Waxa ugu danbayn
ubilaamatay in loo kala saaro qaybaha ciidanka oo haddii awal ay wada ahaayeen
hal ciidan markan waxaa macalimiinta siinaysa tababarka ay mid walba oo kamida
ku dareen qaybta ama halka uuku haboon yahay. Nooca ciidan ee uu kubiiro ayey kuxiran
tahay nooca tababar ee lasiinayo askariga. Daahir isaga waxa lagu daray
ciidanka cirka macalimiintiisa ayaa u arkay askari maskax furan oo hora ufahmi
kara waxa labarayo jir ahaana dhisan sababahaas isbiirsaday ayey
macalimiintiisu ugu doorteen inuu kamid noqdo qaybta ciidan ee raaciyeen.
Dhankiisa isagu ma niyad xumayn inkasta oo uu jeclaa qaybta baaritaanka danbiyada hadana qaybtan loo
dooray kama uu dudin oo muxuu uga dudi marba haddii loo carbinayo siduu unoqon
lahaa duuliye sare.
Horaantiiba waxaa
loo bilaabay tababaro iyo casharo ku saabsan shaqada iyo nooca qalab ee ay
isticmaalan ciidamada cirku ma ahan wax layaableh in lasiiyo casharo noocan ah
askari lagasoo badalay ciidanka lugta kaas oo aan wax fikrad ah ka haysan
noocan ciidan ee laguso daray. Tababarada iyo tababarayaasha wa kuwo mar walba
is badalaya sababtu wax kale maahe waxa la doonaya in la dadajiyo mudada uu
soconayo tababarku. Tababarka ay qaadanayaan Daahir iyo kooxdiisu wa mid aad u
adag aadna u khatar badan oo tababarada qaar waxaa lagasoo tuura hawada sare
iyaga oo Baalashuud uxiran yahay oo waliba judhii hore waxaa laguso daadin goob
biyo fadhiyaan waxaana loogu talagalay in haddii ay dhacdo oo baalashuudku
ubixi waayo ay kusoo dul dhacaan biyaha halkaana ay yaraato khatarta soo wajihi
karta askariga. Isagu marba marka ka danbaysa
wuxuu karaahsanaya tababarka adag ee la siinayo dhowr marna amar diido uu
sameeyey ayaa lagu ciqaabay.
![]() |
Qaar kamida CXD oo kasoo laabtay tababar dalka Turkiga laguna soo dhawaynayo garoonka Aadan Cadde. |
Halkan marka uu
yimid waxbadan oo dabeecaddiisa ah ayaa is badashay lamana garanayo sababta iyo
waxa sababay dabeecaddan cusub ee uu lasoo baxay. Ma adayga tababarka ayaa dulqaadkii
ku yareeyey mise meelo kale ayaa looga yimid qofna ma yaqaan. Qaar asxaabtiisa
kamid ah oo ay sheeko wadaag yihiin ayaa mararka qaar ay kawada shawraan adayga
tababarka ay qaadanayaan iyo nolosha bilaa jixin jixa ah ee ay ku wajahayaan
xerada mararka waxayba ka gaartaa inay baxsadaan oo ay gooyaan xuduudda dalka
ay joogaan oo ay iska dhiiban dhanka qaaradda gabawday ee Yurub mase sahlana fulinta
baxsashadaas. Walle tani inaysan sii dhawrid lahayn oo ma sii joogis bay
leedahay haddii subax walba tababarkaa adagi ku sugayo sidii caruurtiina
lanoola dhaqmayo oo waxkasta bilaa amar aadan samayn karin. Wuxuuba is tusay
inuu xabsi yar kaga jiro adduunyada oo kaalay irsaaqaddii aad cuni lahayd way
qoran tahaye maadba shaqo kale raadsatid. Askarimada la sheegaahi ma sidan bay
udhib badan taha? Waxay talo uga cadaatay in siduu yeelaba isaga hayaamo oo ka baxsado
xeradan. Maalinba maalinta ka danaysa tababarku waa sii adkaanaya isagiina wa
lakari la yahay. Khaati ayey ka taagan yihiin tababarayaashiisi!
