Federaa
Goorma ayey soo bilaabatay
doodda federaalaynta dalka.
Doodda kusaabsan in dadka somalidu qaataan
nidaamka federaalka waxay soo jirtay kahor inta soomaalidu dhisan qaran
madaxbanan gaar ahaana intii udhaxaysay sanadihii 1950 ilaa lagasoo gaaray
sanadkii 1960. Doodaas waxaa siyaasiyiinta horkacaysay waxaa kamid ahaa
Cabdulqadir Aadan Zoobe oo hormuud u ahaa xisbigii la oran jiray Xisbiya
Dastuur Mustaqil. Zoobe iyo xisbigiisu waxay usababaynayeen doodooda in dadka
soomalidu yihiin qaar aan waayo aragnimo iyo aqoon durugsanba ulahayn
dowladnimada. Waxa kale oo ay saamaynta ka dhalankarta waayo aragnimo la aanta iyo
aqoon daradaas oo isbiirsata u arkayeen inay sababi karto in maadama soomaalidu
reero kale duwan yihiin dhici karto in lagu muquuniyo dowladnimada reerkii loo
arko inaanay lahaysan qolada markaas xukunka haysa. Cabdulqaadir Aadan Zoobe
iyo xisbigiisiiba waxa lagala horyimid mucaaradnimo xoogan iyaga oo lagu
eedeeyey inay kashaqaynayan kala qoqobka ummada soomaaliyeed.
![]() |
Sawirka Cabdulqadir M Aadan Zoobe |
Soo laba kaclayntii doodda federaalka.
Soo laba kaclaynta doodda kusaabsan
federaalaynta dalka waxaa ay soo bilaabatay horaanta sideetameeyada xiligaas oo
ay so badanayeen jabhadihii kaso horjeeday xukunkii milatariga wadanka xooga
kuqabsaday. Soo laba kaclayntaas waxa
loo tiiriyaa jabhadii SSF oo markii danbena loo bixiyey SSDF. Jabhadan waxay aaminsanayd in dalku qaato
nidaamka federaalka soomaaliduna inta ay
kayeelanayso hay’ado dowladeed oo ka madaxbanaan madaxda markaas xukunka joogta
ay ku khasban tahay in wax kala soocnaadan. Sida waayo joog badan kuqoreen buugagtooda
waxay ahayd aragtida ugu macquulsan aragtiyo badan oo isku hardinayey xukunka
wadanka.
Sida uu kuqoray Madaxwayne hore AUN Cabdullahi
Yuusuf buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo waxa uu kusheegay in aragtida federaalku
ay dib ucuratay markii layagleeley jabhadda SSDF. Marka laga hadlayo socodsiinta
aragtidan waxa lagama maarmaan ah in la tilmaamo in maamulka Puntland kamid ahaa
xoogaggii ugu waawaynaa ee riixayey fikirkan. Maamulka Puntland oo aas-aaskisu unoqonayo
laba sanadood kahor markii labud dhigay dowladdii Carta waxa axdigii KM ahaa ee
ay kuheshiiyeen ku qorteen in Puntland ay qayb kanoqonayso dowlad federal ah oo
dalka ka hirgasha taas waxaa loo aaneeya inay qayb wayn kaqaadatay in shirkii
tuulada Carta ee dalka Jabuuti uga socday Soomaalida axdigii lagasoo saaray uu qodobkiisa labaad ku qornaa in dawladnimada
Dalka Soomaalidu bud dhig looga dhigi doono hanaanka federaalka.
![]() |
Buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu qoray MD Yusuf |
Sidee nidaamka federaalku
xal ugu yahay ummada somaliyeed
Marka la macnaynayo nidaamka federaalka waxaa
lagu sheega inuu yahay nidaam daadajinta awwoodaha iyo adeegyada dawladda waxaana
qaatay nidaamkan dowlado badan oo hormuud uyahay Dowladaha midoobey ee Maraykanka.
Marka aynu doonayno inaynu tusaalaha ugu macquulsan kabixino nidaamkan waxa
lagama maarmaan ah inaynu halkan uga yeerno dowlad goboleedka soomaaliyed ee Puntland.
Maamulkan inti uu jiray burburka iyo qaran jabka kudhacay soomaalida wuxuu isu
hormarinayey si iskiis ah dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha
iyo amniga. Waxaa Puntlland uhayaamay ummad soomaaliyeed oo badankeed kaso
qaxay colaadihii kadhacay bartamaha iyo konfurrta dalka. Maamulkan wuxuu noqday
tusaalaha ugu mudan ee hanaanka federaalaynta dalka.
Dhanka kale nidaamkan waxaa meesha kasaarayaa macquul
ahaanshaha in marka kale talada dalku la wareegaan ciidanku ama ugu yaraan xukun
boobayasha kale. Taasna waxaa la arkay run ahaanshaheeda markii xukuumaddii
ladoortay horaanta 2017 ay isku dayday inay xukunka si iskeed ah isugu caleemo saarto
labo sano oo dheeraad ah markii ay mudda hayntii ka dhammaatay bartamihii
bishii Abriil sanadkii 2021. Xiligaas waxaa soomaali badan garawsatay in haddii
aanu jireen nidaamka federaalku ay macquul ahaan lahayd inay dhacdo dhibaatadiii
dhacday dhammaadkii 1969 markaas oo talada dalku qori caaradii ku qabsaden
ciidankii dalku. Waxa dhacdadaas iyo tii dhacday Abriil 2021 iskaga eg yihiin
inay labada nidaamba wax kudooneen si sharciga baal marsan.
Waxaa qoray Liban Mohamud
Nur,
Nayroobi, Kiinya. Nov 12th
,2023.
1 Comments