Qamadiga badiba caalamka dagaalka ruush iyo yukrayn kahor waxaa lagaso dhoofsan jiray ruushka hindiya iyo yukrayn. Dagaalku marka uu bilowday bishii uhoreysayba qamadigii yurubiyanku kaso dhoofsan jireen ukrayn mesha ayuu kabaxay kii ruush-na isaga iyo badecadihisi kaleba wa tay joojiyen inay kaso iibsadaan oo ay cuna qabateeyen, dhaqaale xumadii ruxday caalamka wax kaso dhoofsasho la'aanta ruush iyo yukrayn darteedna wa mida maanta guryahena laga dareemayo oo maciishadii iyo shidaalkiba qaaliyeeyey.
Hindiya
oo iyaduna kusheeganayd dalalka ugu horeya dhinaca wax soo saarka qamadiga ayaa
wa xoogey dabooshay baahidii qamadiga loo qabay, bishii April ee ina
waydaaratayna Hindiya waxay dunida udhoofisay wax kabadan 1,400,000 (hal milyan
iyo afar boqol oo kun) oo tan oo qamadi ah sida ay xukuumadda hindiya hore usii
sheegtayna waxay sii qiyaasaysay in bishan May ay udhoofin doonto caalamka
qamadi kasii badan kii bisha April ay dhoofisay. Laakin War naxdin leh ayaa
kaso yeeray hindiya, sida ay qortay majalada foreign policy horaanta asbucan
xukuumada hindiya waxay mamnuucday in la dhoofiyo wax sareen ah sababta waxay
kusheegtay in baahida gudaha Hindiya markan laga hormarinayo ta dibada, taasi
oo macnahedu tahay in xukumada Narandara Modi ay walwal kaqabto baahi cuno
yaraan oo dadkeda hindida ah kuso fool leh. Ogowna Hindiya waxay ahayd dalka
labaad ee ugu wayn ee soo saara sareenka ama qamadiga caalamka oodhan sido kale
waxay Hindiya ahayd isha qura ee sida wayn looga dhoofsanayey qamadiga caalamka
oodhan tan iyo marku bilowday dagaalka yukrayn.
Asbuucyo
kahor waxa caalamku ku baraarugay shiinaha oo badi qamadigii yaalay suuqyada
caalamka si xawli ah kugadanaya isla markaana kaydsaday 51% hada wa 51%
dhammaan qamadigii yaalay suuqa ee uu iibsaday, warbahinta qaar ayaaba intaas
kasii badinaya tanka boqoleyda uu iibsaday shiine, indheer garad isku sheeg
badanna waxa amakaag kunoqotay sababta shiinuhu ubilaabay kaydsashada qamadiga
asbucyadan iyadoo dagaalka yurkayn socdo bilooyin. Wa dowlad kafakareysa
shacabkeda wa jawaabta ugu haboon ee aan kusiin karo. Ameerika iyadu awalba
qamadigeeda ma dhoofin jirin oo waana dalka ugu wayn ee kaydsada qamadiga
caalamka oodhan.
Ciwaanka
nuqul qoraaled kan hadii aad kayaabanayd waxa aan uga jeeday waxan filayaa hada
inad sifiican ii fahamtay. Markii warkan dhiilada xambaarsan ee aan badi dadka
aduunka uwanaagsanayn soo baxayna waxa durba lasaadaaliyey in qaar badan oo
kamida dalalka afrika iyo aasiyaba gaajo loogu dhiman doono wa hadii rabi uusan
gacantiisa wayn uso fidin sababtu wa in ay yihiin dad ama dowlado kutiirsan
kasoo iibsashada qamadiga banaanka dalalkooda. Carabtu inkasto ay yihiin dalal
qani ah hadana wa kuwo kamida macamisha ugu Wawen dunida ee soo dhoofsada
qamadiga waana wadamada ugu horeeya sida lasaadalinayo ee ay saamaynayso waxa
loogu yeeray warka argagaxa hindiya ee dilidda dad badan.
Markan
u imaano bulshadena somaliyed, inaga waxaba awal ina haysatay dhibaatoyin kale
oo gaar inoo ahaa, toban kii sano ee laso dhaafay waxa dalka kuso laalaabtay
abaaro is daba socday abarahaasi waxay sababen in somali badan oo xoolo dhaqato
ah waayan xoolahodii iyagoo fara marana wa kuwo hareeraha kadagan badi
magaaloyinkena, ninkii islahaa somali wa xoolaley oo cadka iyo caanahena ayan
kujoogayna waxan filaya inuu dareen galay. Halkaa markay joogto kuwii deeq
bixiyayaasha aan ubixiney waxaba warbixin aan meel ka akhriyey sheegaysay in
deeqihii
somaliya ay kubixin jireen ee dhinaca abaaraha kaliya 8% laga helay, waana
sababta sida warbixino tibaaxayan madaxwaynaha ladoortay uu Abdirahman Abdishakur
Warsame ugu magacabay in uu madax unoqdo gudiga abaaraha iyo gaajo
ladirirka si uu kuwo deeq bixiyayasha aan ula baxnay ugaso uruuriyo wa xoogey
deeq ah (ma hubo, run iyo beenba way noqon kartaa warbixinadasi).
Gaalo
madow/cadaan iyo muslim ba maanta iyaga ayaa quus taagan badi, hadii warka
hindiya lagaso sheegay uu dhaqan galo 2 ama 3 bil kadib dhibato aan ladhayalsan
karin ayaa lamaleynaya hadiise rabi dhameeyo dagaalka yurkeyn bus-bus kan soo
baxay ee lasheegayana uusan dubnida ugu fafin sidii dhibaatadii karoone oo kale
Hindiyana dib ubilaabin dhofinta sareenka somaliduna aysan wax kabadalin hab
nololeedka haatan ay kujirto ee buskud dhiiq iyo boorash laga sugo kuwo deeq
bixiyayasha aan ubixinay wa naloo yaabaa. Gacmaha isa saarta ilaahay ayaa ina
quudinaye.
1 Comments