Waxa ugu danbayn ubilaamatay in loo kala saaro qaybaha ciidanka oo haddii awal ay wada ahaayeen hal ciidan markan waxaa macalimiinta siinaysa tababarka ay mid walba oo kamida ku dareen qaybta ama halka uuku haboon yahay. Nooca ciidan ee uu kubiiro ayey kuxiran tahay nooca tababar ee lasiinayo askariga. Daahir isaga waxa lagu daray ciidanka cirka macalimiintiisa ayaa u arkay askari maskax furan oo hora ufahmi kara waxa labarayo jir ahaana dhisan sababahaas isbiirsaday ayey macalimiintiisu ugu doorteen inuu kamid noqdo qaybta ciidan ee raaciyeen. Dhankiisa isagu ma niyad xumayn inkasta oo uu jeclaa qaybta  baaritaanka danbiyada hadana qaybtan loo dooray kama uu dudin oo muxuu uga dudi marba haddii loo carbinayo siduu unoqon lahaa duuliye sare.

 

Horaantiiba waxaa loo bilaabay tababaro iyo casharo ku saabsan shaqada iyo nooca qalab ee ay isticmaalan ciidamada cirku ma ahan wax layaableh in lasiiyo casharo noocan ah askari lagasoo badalay ciidanka lugta kaas oo aan wax fikrad ah ka haysan noocan ciidan ee laguso daray. Tababarada iyo tababarayaasha wa kuwo mar walba is badalaya sababtu wax kale maahe waxa la doonaya in la dadajiyo mudada uu soconayo tababarku. Tababarka ay qaadanayaan Daahir iyo kooxdiisu wa mid aad u adag aadna u khatar badan oo tababarada qaar waxaa lagasoo tuura hawada sare iyaga oo Baalashuud uxiran yahay oo waliba judhii hore waxaa laguso daadin goob biyo fadhiyaan waxaana loogu talagalay in haddii ay dhacdo oo baalashuudku ubixi waayo ay kusoo dul dhacaan biyaha halkaana ay yaraato khatarta soo wajihi karta askariga.  Isagu marba marka ka danbaysa wuxuu karaahsanaya tababarka adag ee la siinayo dhowr marna amar diido uu sameeyey ayaa lagu ciqaabay.


Qaar kamida CXD oo kasoo laabtay tababar dalka Turkiga 
laguna soo dhawaynayo garoonka Aadan Cadde.


 

Halkan marka uu yimid waxbadan oo dabeecaddiisa ah ayaa is badashay lamana garanayo sababta iyo waxa sababay dabeecaddan cusub ee uu lasoo baxay. Ma adayga tababarka ayaa dulqaadkii ku yareeyey mise meelo kale ayaa looga yimid qofna ma yaqaan. Qaar asxaabtiisa kamid ah oo ay sheeko wadaag yihiin ayaa mararka qaar ay kawada shawraan adayga tababarka ay qaadanayaan iyo nolosha bilaa jixin jixa ah ee ay ku wajahayaan xerada mararka waxayba ka gaartaa inay baxsadaan oo ay gooyaan xuduudda dalka ay joogaan oo ay iska dhiiban dhanka qaaradda gabawday ee Yurub mase sahlana fulinta baxsashadaas. Walle tani inaysan sii dhawrid lahayn oo ma sii joogis bay leedahay haddii subax walba tababarkaa adagi ku sugayo sidii caruurtiina lanoola dhaqmayo oo waxkasta bilaa amar aadan samayn karin. Wuxuuba is tusay inuu xabsi yar kaga jiro adduunyada oo kaalay irsaaqaddii aad cuni lahayd way qoran tahaye maadba shaqo kale raadsatid. Askarimada la sheegaahi ma sidan bay udhib badan taha? Waxay talo uga cadaatay in siduu yeelaba isaga hayaamo oo ka baxsado xeradan. Maalinba maalinta ka danaysa tababarku waa sii adkaanaya isagiina wa lakari la yahay. Khaati ayey ka taagan yihiin tababarayaashiisi!

