Maxaad dadka
isu tustaa? Maxaad isugu daydaa inaad heshid dareenka dadka kale? Ma liidnimo
iyo hooseyn ayaad dareemaysa? Ma anigaa qofka aad suaalaha aad waydiinaysid? Haa
adigaan ku waydiiyey. Xagee istusnimadayda ku aragtay? Marar badan ban arkay anigaana
ka marag ah! Ina adeerow waan gar qaadane bal iisheeg waxaad igu aragtay. Ma adigaan
wax kasta oo noloshaada quseeya soo dhigin barahaaga internetka? Mayee waan soo
dhigaa! Maxaase ku jaban hadii aan midaa iyada ah sameeyo? Muxuu yahay ujeedka dhabta
ah ee aad uso dhigtid? Wa un iska jeclahay ee wax kale ugama jeedo. Haye. Noloshaada
kuu gaarka ah sida meelaha aad booqatid xafladaha aad xaadirtid maxaad uso
dhigtaa? Taasi wax wayn maaha qosol iyo farxad ayaana ka raadiyaa. Haa hadaad
timid halkan ubaahnaa.
Sidee farxad iyo rayn-rayn ugu dareentaa wax aan kula joogin ama markaas aadan maqlay ama daawnayn? Wallaahi ma garanayo laakin wa wax iska caadi ah ani ahaantayda dadka oo dhan ayaana sameeya. Iska ilow dadka! Iska ilow Af maahe dhaliil ha iiga dhigin midaas. Haye. Mid kalaan ku waydiin. Maxaad gabadha aad wada haasawdaan aad maalintii timaadaba noo tustaa ma anagaa kula guursanayna mise waajib lagu saaray oo aad gudanaysid weeye marka aad sawiradeeda tusaysid dadka? Saaxiibtay inaan soo dhigo cidna uga haybaysan mayo hadise aad iwaydiisay muxu yahay ujeedka aad uso dhigtid wax kale maahe jacaylka aan isu qabno ayaa ku siyaadaya markastoo ay aragto inan ku faanayo iyada.
Halkaa ii jooji saaxib waxan ku waydiiyey
ma heli wayday wado kale oo aad kalsoonida iyo jacaylka aad isu haysaan aad ku
kordhiso oo aan ahayn midan? Waan hayaa laakin midaan ayaa ufiican. Fiicnaanta midan
aad ku sheegtay maxay taha? Dadka iigu jira ayaa arkaya halka uu gaarsiisan
yahay xiriirkeenu. Waa kow. Dadkaas inay ku arkaan miyaad qanaaco ku dareemaysa
saaxib? Haa midaas qanaaco ka wayn maba jirto adiga iyo saaxibta oo bulshado dhan
idin hadal hayso maxaa ka wayn wa waxba.
Markaa hadaad waydaan dad idin hadal haya kawarama? War cuqdaa iyo cawradaaye
hana habaarin! Oo ma anaa ku habaaray saaxib suaal caadi ah ban ku waydiiyaye. Ma
suaal ba hadii dad idin arka la waayo macnaheedu saw maaha wa dadkoo dhan oo
cadaw idinku noqda. Maya shaydaanka iska naar saaxiib sidaa ulama jeedo.
Maanta ogaaday
inaad cadaw nagu tahay aniga iyo dumaashida. Kaw! War haynabin anaaba kula
taagan oo kuleh kama xumi. War iyo dhamaantii intaanan shaabada cadawgeena……. War
bal shaydaanka iska naar ma sidan oo dhan bad dhinaca xun ugu fikirtaa. Kama
wadin sidaas hadaadse sidaa ufahantay waan kaa raali galinaya saaxiib. Bes halkaa
inoogu xir.
