GUUD MAR KOOBAN OO KUSAABSAN DALKA SOMALIDA

 

Qaran jabkii kudhacay ummada somalida guud ahaanteed sanadkii 1991-kii waxaa hubaal ah inu dhammaanteen inagu reebay saamayn togan iyo mid taban intay doontaba hale ekaato’e. Dirirtii sokeeyaha ee dalka kadhacday haba ugu darnaato dagaaladii dhacay intii udhaxaysay 1991 ilaa 2000 waa mid kamida sanadihii ay ummada somalidu si dhab ah udareentay maxsulkii kasoo baxay qaran jabkii kudhacay waxaa xigay 20 sano oo somalidu waxuun dowlad ah yabyabaysay intay dooniba hale ekaato’e. Dawladdaas wa dowlad federal oo ay kuheshiiyeen somalidu gaar ahaana shirkii El-dotet Kenya kadhacay ee laguso doortay dowladdi uu madaxda ka ahaa AUN madaxwayne Cabdullahi Yusuf Axmed waxa kale oo jiray nidaam somaalidu ku heshiisay shirkii kadhacay tuulada Carta ee wadanka Djabouti sanadkii 2000 kaas oo laguso dhisay dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan nidaamkaas wa 4.5.

Inkasta oo aanu ahayn nidaam kuqoran dastuurka qabyada ah ee somalida hadana wa sharci lama dhaafaan ah, oo maxa kadhigay ayey waydiintu tahay, si aynu uga jawaabno suaashas marka hore aynu isla garawsano wa kuma 4.5.

 

4.5 wa sharci aan qornayn kaasi oo indheer garadka somalidu badankood qabaan inaanu xaq ahayn laakin xal loo arkay. Waa nidaam sheegaya in beelaha Dir, Daarood, Hawiye, iyo Digil iyo Mirifle si isle’ eg ay uqaadanayaan min 61 xildhibaan halka qabaailaadka somalida ee kale guud ahaan ay qaadanayan 31 mudane xildhibaan. Marka laqaadanayey nidaamkan laguma salayn tirokoob shacab ama deegaan kaliya wuxuu aha xal indheer garadkii ummada somalidu markaas u arkaysay kan kali ah ee ufuran.

Sababta nidaamka 4.5 kadhigay mid lama taabtaan ah wa in la isu dheelitirayo miisaanka dowladnimada si aanay cid gaar ah umaroorsan awoodda dowladda ama ku dulmin koox kale oo gaar ah.



 

Yabyabka dowladnimada casriga ah ee somalidu waxa hada isla garanay inuu salka kuhayo marjacna uyahay nidaamka qabaliga ah ee 4.5. Dhanka kale dalka somalidu wa federal qabiilaysan, inkasta oo ay jirto dood ay dadka somalidu qaarkood qabaan oo dhahaysa maadaama ay somalidu tahay hal qowmiyad uma ay baahna federal hadana dooddaas waxa kaxoog batay midda dadka qaba dalka somalidu inuu ahaado federal inta ay soo noqonayo is aaminaada ummada somalidu. Halkaa marka ay joogto waxaan isla garanay waxa tiir hoosaadka u ah hanaanka dowladnimada casriga ah ee somaalida.

 

WA SIDEE XAALKA MAANTA

Dowladda somalida ee aan kaso sheekeynay habkii seeska loogu dhigay manta ugu yaraan wa dowlad bixisa adeegyada qaar ee laga rabo dowlad. Waxay kujirta is dhisid waxa ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay kahesho dibadda dhaqaalahaas waxay ubadan yihiin deeqo ay kahesho quruumaha midoobay, dalalka galbeedka, Turkiga iyo deeqo aan sidaa ubuurnayn oo ay kahesho dhinaca bariga. Waxa ay haysata waxkabadan todoba iyo toban kun oo askari iyo laba iyo labaatan kun oo ciidan afrikaan ah oo dhaqaalahoodu bixiyo midowga yurub.

SOMAALIDA IYO DIMUQRAADIYADA



Dalka somaalidu dhinaca xukun furnaanta wa mid kamida dalalka ugu fiican qaarada Afrika, 20-kii sano ee ina waydaaratayna waxa soomaray 6 madaxwayne, gobolka ay kutaal Somaaliya wa geeska afrika waxa dalalka kuyaal qaarkod kataliya hogaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika waxaa afartii sanaba dalka kadhacda doorasho barlamaan iyo mid madaxweyne. Sida ay somalidu hormuud ugu noqotay dimuqraadiyada Afrika sanadihii lixdamaadka ee qarnigii labaatanad ayaad mooda xiligan in somalidu kasheegan tahay Afrika dhinaca xukun furnaanta.

 

Waxa qoray qormadan Liban Mohamud Nur,

March 20th, 2023, Nairobi, Kenya.