Maxaad istus utahay?


Maxaad dadka isu tustaa? Maxaad isugu daydaa inaad heshid dareenka dadka kale? Ma liidnimo iyo hooseyn ayaad dareemaysa? Ma anigaa qofka aad suaalaha aad waydiinaysid? Haa adigaan ku waydiiyey. Xagee istusnimadayda ku aragtay? Marar badan ban arkay anigaana ka marag ah! Ina adeerow waan gar qaadane bal iisheeg waxaad igu aragtay. Ma adigaan wax kasta oo noloshaada quseeya soo dhigin barahaaga internetka? Mayee waan soo dhigaa! Maxaase ku jaban hadii aan midaa iyada ah sameeyo? Muxuu yahay ujeedka dhabta ah ee aad uso dhigtid? Wa un iska jeclahay ee wax kale ugama jeedo. Haye. Noloshaada kuu gaarka ah sida meelaha aad booqatid xafladaha aad xaadirtid maxaad uso dhigtaa? Taasi wax wayn maaha qosol iyo farxad ayaana ka raadiyaa. Haa hadaad timid halkan ubaahnaa.

 

Sidee farxad iyo rayn-rayn ugu dareentaa wax aan kula joogin ama markaas aadan maqlay ama daawnayn? Wallaahi ma garanayo laakin wa wax iska caadi ah ani ahaantayda dadka oo dhan ayaana sameeya. Iska ilow dadka! Iska ilow Af maahe dhaliil ha iiga dhigin midaas. Haye. Mid kalaan ku waydiin. Maxaad gabadha aad wada haasawdaan aad maalintii timaadaba noo tustaa ma anagaa kula guursanayna mise waajib lagu saaray oo aad gudanaysid weeye marka aad sawiradeeda tusaysid dadka? Saaxiibtay inaan soo dhigo cidna uga haybaysan mayo hadise aad iwaydiisay muxu yahay ujeedka aad uso dhigtid wax kale maahe jacaylka aan isu qabno ayaa ku siyaadaya markastoo ay aragto inan ku faanayo iyada.

Halkaa ii jooji saaxib waxan ku waydiiyey ma heli wayday wado kale oo aad kalsoonida iyo jacaylka aad isu haysaan aad ku kordhiso oo aan ahayn midan? Waan hayaa laakin midaan ayaa ufiican. Fiicnaanta midan aad ku sheegtay maxay taha? Dadka iigu jira ayaa arkaya halka uu gaarsiisan yahay xiriirkeenu. Waa kow. Dadkaas inay ku arkaan miyaad qanaaco ku dareemaysa saaxib? Haa midaas qanaaco ka wayn maba jirto adiga iyo saaxibta oo bulshado dhan idin hadal hayso maxaa ka wayn wa waxba.  Markaa hadaad waydaan dad idin hadal haya kawarama? War cuqdaa iyo cawradaaye hana habaarin! Oo ma anaa ku habaaray saaxib suaal caadi ah ban ku waydiiyaye. Ma suaal ba hadii dad idin arka la waayo macnaheedu saw maaha wa dadkoo dhan oo cadaw idinku noqda. Maya shaydaanka iska naar saaxiib sidaa ulama jeedo.

Maanta ogaaday inaad cadaw nagu tahay aniga iyo dumaashida. Kaw! War haynabin anaaba kula taagan oo kuleh kama xumi. War iyo dhamaantii intaanan shaabada cadawgeena……. War bal shaydaanka iska naar ma sidan oo dhan bad dhinaca xun ugu fikirtaa. Kama wadin sidaas hadaadse sidaa ufahantay waan kaa raali galinaya saaxiib. Bes halkaa inoogu xir.




 

War sawtan la wada wareeray ee qof walbaahi isu haysto inuu yahay boqorkii kali ahaa ee koonkan joogay bal muxuu ninkaan miskiinka ah ee gabar aanu wali guursan ii leeyahay kala tageena jeclaan lahayd. War inleyn balo. Oo maxan ula yaabaya sow maaha ninka yiri dadku inay arkaan jacaylkaan isuqabno ayaan muuqaaladena iyo sawiradeena usoo dhigaa baraha bulshada. Anaase kasii waalan oo afaarihiisa galay bal maxa afaarihiisa igashay. Anaga yaab aragnay. Umadiiba waa wada wax kale ismood bal maxaa micno ah oo kujira in aan tuso dadka waxa ii gaarka ah miyaanan markaas noqonayn istus istus dhalay. Waase gartood oo dad aan ilaalin ama la socon hadii laheli lahaa ma iyadaaba waxan dhici lahaayen. Malahayga maya.

