Maxaad kataqaan dhulkaaga hooyo?.
Dagmada: Warshiikh
Gobolka: Shabellaha Dhexe
Halkay dhacdo jiho ahaan: koonfurta bari Badweynta Hindiya
Af Somali Warshiikh, ingiriis warsheikh, Carabi: (وأرشيخ).
Waa magaalo ku taal bariga-shabeellaha dhexe (Shabeellaha Dhexe) ee Dhulka Soomaalida madaxa banaan (Somali Republic). Waxay ahayd Xarun Islaami ah oo taariikhi ah, Si kale waxay ku taal xeebta waqooyiga Muqdisho waxayna ujirtaa 60 KM.
Waxaa lasheega inay ahayd magaalo ay dad badan oo isugu jira (Somali, Cafar Oromo iyo Tigree) ay usoo doonan jireen tacliinta diinta islaamka, waxaa laqiyaasa (aan lahubin) in magaaladan ay jirtay 1200 sanadood kahor inkastoo dood midaas kaduwan ayqaban taarikhyanao kale, magaaladan waxaa soo weeraray mamulkii boqortooyadii bortaqiiska iyadoo dhulka dhigay (gubay dhesmaheeda).
Magaalada Warsheekh waxay kamid ahyd magaaloyinkii uumaray badmaaxii rer marooko ibnu batuuta taariikhdu markay ahayd 1331 dii isagoo socdaal kumaray magaloyin aykamid ahaayen Mukalla Saylac Ber-bera Xaafun Warsheekh Muqdisho iyo Baraawe.
Taarikhda dhexe ee degmada oo kusiman muddo 200 oo sanadood kahor ah waxaa so degay deeganka sheekh Daa'ud cali idiris isagoo kasoo haajiray degaanka MAGAD oo 100KM ujirta magaala xeebedda Cadale, Shiikh Daa'ud wuxu ahaa wadaad caalim ah kaas oo degaankisa katagay kadib dhibatoyin dhanka isku dhaca qabiilada ah iyo boobka oo an meel dayan, ugu danbayna ehelkisa iyo xertiisii uu diinta bari jiray ayaa soo degay deegaanka ugu danbayna warsheekh waxay noqotay degaan ay dad badani soo degaan isla markaana cilmiga diiniga ah laga barto (mashalah) 10 sano gudaheed warshiikh waxay noqotay mid kamida degaanada koonfurta ee dhaq-dhaqaaqa ganacsi kajiro.
Intaas kadib Gugii 1890 kii ayaa markii ugu horeysay waxaa yimid Markab uulahaa VICENZO FILONARDI oo la oran jiray VOLTA markabkas wuxu siday talyaani badan kaasi oo damaca guumaysi xambaarsanaa laakin dagaal lagala hortagay judhiiba (Markiiba) waxaa lagu dilay 24-Abriil-1890 kii CARLOS ZAFAJILI oo ahaa kabtankii ciidanka talyaaniga sidoo kale waxaa lagu dagaalkaas badmaax talyaani ahaa oo aanan magaciisa hayn.
Balse deeganka oo aysan kajirin wax boqortooyo ama mamul hoosaad ah oo katalinayey xilligaa talyaanigu waxaa ufududaatay inuu durba bur-buriyo difaacii magaalada waxaana illaa iyo hadda degmada kamuuqda goobihii qarni iyo bar kahor uu talyaanigu madaaficda kugaraacay waxana kamid ah buurta kore ee dhanka xeebta magalada ugu danbayna talyaaniga wuxu kabaxay degmada bishii meey ee 1960 ka.
Kudarso intaad Kagaranayso.
W/Q: Liiban X.Maxamud Nur.
0 Comments