Maamulkii waxay goaan
sadeen in haddii sidan uu dhaaman waayo xiriir lala sameeyo xafiis aan
qunsuliyad gaarsiisnayn oo dawladda soomaalidu kuleedahay magaalada Izmir lana
waydiiyo waxa laga yeelayo waxbaase is badalay waxa u maalmahan yareeyey amar
diidooyinkii lagu yaqiin. Wuxuu bilaabay inuu tababarka uqaato si wanaagsan aadna
uu uwanaajiyo sida uu ula dhaqmayo asxaabtiisa la tababaranaysa ee oo in yar oo
faro ku tiris ah mooye badanka aanay isku fiicnayn. Sida la moodayo se wax uma jiraan!
Taluu hoos ka goostay wuxuu goaan ku gaaray inuu baxsado xuduudana uu gooyo una
talaabo dhinaca kale ee xadka wadanka Giriigga. Sida aan hore usheegay fulinta
iyo guda galidda ficilkaasi maaha wax ufudud waxaase jira dhawr qodob oo ka
caawin kara inuu ka gudbo ama ugu yaraan uu gaaro xadka u dhaxeeya Giriigga iyo
Turkiga waxaba kow ka ah magaalada ay ku taalo xerada tababarka ee uu kujiro oo
dhacda xuduudda ay wadaagan labada wadan mid kale oo caawin kartana wa in laga
baxay xiligii qaboobaha lana galayo bilihii xagaaga.
Waxaase intaas oo
dhan uga daran isaga sida uu uga baxsan lahaa xeradan malahan fasax loomana ogola in ay aadan
banaanka qaabka loo dhisay xeradana maaha mid u saamaxaya in uu qof kabaxsado iskabadaa
in qof ka baxsadee waxa loo dhisay qaab dhismeed adag oo xitaa haddii banaanka
lagaso weeraro aanay suurtogal ahayn in ay fududaato qabsashadeedu. Sow arin tiiraan
yadeeda leh maaha? Dhinac walba oo ay in yar oo fursad ahi jirtay waxa kaga
yimid mawjado rajo beel ah markaasu kusii dhashay nacayb iyo cunfi uu u qabo
shaqada ciidanimada oo waayihiisa nolosha askarinimada aanu ku fikirin. Waxa xaalku
sidaa ku ahaadaba ugu danbayn wuxuu arkay inaanu haysan doorasho aan ahayn in
inta uu kahelayo jaanis kale uu wato qaadashada tababarka laakin uu eeg eego
hadduu uu jiro qof sidiisa oo kale ku fekeraya inuu baxsado oo ay soo kartay
nolosha iyo tababarka adag ee xerada. Dhibta kajirta xerada maaha mid rasmi
ahaan uga jirta deegaanka iyo wadanka ay joogaan waase duruuf la doonayo in labaro
ardayga halkan soo gala calashaan askariga.
Qaarka asxaabtiisa
ah ma aysan isla gaarin heer ay isku sir waramaan ama isku sir qarsadaan taas
waxyaabaha u sababta ah waxa kamida Daahir oo marar badan dabeecadiisu is
badalayso iyo iyaga oo aan markii horeba si fiican isku aqoon mid kale oo wayn
ayaase jirta wa inaysan isku deegaan ahayn. Hadaad is waydiinayso muxuu micno
ah oo ugu fadhiyaa deegaanku marba haday yihiin rag isku shaqo ah waxa muhiim
ah inaad ogaatid in marka la eego dhaqanka qofka soomaaliga ah deegaanka yahay
wax wayn oo waa iyada soomalidu tiraahdo “Oodi abb ka dhow” oo ay uga jeedaan in
qofka aad isla degtaan ama isku deegaanka aad tihiin marar badan kaaga dhaw yahay
dadka kale ee aad isku reeraha tihiin. Allow yaa saaxiibkay Axmed iikeena ayuu
mararka qaar nafta kula sheekeystaa. Sadexdii biloodba mar aya loo ogolaa inay
ehelkoodii iyo waalidiintooda lahadlaan markii ay ku cusbaayeen xerada hadase bishiiba
mar ayaa loo ogol yahay in ay lahadlaan waxaana ay isticmaalan moobil ay leedahay
xaruntu oo aan ahayn koodii gaarka ahaa.
