Taariikhda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadkii 1994.
Weli ma maqashay Xasuuqii Rwanda mase maqashay Poul Kagame?, haddii aadan maqal ama ugu yaraan aadan kahaysan wax fikir ah aniga ayaa iskudayi doona inan kuuso koobo Ninka Caatayga ah ee dheer waxa uu uqabtay wadankiisa iyo waxa aan kabaran karno jiilkenuba.
Magaca Rwanda dhag maqalkiisu wuxuu qof walba uleeyahay mihnad gooni ah oo uu kuxasuusto dalkan kuyaal bariga bartamaha qaaradda afrika ee jasiiradaha badan, Cabir ahaan wa dal aad uyar laakin qisada iyo dhacdoyinka wadankan kadhacay wa wax amakaag kuukeenaya!.
100 maalmod oo xasuuq ah iyo dhimashada 1,000,000 (Hal milyan) kunoqo markale wa hal milyan oo nafood oo lajaray maalmo gudahood, sheekada wadankan yar waxa xiisaha goonida ah uyeelaya wa xasuuqii 1994 tii kadib waxa kadhacay wadanka, madoonnayo ku dheeranshaha dagaal isireedkii HUUTU & TUUTSI laakin ujeedkaygu wa soogudbinta ugu yaraan wixii dhacay 20 kii sano ee udanbeyey.
Marka ay halkaas marayso sheekada guusha wadankan, waxaa lagama maarman ah inan halkan uga yeerno nin cajiib ah, kaligii taliye ah hadana 98% inkabadan oo shacabkiisa ah ay ucodeeyen doorashadii udanbaysay waa Poul Kagama.
Ninka caatayga ah ee siyaasadda kasoo galay dhanka jabhaddii TUUTSIGA laxasuuqay waxaa uu qabtay talada dalkan yar sanaddii 2000 illaa iyo hadadan aan idinla hadlayo wa madaxweynaha Rwanda.
Qabashadiisii xilka madaxweynaha kadib wuxuu layimid 2 qorshe oo cad
1: Midaynta Shacabkiisa kalaqaybsan kadib xasuuqii Rwanda.
2: In wadanku kabaxo Liiska Saboolka.
Mid kasta oo qodobadan ah si loofuliyo waxaa kahoreysa shaqo adag. Si loo xaqiijiyo ujeedka koowaad waxa uu P.Kagami sameeyey qorshe cajiib ah, qorshuhu wuxuu kakoobnaan doonaa afar qaybood oo aan ukala qaadi doono B, T, J, iyo X.
B: waxaa laqabanayaa 100 maalmod oo baroordiq ah sanad kasta kana bilaabmaysa 7 April waxaana kidaba lamaansan xaflado uu hadal kajeedinayo madaxweynuhu, taasi oo xambaarsan ujeed xusuusined si dadka Rwanda umidooban
T: waxbaraidda dhalinyarada iyadoo wax lagu barayo manhaj kusaabsan xasuuqii Rwanda.
J: Garsoorka Xukuumada Kigami waxay kafogaatay maxkamadaha waweyn ee qaada danbiyada kadhan ah bani aadanimada sida ICJ, Markan waxay ku ekaatay oo kali ah maxkamadaha degmooyinka iyo kuwa tuuloyinka (Maxkamadaha Dhaqanka) kuwaas oo looyaqiin GAKAKA taas oo gaar u ahayd danbiyada kadhanka ah xasuqii Rwanda Markii danbana waxay iskurogtay maxkamadaasi Shir wadani ah oo ay iskugu yimaadan dhibanayaasha iyo eedeysanayaashu.
X: wadan cusub, calan cusub, hees cusub, iyo dastuur cusub kaasi oo mamnuuc kadhigaya adeegsiga magaca HUUTU & TUUTSI islamarkaana danbi kadhigaya hadaljeedin kasta oo kusalaysan isir iyo faquuq.
2: in wadanku kabaxo liiska faqriga.
Markan xukumaddu waxay awoodda saartay dhinaca dhaqalaha, Kagamana wuxu dhisay guddi lataliyayaal ah kuwaas oo usafra dalalka saboolnimada kasoo kacay ee guulaha gaaray si ay ugu badalaan fakarkas ficil waxay markiiba booqden Singapore (Asiya).
Gudigan waxay soo daraasaynayan xaaladaha dhaqaale ee dalalkaas kadibna natiijadii kasoo baxday ayaa isku badashay aragti dhaqaale taas oo lamagac baxday "ARAGTIDA 2020" taas oo laqorsheeyey 20 sano kadib Rwanda inay noqoto mid kasoo baxday diilinta faqriga islamarkana gaarta dariiqa heerka daqliga dhexe..
Dadaaladaas waxay dhaleen in dhaqaalaha Rwanda uu kobco tiro 3 jeer ah 15 sano gudaheed, iyada oo uu jiro koriin dhaqaale oo gaaray 8% hadana Rwanda weli wa mid kamida dalalka koboca dhaqaale uu kusocdo weliba si xawli ah dunida oodhan 2 milyan oo Rwandes ah ayaa kasoo kacay diilinta faqriga una gudbay nolsha heerka dhexe, dib uheshiisiin dhab ah iyo guule dhaqaale oo dhab ah ayaa kadhigay Rwanda mid hormarsan.
Haweenka ayaa kaalin libaaxleh kaqaata horumarka dalka maxaa yeelay kuraasta barlamanka sadex meelod halmeel 3/1 ayaa haween ah Waxaana sahlay qaanunka sidaas la ajligeed Rwanda waxaa laga helikaraa inay kujiraan tirada ugu badan haweenka ee deegan doorashadodu baarlamanka tahay caalamka oodhan.
Dhammaan guulahaas wa guulo kadhigay Kagamahan Dhuuban geesi siyaasi ah oo kadanbeeyan kana haybaystan rer galbedku waxaana uu marti joogta ah unoqday jaamacado waweyn sida Haafadh iyo Burukin taas oo ufududaysay in guulihiisa lahadal hayo islamarkaana indhaha aduunka laga jeediyo dhinaca mugdiga ah ee xukunkiisa Kadib muddo 15 sano ah oo uuhayey talada dalkiisa ayuu 2015 kii badalay dastuurka dalka wuxuuna dastuurka cusub u ogolaanayaa inuu 14 sano oo kale uu hogaamiyo dalka, kahor inta uusan kuguulaysan xilli madaxeed kisii sadexaad 2017 tiro kabadan 98% boqolkiiba, inkasta o uuleyahay awood shacab iyo taagerayal oo aan laloodin karin hadana wuxuu kusocdaa jid awooddu isaga ay gacanta ugu jirto isagana ayka go' do.
Marka la arko Kagaamaha caatayga ah ee dheer waxaa taagan 2 su'aalod:
1:Suurtogal matahay in kaligii taliye sida Paul Kagame ah uu wadankiisa kasaaro dhibaato dagaal, mid dhaqaale iyo mid nololed ba?
2:Suurtogalse matahay tusaalaha Rwanda inuu guul gaarsiyo maalin un somalida dhiigga iska daadinaya tan iyo 1991 dii ee illaa hadda aanan go' aan kagaarin aayahooda danbe iyo kan hadda?.
W/Q: Liiban maxamud nur .
1 Comments