Daahir wuxuu bilaabay inuu si qoto dheer uu uga fekero waxa ka imaan kara go’aanka uu qaatay iyo sida uu noqon doono mustaqbalkiisa danbe. Waxa kale oo utun kutaagan noqotay habka ama sida uu ula wadaagi lahaa waalidkiis iyo sida ay uga falcelin doonaan. Mar waxaa ku furmaya mawjad farxadeed maadama oo uu doortay in uu kamid noqonayo CXD Soomaaliyeed markalena uu u arko inuu doortay wax laxiriira maadadii uu hore udanayn jiray ee baaritaanada danbiyada. Markalena waxa ku furmaya mawjado walawal iyo walaahow ah maadama oo ga’aanka uu qaatay ahaa mid uusan hore usii qorshayn kana fekerin waxa uga imaan kara. Waxaan lahurayn hora loo yeelaa inta uu yiri ayuu aabihii usheegay go’aanka uu qaatay warna wuxuu uguso gabagabeeyey Aabe go’aan kaas ban gaaraye iigu ducee oo haygu diidin. Aabihii oo layaaban warka cusub ee uu wiilkiisu ula yimid dhinaca kalena ka xun in wiilkiisu doorto shaqadaas ayaa waydiiyey Daahir waxa kukalifay isaga oo shaqo aan khatarteedu badnayn haysta waxa uu ku doortay nolosha iyo shaqada ciidanimo.
Wa doonistayda oo waxan rabaa kuwa shaarka dowladnimada dadka ku handada inaan la xisaabtamo dalkana aan ka difaaco cadowga. Daahir oo dareemay suaasha aabihii halkay usocoto ayaa markale hadalka qaatay isagoo raba inuu aabihii ku raaco waxa uu doortay wuxu yiri aabe waxaad iiga walwalayso wan garan oo waan ogahay inaad sawiranayso in adiga oo meel nabad ujiifa war aan dhagahaaga u wanaagsanayn inuu dhinacayga kaaso gaaro waxanse kuu sheegayaa in dhammaanten aynu dil ku xukumanahay oo nin nabad ujiifa gurigiisa iyo mid furin colaaded joogaba ay maalin un naftu dayn doonto wad-kana usiman yihiin. Aabe waan kuugu duceeyey ee noqo daljire ilaahiisa ku xiran. Sow war dareenkiisa raaligaliyey maaha. Hawraarsan iyo waan yeeli doona sidaa ayuu Daahir yiri. Axmad isagu dhiniciisa diyaar ayuu awalba ka ahaa waxayna sidaa kuguda galeen safarkoodii Muqdisho oo inay dhagta ka maqleen moogiye aysan waligood dhaayo saarin.
Waxay safar diyaaradeed oo kasoo raaceen magaaladoodi kadib ay soo gaareen Muqdisho goor barqadii sii baxayso duhurna aan lagaarin. Marka ugu horeysa ee ay diyaaradda kasoo dagayeen waxay indhahoodu qabteen biyaha buluugan ee badwaynta hindiya oo dhinaca koonfur bari ka xiga gagida diyaaradaha Muqdishow. Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyey saaxiibkod Jaamac oo laba sanadood kahor Xamar usoo aaday si uu jaamacadda ummada soomaliyeed uga diyaariyo cilmiga dhaqaalaha. Markii ay maalmo kooban joogeen Muqdisho ayey bilaabeen guda galka qorshahoodii waxayna durbaba iska xaadiriyeen xarunta wasaaradda difaaca halkaas oo lagu soo dhaweeyey kuna mareen baaritaan dheer oo khuseeya shakhsiyadooda iyo heerkooda waxbarashada. Ugu danbayn waxaa loo sheegay in ay dhammaystiran yihiin wixii looga baahnaa waxana loo sheegay inay guryahooda iska joogaan illaa amar danbe haddii wax kale oo xog ama dikuminti ah looga baahdana lala soo xiriiri doono. Hawraarsan iyo hala yeelo ayaa lagu kala tagay.
3 Comments