Talaa ku cad oo
wuxuu garan la yahay wixii uu samayn lahaa mar waxaa umuuqanaysa inaysan wado aan
ahayn inuu aqbalo waaqaca horyaala kaasi oo kuleh baxsasho majirto markalena waxa
maskaxdiisa kusoo dhacaysa kalmad udiidaysa inuu qaato mida hore. Kalmadaasi wa
mid ay adeegsadan badi dadka raba inay ka guulaystaan arin ay markaas ku dhex
jiraan. Dhibaatada kali ah ee aan xalka lahayn wa dhimashada kalmadaas ayaa
maskaxdiisa si fiican ugu soo laalaabanaysa iyada ayaana harsi iyo hoyaadba
udiiday markaasu is dhaha waxaa jira xal ee halkee wax kabilaaba. Xiliiyada bareegga
yar ay qaadanayan ee ay helaan jaanis ay ku wada sheekaystan saaxiibadiisa ayuu
aad ugu fakeray sida uu halkaa uga heli karo wax xal unoqon kara baxsashadiisa
uu qorshaynayo. Marba waxaa kusoo dhacaya fikir hor leh. Ma doonayo inuu
dalkiisii dib ugu laabto oo middaas haduu rabo waxa u fududayn lahaa safaaraddiisa
waxaase kujira hami iyo inuu nolol ka sameeyo wadamada Yurub.
Wuxuu arimaha rog
rogo waxa uu xal u arkay inaysan kafursanayn inuu la wadaago asxaabtiisa qaarka
uu u arko in ay la qaadan karaan ama ugu yaraan siin karo talo ku habboon. Markii
la gaaray xiligii hurdada ayuu is tuuray in yar dabadeed firinbigii baa yeeray
wa xiligii hurdada laga kici lahaa isaguse waa nin qaybtii hore iyo qaybtii dhexe
ee habeenka fekereyey qaybihii danbana dhacay oo sii raba in uu sii hurdo
miyayse dhici karaysaa inuu sii hurdo wa maya. Isagoo leh waxaas oo kale ban meesha
uga tagayaa ayuu sariirta ka kacay. Maxamuud oo daaqada qolkiisa marayey
misaajidka xeradana ugu socday inuu salaadda subax soo oogo markaa ayaa maqlay!
Daahir ma halkaasayba ka maraysaa ayuu inta uurka ka yiri iskasii socday. Maxamuud
wuxuu qol la deggan yahay Warsame oo marar badan ka eed sheegta tababarka culus ee ay
qaadanayan. Maalintaasi ma jirin tababar jirka ah iyo mid dhinaca farsamada iyo
duulinta diyaaradaha quseeya waxay qaadanayeen in ay qaataan cashar ku saabsan
habka loola tacaalo marka diyaarad aad duuliye ka tahay gantaal lagu dhufto. Daahir
baga ayuu leeyahay marba hadaan tababar muuqda oo jirka laga qabanayo la
qaadanayn maanta waase war mooge oo lama socdo in saaka siri ka fakatay. Markii
la gaaray xiligii quraacda ayaa Maxamuud aayar soo ag dhigtay quraacdiisa meel
Daahir geeskiisa ah oo udhow haddiiba haday isa salaameen Maxamuud baa hadalka
qaatay wuxuu ka sheekeeyey xaaladda ka jirta xerada iyo sida asxaabtiisa qaar
aanay ugu qanacsanayn. Daahir ayaaba hal mar hadalkii boobay oo si miyir la’ aan
ah uga waramay sida uu u karaahsaday dhaqanka ad adayga ku dhisan ee kajira
xerada sida uu uwaramayo waxaadba moodda tuubo inta afka laga xiray kumanaan
litir oo biya ah lagusoo riixay. Maxamud wuxuu usheegay in saaxiibkii Warsame
oo ay isku qol deggan yihiin uu sida isaga oo kale uhiinfayo una haaraamayo
isaguse uu ku adkaysanayo inuu sii wato koorsadiisan wax kasta oo jirana uu naftiisa
jirabayo. Warsame wa inaan wada sheekeysano ayuu tiri Daahir laakiin wa inaan
isagala socodsiiyo inaad isku xaalad tihiin Maxamuud baa yiri. Oo maxaad noogu
kala turjumi ma inagaa is fahmi waayeyna Daahir baa ku waydiin celiyey. Mayee meesha
aan joognaahi wa xero ciidan waxaana laga yaaba inuu ku moodo nin looso diray
oo war ka doonayo Maxamuud baa yiri.
Qalinkii Liban Mohamud Nur,
Nayroobi, Kiinya.
7 Comments