KAJOOG XASANOW.

 Wargayska the times of Israel ayaa daabacay axaddii ina waydaaratay ee 22 May, 2022. Warbixin uu ciwaan uga dhigay 'Hogaamiye somali ah oo hore ulakulmay Netanyahu ayaa dib uguso laabtay xukunka, waxaana qaarkod ay u arkaan rajo caadi ah'. Warbixintan oo uu qoray nin lagu magacaabo Lazar Berman (wariyaha dhinaca diblomaasiyadda ee wargayska the times of isreal) wuxuu kusheegay bartamaha sheeko qoraleedkisa in Hassan Shiikh uu hore kulan qarsoodi ah iyo safar aan lashaacin kula yeeshay casimada yuhuuda Natenyahu oo ahaa raisal wasarihii xiligaas ee isreal, warbixintu waxay intaa kudartay in Xassan ay kulanka kuwehliyeen 3 sarkaal oo xiligaa kudhdhawa isaga, isla warbixinta ayaa lagu yiri sidan: xogtu waxay sheegtay in sidoo kale uu jiray shir heer hoose ah oo rasmi ah oo kadhacay magaalada Jurusulam (Qudus) bishii Diseembar 2015, kaaso ay kaqayb galeen wakiilo kasocday wasaaradda dhaqaalaha iyo masuliyiin katirsan somaliya. Qaybta danbe ee warbixinta uu qoray wargaysku aya lagu xusay hadal uu yiri Netanyahu oo udhigna sidan: Netanyahu ma xaqiijin mana beenin kulanka, isaga oo leh kaliya "waxaan xiriir laleenahay dalal badan oo aanan xiriir rasmi ah lalahayn.''



Ka somali ahaan wadankas kudhisan guumaysiga iyo cadaalad darada wa mid kamida suuqyadeena aan udhoofino sisinta lakin taasi kama dhigno inay khasab tahay in aan lasamaysano xiriir diblomasiyaded oo toos ah iyaga oo xoog kuhaysta dhulka barakaysan maalin walbana dilaya caruur iyo maatoyin kale oo aan waxba galabsan, si toos ahna usheeganaya lahaanshiyaha ama mulkiyada dhulka ay xoogga kuhaystaan ee aan dhammaanten wada ognahay inay ahayen qaxooti uu gumaystirihii ingiriisku keenay qarnigii 19aad iyo kii 20aad horaantisa.

Bal aynu ka istaagno dhinaca maadiga ah.

Inkastoo soomaali badan aamisan yihiin xiriir aan ladhisano maamulka yuhuuddu inuu waxbadan oo faa'ido ah noo keenayo hadana waxay iswaydiintu tahay maxay ka faa'ideen dalalka muslimka ah ee 40 meeyada sano wax kudhadhow lalahaa xiriirka tooska ah gumaystaha israil. Dowladaha carbeed ama kuhadla afka carabiga ee xiriir hore ula samaystay waxa kamid ahaa Masar, Jordan ama Urdun iyo Muuritaaniya oo ah dowlad carbeed oo aad udib dhacsan oo kutaal galbeedka fog ee afrika. Hal faa'ido oo ay kaheleen lasamaysashada xiriir toos ah dowladaas guumaystaha ahi majirto. Waxa jirta aragti baryahan soo cusboonatay oo dadka somalida ah ee kutaliya in xiriir lala samaysto israil ayku doodan oo ah, israil waxay aqoonsi siinaysa somaliland sidaasi daraaded wa in DF ay degdeg u aqbasho lasamaysashada xiriir rasmi ah. Aragtida sidaas oranaysa kafalcelinteda dadka ayaan udaayey.

Maxay kulatahay adiga?

 

Waxa laqorey 27kii Meey, 2022. Waxa qoray Liban Nur.

Post a Comment

5 Comments

runabil.com said…
Runtii wa qormo qurux badan ayna ka muuqato luuqad farshaxamaysan.
Ina Cali Saciid said…
Masha Allah wa qormo fiican oo xog meelo badan taabanaysa noo iftiimisay. Xiriir lasamaysashada maamulkaas dulmiga kudhisan wa mid aan la aqbali karın.
Ina Cali Saciid said…
Masha Allah wa qormo fiican oo xog meelo badan taabanaysa noo iftiimisay. Xiriir lasamaysashada maamulkaas dulmiga kudhisan wa mid aan la aqbali karın.
Ina Cali Saciid said…
Masha Allah wa qormo fiican oo xog meelo badan taabanaysa noo iftiimisay. Xiriir lasamaysashada maamulkaas dulmiga kudhisan wa mid aan la aqbali karın.
Ina Cali Salwe said…
Masha Allah wa qormo fiican oo xog meelo badan taabanaysa noo iftiimisay. Xiriir lasamaysashada maamulkaas dulmiga kudhisan wa mid aan la aqbali karın.