Talow madhihi karnaa wa dad xanuusan. Oo maxay u ahaan waayen dadka intaas oo dhib ah umaraya in ay qanciyaan dadka kale sidee u caafimaad qabaan.        Laakiin waxay is waydiintu tahay xal caafimaad ma loo heli karaa dadka noocaan ah ee caalamyada aynaan garanayn lahaysta. Malahayga haa oo Ilaahay sow ma oran cudur ma aynaan keenin ilaa daawadiisa soo raacinay. Oo kaalay intaan waydiintaasi imaan waxaa kasii muhiimsan inan is waydiiyo halkee dadkaan ka keenen cudurkaan sideese ugu dhacay bal ugu yaraan hadaanan wax kalaba iyaga tari karin aan ka digtoonaado e’. Wagarey wagar. Ma fayras la isku gudbiyaa? Ma caabuq jirka inta galo ku dhex samaysa ba? Mise wa nooc kale oo aynaan garanayn? Mooji. Ilaahow adaan kaa magan galay inuu igu dhaco cudur noocaas ah.

Waxaase la yaab ah in dadka uu hayo cudurkan ayba isku haystaan dad aanay waxba kaqaldanayn bal e’ dadka kale ka fiican dhinac kasta marka la barbar dhigo umada kale e ay la nool yihiin. Oo ma ninkii hadeer wixii xil-le lahaa miyaa laga dhaadhicin karaa waad xanuusan tahaye is dawee. Waaba markuu i oran lahaa igasoo gar bax maalin kasta hadal aanan kaa mudnayn bad idhahdaaye.  Alaylehe waad xanuusan tahay inaad nin halkiisa maraya ku tiraahdo Af nin wayn maaha.

Waxaase kasii daran baraarugga bulshadu inuu aad u hooseeyo. Oo hadaanu hoosayn ma sidaas ba looga wada aamusi lahaa dhibaatan dadkii oo dhan wada haysata. Weliba berigii hore dhalinta oo kaliyey ku koobnayde markan dadkii wawayna ayaa ku biiray oo foolaadka hore ah. Oo kaalay ama anigu dadka ka duwanahay? Macquul. Markan oo kale Soomaalida aan ka dhashay waxay dhihi jireen ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa. Kay tahaba waxa hubaal ah in qof dadka kale dareen kooda raadinaya  uusan ahayn qof caafimaad dhamaystiran qaba. Oo talow diintu maxay ka tiri dadka noocan ah ilayn diinteenu way dhamaystiran taho  waa iyada Ilaahay yiri “Al yawma akmaltu lakum diinakum”. Wadaadada mala wadaaga bal inay ila arkaan dhibtaan soo korodhay waayadan Intarnaydku xawliga inagu soo gaaray. Maxaanse wadaad miskiin ah ka waydiin awal bay kuwa badan oo wax magarata ahi ka laalaaden wadaada daas shaqada fiican uhaya bulshadee.

 

War kaalay armaa aniga santaan iyo kibir igu jiraa oo kaligii saxane aan noqday ama aan isku mashquulinayaa waxaan dan aduunyo iyo mid aakhiro iigu jirin! Oo ma aduunyadan maalayacnigu kusoo batay dadkiina ku dhex jiraan maala yacnigaas ban ka duwanaanaya xitaa hadaan wax khaldan qabanayo. Kama duwani dadkaas kale laakiin macquul ma tahay in qudhaydu aan wadadii galay oo aan ka baqanayo waxa dadka kale i oran doonan markan arintan khatarteeda leh baraarujiyo ilayn farqi wayni uma dhaxeeyo qofka ka baqa waxa dadku dhihi doonan iyo ka dareenka dadka jecel inay kuso jeestaane. War maya maya arintaan dadka qofkaan arkaba waan la wadaagi si ugu yaraan dadku ugu baraarug sanaadan cudurkaan faraha kulul inagu haya. Hadaba aan cidlada ka dhaqaaqo oo aan uhawlgalo arinkaas isaga ah.


Post a Comment

16 Comments

Daily Waano said…
Arintaan wa mid bulshada aad ugu badan.
Daily Waano said…
Waa cudur aad ugu badan bulshada siiba dhalinyarada.
runabil.com said…
Runtii xanuunkan waa mid jira oo aan qarsoonayn.
Abdifatah said…
Waa cashar xajiiba oo u baahan ka taxad
ar
Him..... said…
Dadkaas attention seekers anaaba iskaga shakiyey inaan ka mid ahay lmao
Him..... said…
Dadkaas attention seekers ah anaaba marar badan iskaga shakiyey inaan kamid ahay lkn markan qormadan akhriyey bay ii cadaatay inan waliba heerkas istusnimada gaarin lmao
Hawa said…
Arintaan waa mid aad ugu badan bulshadena runtii
Ha dhagaysan said…
Waa dhab in cuduradaan ay istusnimadu kamid tahay aad ugusoo badanayan bulshadeena waxaase is waydiiyey
Ha dhagaysan said…
Maxaa sababa ma udhalashaa mise wa cudur qofka kudhici kara.
Ha dhagaysan said…
Dadkan istusiinta ah waxab uhaystay inay dhamaaden
Ha dhagaysan said…
Ilyn wali way jiraan.
Heer sare said…
Mawduc fcn wye runtii.
it'sme said…
Istusnimada waloo dhashaa.
Rijaal said…
Wax jira weeye waxa halkaan ku qoran s=runtii.
Muhammad said…
Geedani wa jiro iyaamahan aad noogu soo siyaaday.