GUUD MAR KOOBAN OO KUSAABSAN DALKA SOMALIDA
Qaran jabkii
kudhacay ummada somalida guud ahaanteed sanadkii 1991-kii waxaa hubaal ah inu
dhammaanteen inagu reebay saamayn togan iyo mid taban intay doontaba hale ekaato’e.
Dirirtii sokeeyaha ee dalka kadhacday haba ugu darnaato dagaaladii dhacay intii
udhaxaysay 1991 ilaa 2000 waa mid kamida sanadihii ay ummada somalidu si dhab
ah udareentay maxsulkii kasoo baxay qaran jabkii kudhacay waxaa xigay 20 sano
oo somalidu waxuun dowlad ah yabyabaysay intay dooniba hale ekaato’e.
Dawladdaas wa dowlad federal oo ay kuheshiiyeen somalidu gaar ahaana shirkii
El-dotet Kenya kadhacay ee laguso doortay dowladdi uu madaxda ka ahaa AUN
madaxwayne Cabdullahi Yusuf Axmed waxa kale oo jiray nidaam somaalidu ku
heshiisay shirkii kadhacay tuulada Carta ee wadanka Djabouti sanadkii 2000 kaas
oo laguso dhisay dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan nidaamkaas wa
4.5.
Inkasta oo
aanu ahayn nidaam kuqoran dastuurka qabyada ah ee somalida hadana wa sharci
lama dhaafaan ah, oo maxa kadhigay ayey waydiintu tahay, si aynu uga jawaabno
suaashas marka hore aynu isla garawsano wa kuma 4.5.
4.5 wa
sharci aan qornayn kaasi oo indheer garadka somalidu badankood qabaan inaanu xaq
ahayn laakin xal loo arkay. Waa nidaam sheegaya in beelaha Dir, Daarood,
Hawiye, iyo Digil iyo Mirifle si isle’ eg ay uqaadanayaan min 61 xildhibaan halka
qabaailaadka somalida ee kale guud ahaan ay qaadanayan 31 mudane xildhibaan.
Marka laqaadanayey nidaamkan laguma salayn tirokoob shacab ama deegaan kaliya
wuxuu aha xal indheer garadkii ummada somalidu markaas u arkaysay kan kali ah
ee ufuran.
Sababta
nidaamka 4.5 kadhigay mid lama taabtaan ah wa in la isu dheelitirayo miisaanka
dowladnimada si aanay cid gaar ah umaroorsan awoodda dowladda ama ku dulmin
koox kale oo gaar ah.
Yabyabka
dowladnimada casriga ah ee somalidu waxa hada isla garanay inuu salka kuhayo
marjacna uyahay nidaamka qabaliga ah ee 4.5. Dhanka kale dalka somalidu wa
federal qabiilaysan, inkasta oo ay jirto dood ay dadka somalidu qaarkood qabaan
oo dhahaysa maadaama ay somalidu tahay hal qowmiyad uma ay baahna federal
hadana dooddaas waxa kaxoog batay midda dadka qaba dalka somalidu inuu ahaado
federal inta ay soo noqonayo is aaminaada ummada somalidu. Halkaa marka ay
joogto waxaan isla garanay waxa tiir hoosaadka u ah hanaanka dowladnimada
casriga ah ee somaalida.
WA
SIDEE XAALKA MAANTA
Dowladda somalida ee aan kaso
sheekeynay habkii seeska loogu dhigay manta ugu yaraan wa dowlad bixisa adeegyada
qaar ee laga rabo dowlad. Waxay kujirta is dhisid waxa ay ku tiirsan tahay
dhaqaalaha ay kahesho dibadda dhaqaalahaas waxay ubadan yihiin deeqo ay kahesho
quruumaha midoobay, dalalka galbeedka, Turkiga iyo deeqo aan sidaa ubuurnayn oo
ay kahesho dhinaca bariga. Waxa ay haysata waxkabadan todoba iyo toban kun oo
askari iyo laba iyo labaatan kun oo ciidan afrikaan ah oo dhaqaalahoodu bixiyo
midowga yurub.
SOMAALIDA
IYO DIMUQRAADIYADA
Dalka somaalidu dhinaca xukun
furnaanta wa mid kamida dalalka ugu fiican qaarada Afrika, 20-kii sano ee ina waydaaratayna
waxa soomaray 6 madaxwayne, gobolka ay kutaal Somaaliya wa geeska afrika waxa
dalalka kuyaal qaarkod kataliya hogaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika waxaa afartii
sanaba dalka kadhacda doorasho barlamaan iyo mid madaxweyne. Sida ay somalidu
hormuud ugu noqotay dimuqraadiyada Afrika sanadihii lixdamaadka ee qarnigii
labaatanad ayaad mooda xiligan in somalidu kasheegan tahay Afrika dhinaca xukun
furnaanta.
Waxa qoray qormadan Liban Mohamud
Nur,
March 20th, 2023, Nairobi,
Kenya.
1 Comments