 

Maamulkii waxay goaan sadeen in haddii sidan uu dhaaman waayo xiriir lala sameeyo xafiis aan qunsuliyad gaarsiisnayn oo dawladda soomaalidu kuleedahay magaalada Izmir lana waydiiyo waxa laga yeelayo waxbaase is badalay waxa u maalmahan yareeyey amar diidooyinkii lagu yaqiin. Wuxuu bilaabay inuu tababarka uqaato si wanaagsan aadna uu uwanaajiyo sida uu ula dhaqmayo asxaabtiisa la tababaranaysa ee oo in yar oo faro ku tiris ah mooye badanka aanay isku fiicnayn. Sida la moodayo se wax uma jiraan! Taluu hoos ka goostay wuxuu goaan ku gaaray inuu baxsado xuduudana uu gooyo una talaabo dhinaca kale ee xadka wadanka Giriigga. Sida aan hore usheegay fulinta iyo guda galidda ficilkaasi maaha wax ufudud waxaase jira dhawr qodob oo ka caawin kara inuu ka gudbo ama ugu yaraan uu gaaro xadka u dhaxeeya Giriigga iyo Turkiga waxaba kow ka ah magaalada ay ku taalo xerada tababarka ee uu kujiro oo dhacda xuduudda ay wadaagan labada wadan mid kale oo caawin kartana wa in laga baxay xiligii qaboobaha lana galayo bilihii xagaaga.

 

Waxaase intaas oo dhan uga daran isaga sida uu uga baxsan lahaa xeradan  malahan fasax loomana ogola in ay aadan banaanka qaabka loo dhisay xeradana maaha mid u saamaxaya in uu qof kabaxsado iskabadaa in qof ka baxsadee waxa loo dhisay qaab dhismeed adag oo xitaa haddii banaanka lagaso weeraro aanay suurtogal ahayn in ay fududaato qabsashadeedu. Sow arin tiiraan yadeeda leh maaha? Dhinac walba oo ay in yar oo fursad ahi jirtay waxa kaga yimid mawjado rajo beel ah markaasu kusii dhashay nacayb iyo cunfi uu u qabo shaqada ciidanimada oo waayihiisa nolosha askarinimada aanu ku fikirin. Waxa xaalku sidaa ku ahaadaba ugu danbayn wuxuu arkay inaanu haysan doorasho aan ahayn in inta uu kahelayo jaanis kale uu wato qaadashada tababarka laakin uu eeg eego hadduu uu jiro qof sidiisa oo kale ku fekeraya inuu baxsado oo ay soo kartay nolosha iyo tababarka adag ee xerada. Dhibta kajirta xerada maaha mid rasmi ahaan uga jirta deegaanka iyo wadanka ay joogaan waase duruuf la doonayo in labaro ardayga halkan soo gala calashaan askariga.

 

Qaarka asxaabtiisa ah ma aysan isla gaarin heer ay isku sir waramaan ama isku sir qarsadaan taas waxyaabaha u sababta ah waxa kamida Daahir oo marar badan dabeecadiisu is badalayso iyo iyaga oo aan markii horeba si fiican isku aqoon mid kale oo wayn ayaase jirta wa inaysan isku deegaan ahayn. Hadaad is waydiinayso muxuu micno ah oo ugu fadhiyaa deegaanku marba haday yihiin rag isku shaqo ah waxa muhiim ah inaad ogaatid in marka la eego dhaqanka qofka soomaaliga ah deegaanka yahay wax wayn oo waa iyada soomalidu tiraahdo “Oodi abb ka dhow” oo ay uga jeedaan in qofka aad isla degtaan ama isku deegaanka aad tihiin marar badan kaaga dhaw yahay dadka kale ee aad isku reeraha tihiin. Allow yaa saaxiibkay Axmed iikeena ayuu mararka qaar nafta kula sheekeystaa. Sadexdii biloodba mar aya loo ogolaa inay ehelkoodii iyo waalidiintooda lahadlaan markii ay ku cusbaayeen xerada hadase bishiiba mar ayaa loo ogol yahay in ay lahadlaan waxaana ay isticmaalan moobil ay leedahay xaruntu oo aan ahayn koodii gaarka ahaa.

