Daahir wuxuu ku mashquulsan yahay inuu doorto wixii uu baran lahaa marka uu galo jaamacadda. Ugu danbayn wuxuu go’aan saday inuu kubiiro qaybta baaritaanka dambiyada si uu unoqdo baare sare oo katirsan ciidanka booliiska. Ma mooda inuu helay meeshii ku haboonayd. Markii lagu dhawaaqay natiijadii imtixaanka Daahir wuxuu kamid noqday qaarkii keenay natiijada fiican waxa uuna sidaas kuhelay deeq waxbarasho oo dalka Masar ah. Dhib ayaase taagan. Waxaa jira hal sabab oo lagama maarmaan u ah inuu ogaado si uu fursaddaas uu helay uga faaidaysto. Wa inuu dhiibo lacag aan sharci ahayn oo uu madaxa qaybta arimaha waxbarashada dibadda ee wasaarada waxbarashadu uu ka qaado arday kasta. Lacagtaas maaha mid sharci ah yaase kaqabanay ninkaan tadhahay ee ummada awoodda dowladnimada ku dulminaya.
Qoysku maaha qaar awooda
inay dhiibaan lacagtaan baas ee uu ninkan habaarka qaba uu kadoonayo wiilkooda.
Daahir markan waxaa soo foodsaaray caloolyow iyo hubanti la’aan mustaqbalkiisa
ah. Allow yaa duulka shaarka dowladda
dadka kudulmiya hal mar fadeexeeya oo ummada tusa. Oo maxay kataraysaa sow
ummada oodhan ma oga. Isagaa isla sheekeysanaya oo marna haaraamaya marna
habaaraya dadka noocaas ah. Oo talow maxay dadka madaxda ah wax uga qaban la’
yihiin dadka noocaan ah. Wuu quustay oo waa ka niyad jabay. Oo sow gar maaha in
uu quusto marba hadaanu helahayn dhaqaalihii sharci darada ahaa ee jinni kusaarta
ahaa dhanka kalana uu waayey madax iyo dowlad wax kaqabata. Muxuu maxkamad
utagi waayey? Oo ma maxkamad iyo meel kale oo loo dacwoodo oo masaakiinta ufuran
baa joogta. Sow meel kasta tuuggan xoolaha xaqdarada ah raadinaya oo kale ma
joogo.
Marka
asbuucyo la joogay ayaa wicitaan oga yimid xafiiskii kiiskiisa gacanta kuhayey.
Ilaahow war khayrle kayeersii isaga oo leh ayuu qabtay waaba habaar qabihii oo salaan
inta uhormariyey ku boobay ‘’Daahir sow ma ogid inaan balanay, balantiina ay
maalmo kooban ka harsan yihiin? Walaal waan ogahay laakiin dhaqaalaha intaa le
eg ma awoodo soona waayey. Hadaba dad awooda ayaan ka iibsanayaaye nabadiino!’’ Goortaasu af labadii yeeray! Ilaahow maan madaxwaynaha dalka
maanta ahaado dil baan ku xukulmi lahaa wixille falahaan oo kale. Oohin iyo
calaacal alleylehe xaajo rag maahe aan kakaco meeshan intan dadku ila yaabin
ayuu niyada iska yiri. Aabihii qoysku markiisii horana maahayn nin xiriir laleh
dadka dowladda ushaqeeya hadana isagaa tiisa u xanuusan oo daal iyo da’ ayaa ka
dabatimid waxbana uma qaban karo wiilkiisa. Ilaahow qaadir. Daahir wuxuu sidaa
ku waayey qof caawiya oo garab qabta waase labaatan jir xoog iyo caafimaad qaba.
Sow hada wixii ka danbeeya isaga iyo waayaha adduun isma hurna. Sow inuu
waaqaca uu kusugan yahay isaga iyo qoyskiisu inuu aqbalo maaha sow inuu inta oraahdii
soomaalida ee ahayd nin labaatan jira iyo adduun waa lagdamayaan inta dhaho uu
xamaal tago maaha. Bal aan dhowrno.
Qalinkii Liban Mohamud Nur.
La soco qaybta afraad.
3 Comments