Waa kuma Maxamed Dayf?

Magaciisa oo buuxa wa Maxamed Dayf Ibraahim Al-Masri waxa uu dhashay sanadkii 1965 wuxuuna ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Yuunis ee marinka Qaza xiligii ay maamulaysay Masar. Qoyskiisu asal ahaan waxay kasoo jeedaan deegaanka Qubayba oo u dhaw magaalada Ramallah ee daanta galbeed waxayna kamid ahaayeen qoysaskii si bareerka ah looga soo qixiyey dhulkooda sanadkii 1948. Yaraantiisii wuxuu ahaa arday ku fiican waxbarashada laakin qoyskisa sabool ahaa darteed wuxuu ka haray waxbarashadii si kumeel gaar ah isaga oo bilaabay inuu la shaqeeyo aabihii oo uu la iibin jiray dharka dhanka kalena wuxuu ka shaqayn jiray beer yar oo digaaga lagu xanaaneyo. Sanado kadib ayuu dib ubilaabay waxbarashada isaga oo sida la sheego ka bartay jaamacada islaamiga ee Qaza cilimga Kimistariga waxa uuna dhameeyey jaamacada sanadii 1988.

 

Maxamed Dayf waxa uu kubiiray ururka Xamaas sanadkii 1987 iyada oo ururkan uu jiro asbuucyo  laba sano kadib 1989 ayaa loo taxaabay xabsiga iyada oo dawlada guumaysigu ku eedeenayso inuu ka tirsan ururo kasoo horjeeda dawlada guumaysiga wuxuuna xabsiga kujiray mudo 16 bilood ah isaga oo markii danbe lasoo sii daayey. Horaanta sagaashameeyadi markii uu kasoo baxay xabsiga ayuu saaxib dhow la noqday Yaxya Ayaash oo sahnuuniyadu si shirqool ah ku dishay sanadkii 1996 iyo Imad Caqil oo isna dawlada gumaystuhu ay dishay sanadii 1993.  Yaxya Ayaash wuxuu ahaa nin aad uyaqaana sida loo sameeyo loona diyaariyo bumbooyinka qaraxa wuxuuna sifiican Maxamed Dayf ubaray sida loo sameeyo bumbada markii la dilay macalinkiisi iyo saaxiib kiisii ay isku dhawaayeena Dayf waxa uu ku baraarugay inuu yahay bartilmaamed isaga oo si dhamaystiran isku qariyey kana fogaaday warbaahinta iyo aaladaha kale sida moobilka iyo kamaradaha.

 

Intii udhaxaysay sagaashameeyada qarnigii hore ilaa horaanta qarnigan waxa uu ku lug yeeshay tiro qaraxyo ah oo ka dhacay gudaha dhulka lahaysto laguna wax yeeleeyey muwaadiniin iyo askar israaiiliyiin ah waxaana laga xusi karaa qaraxyadaas mid ka dhacay wadada Jaffa ee udhow xarunta laga raaco basaska ee magaalada Qudus halka midka kalena ka dhacay gudaha Qudus.

Qaraxyadaas isku darkooda waxaa kugeeriyooday 45 israailiyiin ah kuwaas oo isugu jiray 12 askari iyo 33 shacab ah waxaana si toos ah masuuliyada weeraradaas u sheegtay ururka Xamaas. Dhanka kale Maxamed Dayf waxa uu ku lug yeeshay kana danbeeyey dilal iyo afduubyo dhacay xiliyadaas markii lasoo bishii Mey ama Maajo sanadii 2000 ayaa Dayf waxaa xabsiga dhigay maamulka Falastiiniyiinta ee hogaanka uhayey Yaasir Carafaad laakin bishii Diseembar ee isla sanadkaas ayuu ka baxsaday xabsiga.


Hogaanka garabka milatari ee Xamaas ee Cisadiin Qasaam.

Maxamed Dayf waxa uu noqday madaxa ugu sareeya hogaanka ururka Cisadiin Qasaam oo ah garabka hubaysan ee ururka Xamaas kadib markii uu guumaystuhu dilay taliyihii ugu sareeyey Qasaam Saalax Mustafe Muxamed oo loo yaqiin Saalax Shaxaada bishii Luulyo sanadkii 2002. Intii uu ahaa taliyaha kooxda Qasaam wuxuu waxbadan ka badalay hanaanka iyo aqoonta kooxdan wuxuuna aad ugu dadaalay in Qasaam gaarto isku filnaansho dhanka farsamada hubka intii karaan keeda ah iyada oo 20 sano ujeedooyinkaas qaybtood la xaqiijiyey waxaana xiligaan oo uu socdo duulaanka gumaystuhu kusoo qaaday Qaza ay kooxda Qasaan ku dagaalamaysaa hub iyo aalado kale oo ciidan oo badidood ama dhamaantood lagu farsameeyey gudaha marinka Qaza.