Talaa ku cad oo wuxuu garan la yahay wixii uu samayn lahaa mar waxaa umuuqanaysa inaysan wado aan ahayn inuu aqbalo waaqaca horyaala kaasi oo kuleh baxsasho majirto markalena waxa maskaxdiisa kusoo dhacaysa kalmad udiidaysa inuu qaato mida hore. Kalmadaasi wa mid ay adeegsadan badi dadka raba inay ka guulaystaan arin ay markaas ku dhex jiraan. Dhibaatada kali ah ee aan xalka lahayn wa dhimashada kalmadaas ayaa maskaxdiisa si fiican ugu soo laalaabanaysa iyada ayaana harsi iyo hoyaadba udiiday markaasu is dhaha waxaa jira xal ee halkee wax kabilaaba. Xiliiyada bareegga yar ay qaadanayan ee ay helaan jaanis ay ku wada sheekaystan saaxiibadiisa ayuu aad ugu fakeray sida uu halkaa uga heli karo wax xal unoqon kara baxsashadiisa uu qorshaynayo. Marba waxaa kusoo dhacaya fikir hor leh. Ma doonayo inuu dalkiisii dib ugu laabto oo middaas haduu rabo waxa u fududayn lahaa safaaraddiisa waxaase kujira hami iyo inuu nolol ka sameeyo wadamada Yurub.

 

Wuxuu arimaha rog rogo waxa uu xal u arkay inaysan kafursanayn inuu la wadaago asxaabtiisa qaarka uu u arko in ay la qaadan karaan ama ugu yaraan siin karo talo ku habboon. Markii la gaaray xiligii hurdada ayuu is tuuray in yar dabadeed firinbigii baa yeeray wa xiligii hurdada laga kici lahaa isaguse waa nin qaybtii hore iyo qaybtii dhexe ee habeenka fekereyey qaybihii danbana dhacay oo sii raba in uu sii hurdo miyayse dhici karaysaa inuu sii hurdo wa maya. Isagoo leh waxaas oo kale ban meesha uga tagayaa ayuu sariirta ka kacay. Maxamuud oo daaqada qolkiisa marayey misaajidka xeradana ugu socday inuu salaadda subax soo oogo markaa ayaa maqlay! Daahir ma halkaasayba ka maraysaa ayuu inta uurka ka yiri iskasii socday. Maxamuud wuxuu qol la deggan yahay Warsame oo marar badan  ka eed sheegta tababarka culus ee ay qaadanayan. Maalintaasi ma jirin tababar jirka ah iyo mid dhinaca farsamada iyo duulinta diyaaradaha quseeya waxay qaadanayeen in ay qaataan cashar ku saabsan habka loola tacaalo marka diyaarad aad duuliye ka tahay gantaal lagu dhufto. Daahir baga ayuu leeyahay marba hadaan tababar muuqda oo jirka laga qabanayo la qaadanayn maanta waase war mooge oo lama socdo in saaka siri ka fakatay. Markii la gaaray xiligii quraacda ayaa Maxamuud aayar soo ag dhigtay quraacdiisa meel Daahir geeskiisa ah oo udhow haddiiba haday isa salaameen Maxamuud baa hadalka qaatay wuxuu ka sheekeeyey xaaladda ka jirta xerada iyo sida asxaabtiisa qaar aanay ugu qanacsanayn. Daahir ayaaba hal mar hadalkii boobay oo si miyir la’ aan ah uga waramay sida uu u karaahsaday dhaqanka ad adayga ku dhisan ee kajira xerada sida uu uwaramayo waxaadba moodda tuubo inta afka laga xiray kumanaan litir oo biya ah lagusoo riixay. Maxamud wuxuu usheegay in saaxiibkii Warsame oo ay isku qol deggan yihiin uu sida isaga oo kale uhiinfayo una haaraamayo isaguse uu ku adkaysanayo inuu sii wato koorsadiisan wax kasta oo jirana uu naftiisa jirabayo. Warsame wa inaan wada sheekeysano ayuu tiri Daahir laakiin wa inaan isagala socodsiiyo inaad isku xaalad tihiin Maxamuud baa yiri. Oo maxaad noogu kala turjumi ma inagaa is fahmi waayeyna Daahir baa ku waydiin celiyey. Mayee meesha aan joognaahi wa xero ciidan waxaana laga yaaba inuu ku moodo nin looso diray oo war ka doonayo Maxamuud baa yiri.


Qalinkii Liban Mohamud Nur,

Nayroobi, Kiinya.