Macalimiinta siiya aqoonta ciidan ee ay ku qaataan xerada badidood wa Soomaali waxaase jira dhowr macalin oo bara habka loo cilad bixiyo hubka iyo aaladaha kale ee ay isticmaalaan ciidanku sida babuurta culus. Waxaa la wargaliyey in ay gali doonaan tababar socon doona muddo kadibna ay wadan dibadda ah u aadi doonan si ay usoo qaataan waayo aragnimo iyo aqoon ka badan inta ay ku qaateen dalkooda. Udiyaar garow kadib waxaa loo bilaabay tababarkii oo markan ka duwan kii hore marka laga eego dhinacyada macalimiinta bixinaya tababarada tababarada la qaadanayo qudhooda iyo goobta lagu qaadanayo. Waxa qof walba uu jeclaysanayo markan ayaa ah wakhtiga la qaadanayo tababarka oo ah afar saacadood iyo bar. Wakhtigan aad ayuu uga yar yahay wakhtiga ay khasab ku ahayd inay tababartaan markoodii hore waxa kale oo Daahir iyo asxaabtiisu ka heleen tababarka oo aan ahayn mid shido badan sida kii hore oo kale.

 


Sida qorshuhu ahaa waxa ay maamulka xeradu qorsheeyen in tababarka kooban ee lasiinayo dhalinyarada xerada ku jirta loo siiyo si ay waxbadan ugasii fahmaan tababarada kale ee ay kusoo qaadan doonan dalka dibadiisa waxaase isbadal kuyimid qorshihii hore. Dowladii kuyaboohday tababarka iyo waxbaridda askartan katirsan CXDS iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa isku afgartay in lagasoo hormariyo wakhtigii horey loogu qorsheeyey in uu bilaabmi doono tababarku. Sida maalmaha caadiga ah ayuu xaadiray galaaska lagu qaadanayey duruusaha kala duwan waxaana lagu wargaliyey inay udiyaar garoobaan safar dalka dibiddiisa ay ku aadi doonaan si ay uso qaatan tababaro dheeri ah. Malaha warkaasi wuxuu ahaa war ay aad dhagaysigiisa ugu bogeen maadama oo ay soo qaadanayan aqoon kabadan inta ay halkan ku qaateen. Waxa durbaba is badalay jawiga xerada maadama ay halkaa ku istaageen tababaradii ay qaadanayeen lana siiyey fasax hal asbuuc ah si ay magaalada ugaso danaystaan. Daahir wuxuu war galiyey qoyskiisa inuu ubaxayo safar waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah taasi waxay layaab ku noqotay badanka qoyskiisa oo la yaabay sida degdegta ah ee isaga oo aan ciidanka sanado kujirin loOGU doortay in uu kamid noqdo ciidan loo dirayo tababar dibadda ah.

 

Kolkii uu fasaxii koobnaa ee halka asbuuc ahaa ayso qaateen waxay dib ugu soo xaroodeen xeradoodii. Halkan ayaana ay uga bilaabanaysa safar laba sanadood ah oo ay ugu ambabaxayaan dalka dibadiisa. Nasiib darose waxa safarkan aan ku wehelin saaxiibkiisi ay isku magaalada kaso safreen si ay ugu biiran CXDS wa saaxiibkii Axmed oo sababo caafimaad kaga haray safarkan. Axmed waxaa dhaawac kaso gaaray shil mooto oo uu galay maalintii udanbaysay ee fasaxii halka asbuuc ahaa. Wuxuu ka dhaawacmay lugta midig waxayna ku dhawaatay in lajaro maadaama oo jabniinka laftu uu kuso dhawaaday misigta lugta. Dalka ay udhoofayaan wa Turkiga oo ah dal saaxiib dhow la’ ah dowladda Soomaalida aadna uga fog dalkeena.

 

Xili ka horaysa waqtigii ay kici jireen ayaa la toosiyey ciidanka si ay udiyaar garoobaan. Waxaa sugaysa diyaarad wayn oo ciidan oo ay leedahay dowladda turkiga diyaaradaas oo kaso kicintay saldhigga Turkisom oo ah saldhig ciidan oo dowladda Turkidu ka dhisatay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan aagga xeebta Jasiira. Safarkan wa mid aan hakad lahayn waxayna toos uga degayaan garoonka way nee caalamiga ah ee Istanbul halkaas oo ay cabbaar ku nasan doonan si uu gogol xaar ugu noqdo safar kale oo ay ugusii duuli doonan magaalada kutaalla cirifka galbeed ee dalka Turkiga ee uu kuyaalo mid kamida saldhigyada ciidan ee lagu tababaro ciidanka wa magaalada Izmir. Diyaarin kooban kadib waxa Daahir iyo kolonyadiisii fuuleen diyaarada waxayna diyaaraddu la gashay hawada abaare lixii subaxnimo wakhtiga Soomaaliya. Badanka askarta saaran diyaaradda wa qaar aan waligood tagin meel kabaxsan dalkooda halka ay ku jiraan qaar kale oo aan waligood diyaarad raacin. Safarku wa mid aad udheeraan doona maadama toban iyo dheeraad saacadood uu qaadan doono.


Qalinkii Liban Mohamud Nur.