Macalimiinta
siiya aqoonta ciidan ee ay ku qaataan xerada badidood wa Soomaali waxaase jira
dhowr macalin oo bara habka loo cilad bixiyo hubka iyo aaladaha kale ee ay
isticmaalaan ciidanku sida babuurta culus. Waxaa la wargaliyey in ay gali
doonaan tababar socon doona muddo kadibna ay wadan dibadda ah u aadi doonan si
ay usoo qaataan waayo aragnimo iyo aqoon ka badan inta ay ku qaateen dalkooda.
Udiyaar garow kadib waxaa loo bilaabay tababarkii oo markan ka duwan kii hore
marka laga eego dhinacyada macalimiinta bixinaya tababarada tababarada la
qaadanayo qudhooda iyo goobta lagu qaadanayo. Waxa qof walba uu jeclaysanayo
markan ayaa ah wakhtiga la qaadanayo tababarka oo ah afar saacadood iyo bar.
Wakhtigan aad ayuu uga yar yahay wakhtiga ay khasab ku ahayd inay tababartaan
markoodii hore waxa kale oo Daahir iyo asxaabtiisu ka heleen tababarka oo aan
ahayn mid shido badan sida kii hore oo kale.
Sida qorshuhu
ahaa waxa ay maamulka xeradu qorsheeyen in tababarka kooban ee lasiinayo
dhalinyarada xerada ku jirta loo siiyo si ay waxbadan ugasii fahmaan tababarada
kale ee ay kusoo qaadan doonan dalka dibadiisa waxaase isbadal kuyimid
qorshihii hore. Dowladii kuyaboohday tababarka iyo waxbaridda askartan katirsan
CXDS iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa isku afgartay in lagasoo hormariyo wakhtigii
horey loogu qorsheeyey in uu bilaabmi doono tababarku. Sida maalmaha caadiga ah
ayuu xaadiray galaaska lagu qaadanayey duruusaha kala duwan waxaana lagu
wargaliyey inay udiyaar garoobaan safar dalka dibiddiisa ay ku aadi doonaan si
ay uso qaatan tababaro dheeri ah. Malaha warkaasi wuxuu ahaa war ay aad
dhagaysigiisa ugu bogeen maadama oo ay soo qaadanayan aqoon kabadan inta ay
halkan ku qaateen. Waxa durbaba is badalay jawiga xerada maadama ay halkaa ku
istaageen tababaradii ay qaadanayeen lana siiyey fasax hal asbuuc ah si ay
magaalada ugaso danaystaan. Daahir wuxuu war galiyey qoyskiisa inuu ubaxayo safar
waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah taasi waxay layaab ku noqotay badanka
qoyskiisa oo la yaabay sida degdegta ah ee isaga oo aan ciidanka sanado kujirin
loOGU doortay in uu kamid noqdo ciidan loo dirayo tababar dibadda ah.
Kolkii uu fasaxii
koobnaa ee halka asbuuc ahaa ayso qaateen waxay dib ugu soo xaroodeen xeradoodii.
Halkan ayaana ay uga bilaabanaysa safar laba sanadood ah oo ay ugu ambabaxayaan
dalka dibadiisa. Nasiib darose waxa safarkan aan ku wehelin saaxiibkiisi ay
isku magaalada kaso safreen si ay ugu biiran CXDS wa saaxiibkii Axmed oo sababo
caafimaad kaga haray safarkan. Axmed waxaa dhaawac kaso gaaray shil mooto oo uu
galay maalintii udanbaysay ee fasaxii halka asbuuc ahaa. Wuxuu ka dhaawacmay
lugta midig waxayna ku dhawaatay in lajaro maadaama oo jabniinka laftu uu kuso
dhawaaday misigta lugta. Dalka ay udhoofayaan wa Turkiga oo ah dal saaxiib dhow
la’ ah dowladda Soomaalida aadna uga fog dalkeena.
Xili ka horaysa
waqtigii ay kici jireen ayaa la toosiyey ciidanka si ay udiyaar garoobaan. Waxaa
sugaysa diyaarad wayn oo ciidan oo ay leedahay dowladda turkiga diyaaradaas oo
kaso kicintay saldhigga Turkisom oo ah saldhig ciidan oo dowladda Turkidu ka
dhisatay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan aagga xeebta Jasiira. Safarkan wa
mid aan hakad lahayn waxayna toos uga degayaan garoonka way nee caalamiga ah ee
Istanbul halkaas oo ay cabbaar ku nasan doonan si uu gogol xaar ugu noqdo safar
kale oo ay ugusii duuli doonan magaalada kutaalla cirifka galbeed ee dalka Turkiga
ee uu kuyaalo mid kamida saldhigyada ciidan ee lagu tababaro ciidanka wa magaalada
Izmir. Diyaarin kooban kadib waxa Daahir iyo kolonyadiisii fuuleen diyaarada waxayna
diyaaraddu la gashay hawada abaare lixii subaxnimo wakhtiga Soomaaliya. Badanka
askarta saaran diyaaradda wa qaar aan waligood tagin meel kabaxsan dalkooda halka
ay ku jiraan qaar kale oo aan waligood diyaarad raacin. Safarku wa mid aad
udheeraan doona maadama toban iyo dheeraad saacadood uu qaadan doono.
Qalinkii Liban Mohamud Nur.
8 Comments