Daahir wuxuu ku mashquulsan yahay inuu doorto wixii uu baran lahaa marka uu galo jaamacadda. Ugu danbayn wuxuu go’aan saday inuu kubiiro qaybta baaritaanka dambiyada si uu unoqdo baare sare oo katirsan ciidanka booliiska. Ma mooda inuu helay meeshii ku haboonayd.  Markii lagu dhawaaqay natiijadii imtixaanka Daahir wuxuu kamid noqday qaarkii keenay natiijada fiican waxa uuna sidaas kuhelay deeq waxbarasho oo dalka Masar ah. Dhib ayaase taagan. Waxaa jira hal sabab oo lagama maarmaan u ah inuu ogaado si uu fursaddaas uu helay uga faaidaysto. Wa inuu dhiibo lacag aan sharci ahayn oo uu madaxa qaybta arimaha waxbarashada dibadda ee wasaarada waxbarashadu uu ka qaado arday kasta. Lacagtaas maaha mid sharci ah yaase kaqabanay ninkaan tadhahay ee ummada awoodda dowladnimada ku dulminaya. 



Qoysku maaha qaar awooda inay dhiibaan lacagtaan baas ee uu ninkan habaarka qaba uu kadoonayo wiilkooda. Daahir markan waxaa soo foodsaaray caloolyow iyo hubanti la’aan mustaqbalkiisa ah.  Allow yaa duulka shaarka dowladda dadka kudulmiya hal mar fadeexeeya oo ummada tusa. Oo maxay kataraysaa sow ummada oodhan ma oga. Isagaa isla sheekeysanaya oo marna haaraamaya marna habaaraya dadka noocaas ah. Oo talow maxay dadka madaxda ah wax uga qaban la’ yihiin dadka noocaan ah. Wuu quustay oo waa ka niyad jabay. Oo sow gar maaha in uu quusto marba hadaanu helahayn dhaqaalihii sharci darada ahaa ee jinni kusaarta ahaa dhanka kalana uu waayey madax iyo dowlad wax kaqabata. Muxuu maxkamad utagi waayey? Oo ma maxkamad iyo meel kale oo loo dacwoodo oo masaakiinta ufuran baa joogta. Sow meel kasta tuuggan xoolaha xaqdarada ah raadinaya oo kale ma joogo.




 

 

Marka asbuucyo la joogay ayaa wicitaan oga yimid xafiiskii kiiskiisa gacanta kuhayey. Ilaahow war khayrle kayeersii isaga oo leh ayuu qabtay waaba habaar qabihii oo salaan inta uhormariyey ku boobay ‘’Daahir sow ma ogid inaan balanay, balantiina ay maalmo kooban ka harsan yihiin? Walaal waan ogahay laakiin dhaqaalaha intaa le eg ma awoodo soona waayey. Hadaba dad awooda ayaan ka iibsanayaaye nabadiino!’’  Goortaasu  af labadii yeeray! Ilaahow maan madaxwaynaha dalka maanta ahaado dil baan ku xukulmi lahaa wixille falahaan oo kale. Oohin iyo calaacal alleylehe xaajo rag maahe aan kakaco meeshan intan dadku ila yaabin ayuu niyada iska yiri. Aabihii qoysku markiisii horana maahayn nin xiriir laleh dadka dowladda ushaqeeya hadana isagaa tiisa u xanuusan oo daal iyo da’ ayaa ka dabatimid waxbana uma qaban karo wiilkiisa. Ilaahow qaadir. Daahir wuxuu sidaa ku waayey qof caawiya oo garab qabta waase labaatan jir xoog iyo caafimaad qaba. Sow hada wixii ka danbeeya isaga iyo waayaha adduun isma hurna. Sow inuu waaqaca uu kusugan yahay isaga iyo qoyskiisu inuu aqbalo maaha sow inuu inta oraahdii soomaalida ee ahayd nin labaatan jira iyo adduun waa lagdamayaan inta dhaho uu xamaal tago maaha. Bal aan dhowrno.



Qalinkii Liban Mohamud Nur.

La soco qaybta afraad.