Mid kamida sadexda sawir ee laga hayo Maxamed Dayf





Isku dayadii shirqool ee uu ka badbaaday;

Intii uu ahaa taliyaha kooxda Qasaam wuxuu ka badbaaday 7 iskuday dil oo uu guumaystuhu la damacsanaa inuu ku khaarijiyo waana midaas mida ku sababtay in cadawgiisu ugu yeeran bisadii sagaalka nafood lahayd iyaga taa uga jeeda inuu ka baxday dhammaan shirqooladii loo dhigay. Lagasoo bilaabo 1996 wuxuu kamid ahaa liiska dadka sida adag ay udoonayso Israaiil weliba wuxuu ku jiray kuwa foolaadka hore Kujira.

Weerarkii ugu horeeyey ee lala beegsado wuxuu dhacay intii aanu noqon hogaamiyaha Qasaam gaar ahaan 2001 weerarkaas oo ahaa mid diyaaradeed wa uu ka badbaaday Maxamed Dayf.  Isku daygii labaad ee dilida Maxamed Dayf waxa uu dhacay bishii Sabteembar 2002 markaas oo gaari uu la socday oo wadada marayey ay gantaalo kusoo riday diyaarad dul socotay hawada marinka Qaza.

Natiijada kasoo baxday labada weerar ee hore waxay madax xanuun kuriday maamulka gumaystaha wuxuna markale soo agaasimay shirqool dil oo dhacay sanadkii 2003 mar kale ayuuna ka badbaaday Dayf waxa la wariyaa in uu marka weerarku dhacay uu ku jiray shir madaxda ururku isugu yimaaden kadibna waxaa  xigay mid kale oo gumaystuhu fuliyey bishii Luulyo (July) sanadkii 2006. Xiligaas waxaa la sheega in Maxamed Dayf booqanayey guriga mid kamida macalimiintiisi jaamacada. Weerarkii Luulyo 2006 kadib Dayf wuxuu aaday dalka Masar halkaas oo mudo 3 bilood ah loogu sameynayey baaritaano caafimaad waxaana qaliin lagu sameeyey lagasoo saaray firirada qaraxii gantaalka lagu weeraray. Intii udhaxaysay 2006 ilaa Nofeembar 2012 waxa shaqada hogaanka waday ku xigeenkiisa Axmad Jabaari oo ay diyaaradaha aan cidina wadin ee loo yaqaano Drone-ta ay ku dishay isaga oo saaran gaarigiisa oo marayay jidka Cumar Mukhtaar ee marinka Qaza bishii Nofeembar 14keedii 2012.

 

Bishii Agoosto sanadkii 2014 iyada oo uu socdo dagaalkii Qaza ayaa gumaystuhu waxa uu duqeeyey gurigiisa waa weerarkii waxa ayna sheegtay Israail in ay ka takhalustay Dayf laakin waxa waarkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Xamaas oo sheegtay in uusan dhiman. Weerarka Maxamed Dayf waxa uu ku waayey xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay. Intii uu socday dagaalkii 2021 gaar ahaa bishii Maajo (May) waxay Israail asbuuc gudihiisa ay qaaday laba weerar diyaaradeed oo ay ku beegsanaysay Dayf laakiin way ku fashilantay labada weerarba inay kudisho ninkan. Intii uu socday dagaalkan hada socda Israail waxay garaacday guri uu lahaa aabaha dhalay Maxamed Dayf  waxayna halkaa kudishay walaalkiis.


                                       Waxaad ka daawan kartaa warbixintan isla muuqaallkan

 Noloshiiska khaaska ah

Dhinaca noloshiisa shakhsiga wa aabe wuxuu guursaday 2007 waxaana marwadiisa Widaad Asfuura wiil ay udhashay iyo gabar sadex jir ahayd lagu dilay duqayn ay ciidanka gumaystuhu ay fuliyeen bishii Agoosto 2014. Waxa kale oo uu dhalay laba wiil oo kale oo lagu kala magacaabo Bahaa iyo Khaalid. Hooyadii waxay geeriyootay sanadkii 2011 halka aabihiisna uu geeriyooday sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2022.

 

Hay’adaha amaanka iyo warbaahinta gumaystuhu waxay marar badan kusoo celcelin jireen in Maxamed Dayf uu ku socdo gaariga curyaanka (wheelchair) isla markaana uu waayey mid ishiisa kamida lug iyo gacana ay ka goeen laakiin muuqaal labaahiyey Bishan Diseembar ayaa la arkay isaga oo caafimaad qaba oo lugaynaya qabana lixaadkiisa inkasta oo uu dhutinayey warkaas oo layaab kunoqday shacabka iyo madaxda Israail maadama loo haystay in uu fuulay kursiga curyaamada.


Liban Mohamud Nur.

Libannur74@gmail.com.