Maxaad kataqaan dhulkaaga hooyo?.

Degmada: Saylac
Gobolka: Awdal
Aagga Waqtiga: UTC+3 (EAT)
Cimilada: BWh
Af somali: Saylac, ingiriis: Zaila Carabi {الزيلع} Saylac wa magaalo taarikhi ah waxay dhacdaa dhulka waqooyiga galbeed ee fog sikale gobolka Awdal, Deegan ahaan wa dhul xeebed waana magaalo sooyaal taarikhed iyo mid diimed oodher leh.
Waqtiyadii hore Saylac waxaa mamuli jiray boqortooyoyin kala dhaqan iyo diin duwanaa, waxaa magaaladan xilli soo maamulay mamulkii boqortooyada Abaasiniya ee masiixiyinta (Christian) ahaa, sidoo kale waxaa soo mamulay boqortooyoyinkii kala ahaa Awdal iyo ifaat.
Sida kucad buugga (THE PRINCIPAL OF ARRAN SEA) ee kawarama taarikhii hore iyo kuwii dhexe ee Giriigga waxaa lagu qoray in Saylac ay ahayd magaalo kahoreysay soo ifbixiddii diinta islaamka (1400 sano kahor) sii akhri oo kusoco bogagga buugga halkana waxaa kuxusan in Saylac ay ahayd deegaan ganacsiyeed marin iyo gundhig u' ah ganacsatadii iyo ganacsigii carbed iyo dadkii deganaa geeska Afrika ama ardul xabash kuwaas oo ganacsi waxkala badalasho udhaxeyey.
Qarnigii 14 aad (1300 CD) waxaa soo booqday qoraagii iyo bad mareenkii rer marooko ama maqrib waa IBNU BATUUTA sanadkuna wuxuu ahaa 1331 dii, qoraagan Amaaziiqa ah buuggiisa AL-BULDAAN ayuu kuyiri "Waxan soo dhamaystay socdaalkaygii Yaman waxaana aan soo gaaray AFLAYTI (Saylac) waxaana aan joogay muddo 4 cisho ah waxyaabaha aan ku arkay deegankas waxa kamid ahaa, Dad mad-madow oo haysta diinta islaamka si gaar ah mad-habka Shaaficiyada, magaaladu waxay ahayd mid saxmad ganacsi leh waxaana aad loogu gawrici jiray xoolaha Si gaar ah Geela iyo Ariga oo ahaa hilibka ugu badan ee laga cuno Waxaana meelkasta daadsanaa dhiigga xoolaha, waxaa soo raacay kaluunka oo suuqyo gaar ah leh".
Haddii aan intaas kudhaafno buugga AL-BULDAAN ee Ibnu Batuuta bal markana aynu eegno kitaabta kale ee laga qoray markan wa BAISAL DEVIRSON wa qoraa ingiriis ah wuxuu buuggiisa layiraahdo THE EARLIER HISTORY OF EAST AND CENTRAL AFRICA ayuu kuxusay Magaca Saylac, Xikmad weyn kuma jirto qoraalka uu kaqoray Saylac oon ka ahayn inuu sii adkeeyey hadalkii kuqornaa buugga THE PRINCIPAL OF ARRAN SEA oo ahaa in Saylac tahay magaalo da' weyn oo jirtay xilligii islaamka kahor laakin markii halkaas ay kuumarayso akrinta buugga qoraaga rer biridhaaniya, waxaad arkaysa wax ay kukala duwan yihiin buugga taarikhda giriigga kahadla iyo kiisa! Waamaxay? waa sababta! Sababta uu qoraaga rer biridhaaniyada (ingriiska) uu usababaynayo Saylac inay tahay meel jirtay xiliyadii hore wa sidan, wuxu kuleyahay buuggiisa
"Markii Nabi muxamed SCW uu dhulkii geeska afrika (Ardul Xabash) usoo dirayey qaar kamid ah asxaabtisa waxay kasoo dageen Halkan (Saylac) hadda ogow wa intusan Nabi Muxamed SCW uusan uhijroon Madiina, Hadaba haddii xiligaas ay jirtay saylac maxaa diidaya in 100 kii ama 50 kii sano ee kahoreeyey ay jirto".
Saylac waxaa dagaalo ba' an kudhex-mareen Boqortooyoyinkii kala duwanaa si gaar ah Abasiiniya iyo Adal, dagaaladu waxay aad usoo bateen xiligii Saylac ay noqotay degaan muhiim u ah ganacsiga waxaana lagu qiyaasa qarnigii 7aad degaaladas badankood waxay ahayen kuwo toos la iskaga hor imaanayey marba kuwo ayaa lajabinayey.
Kolkan (Wixii kadanbeyey qarnigii 7aad) Magaalada waxaa miizaan kudhex lahaa mamulkii cismaaniyinta sida taarikhaha qaar kusuntan, waxana ay dowladdii cismaaniyintu usoo magacaabi jireen wakiilo islaam ah oo aan qowmi ahayn (Somali kaliya ahayn).


Markan aan usoo labano tariikdeda dhawaan galka ah (200 ama 300 ee sano ee udanbeyey) si gaar ah markan aynu dul istaagno qarnigii 19 aad (1800 CD) taarikhdu markay kusuntanayd (1821 illaa laga soo gaaro 1841dii) waxaa magaalada mamulayey MAXAMED CALI BAASHA wixii intaas kadanbeyey waxaa magaalada lawareegay XAJI CALI SHARMAKE (1841 dii illaa 1850 meeyadii).
Taarikhdu waxay sheegta in Wixii intaas kadanbeyey waxa lasheegaa in magaalada mamulkedii hoos udhacday awoodisu waxana 1885 tii si rasmi ah gacanta ugu dhigay guumeystihii ingiriiska.

W/Q: Liiban Maxamud Nur,
13_june_2020.