag ahna uu ubalan qaaday. 


Haddii xal loo helay halka Daahir loogu soo diri lahaa lacagta dhanka kalena waxa la xaliyey halkii Warsame loogu diri lahaa maadama uu goor horaba waalidkiisa ku war galiyey in lacagta loo diro Daahir walaalkiis ka wayn oo jooga isla wadanka. Abuu Fawzi wuxuu ku wargaliyey Daahir in maalinimada Khamiista ee todobaadka soo socda uu keeni doono khudraddii xarunta tababarka ee ay joogaan sidaas darteedna ay haystaan shan maalmod oo ay isku diyaarin karaan. Daahir isaga waxa ay ula muuqatay wakhti kooban inkasta oo ay badanka hawshii ugu muhiimsanayd ee dhaqaalaha iyo dulaalkii tahriibin lahaaba ay xaliyeen hadana wakhti intaa kabadan ayuu jeclaystay in uu helo si ay uga baaran dagaan sida baxsashadoodu noqonayso. Wuxu iisheegay in maalinimada Khamiista aroorta hore ay noqonayso maalinta baxsashadu sidaas darteed wa in aynu is diyaarino Daahir ayaa sidaa ku yiri saaxibkii Warsame oo subaxdaas ay mid kamida macalimiintiisa isasoo af dhaafeen wakhtiga aynu haysano na wa shan bari oo kali ah shaqo adag ayaa ina sugaysa waana in aynu samayno qorshihii ka bixida xerada ayuu Daahir sii raacshey.


Qalinkii Liban Mohamud Nur

Post a Comment

7 Comments

Muhammad said…
Sheekadu wa mid qurux badan.
Sheeko wacan said…
QAYBA QAYB KA KHATARSAN
Daily Waano said…
Abuu Fawzi wa nin xoolo loo sheegay lkn anigu khatartas maqten.
Hiigsi said…
meeshii ugu xaraaradda badnayd ayay ku dhammaatay. 12aad nooso dadaji walaal.
Hawa said…
heekada kaliyon akhriskeda kadalin mantana wayba kasii xiiso badan tahay malmihii hore inkasto meel fican noga dhamatay fadlan lasoo dhakhso qaybta xigta mahadsanid