War sawtan
la wada wareeray ee qof walbaahi isu haysto inuu yahay boqorkii kali ahaa ee
koonkan joogay bal muxuu ninkaan miskiinka ah ee gabar aanu wali guursan ii
leeyahay kala tageena jeclaan lahayd. War inleyn balo. Oo maxan ula yaabaya sow
maaha ninka yiri dadku inay arkaan jacaylkaan isuqabno ayaan muuqaaladena iyo
sawiradeena usoo dhigaa baraha bulshada. Anaase kasii waalan oo afaarihiisa
galay bal maxa afaarihiisa igashay. Anaga yaab aragnay. Umadiiba waa wada wax
kale ismood bal maxaa micno ah oo kujira in aan tuso dadka waxa ii gaarka ah
miyaanan markaas noqonayn istus istus dhalay. Waase gartood oo dad aan ilaalin
ama la socon hadii laheli lahaa ma iyadaaba waxan dhici lahaayen. Malahayga maya.
Talow madhihi
karnaa wa dad xanuusan. Oo maxay u ahaan waayen dadka intaas oo dhib ah umaraya
in ay qanciyaan dadka kale sidee u caafimaad qabaan. Laakiin
waxay is waydiintu tahay xal caafimaad ma loo heli karaa dadka noocaan ah ee caalamyada
aynaan garanayn lahaysta. Malahayga haa oo Ilaahay sow ma oran cudur ma aynaan
keenin ilaa daawadiisa soo raacinay. Oo kaalay intaan waydiintaasi imaan waxaa
kasii muhiimsan inan is waydiiyo halkee dadkaan ka keenen cudurkaan sideese ugu
dhacay bal ugu yaraan hadaanan wax kalaba iyaga tari karin aan ka digtoonaado e’.
Wagarey wagar. Ma fayras la isku gudbiyaa? Ma caabuq jirka inta galo ku dhex
samaysa ba? Mise wa nooc kale oo aynaan garanayn? Mooji. Ilaahow adaan kaa
magan galay inuu igu dhaco cudur noocaas ah.
Waxaase la
yaab ah in dadka uu hayo cudurkan ayba isku haystaan dad aanay waxba kaqaldanayn
bal e’ dadka kale ka fiican dhinac kasta marka la barbar dhigo umada kale e ay la
nool yihiin. Oo ma ninkii hadeer wixii xil-le lahaa miyaa laga dhaadhicin karaa
waad xanuusan tahaye is dawee. Waaba markuu i oran lahaa igasoo gar bax maalin
kasta hadal aanan kaa mudnayn bad idhahdaaye. Alaylehe waad xanuusan tahay inaad nin
halkiisa maraya ku tiraahdo Af nin wayn maaha.
Waxaase kasii
daran baraarugga bulshadu inuu aad u hooseeyo. Oo hadaanu hoosayn ma sidaas ba
looga wada aamusi lahaa dhibaatan dadkii oo dhan wada haysata. Weliba berigii
hore dhalinta oo kaliyey ku koobnayde markan dadkii wawayna ayaa ku biiray oo
foolaadka hore ah. Oo kaalay ama anigu dadka ka duwanahay? Macquul. Markan oo
kale Soomaalida aan ka dhashay waxay dhihi jireen ma anaa waalan mise Cadan baa
laga heesayaa. Kay tahaba waxa hubaal ah in qof dadka kale dareen kooda
raadinaya uusan ahayn qof caafimaad
dhamaystiran qaba. Oo talow diintu maxay ka tiri dadka noocan ah ilayn
diinteenu way dhamaystiran taho waa
iyada Ilaahay yiri “Al yawma akmaltu lakum diinakum”. Wadaadada mala wadaaga bal
inay ila arkaan dhibtaan soo korodhay waayadan Intarnaydku xawliga inagu soo
gaaray. Maxaanse wadaad miskiin ah ka waydiin awal bay kuwa badan oo wax
magarata ahi ka laalaaden wadaada daas shaqada fiican uhaya bulshadee.
War kaalay
armaa aniga santaan iyo kibir igu jiraa oo kaligii saxane aan noqday ama aan
isku mashquulinayaa waxaan dan aduunyo iyo mid aakhiro iigu jirin! Oo ma
aduunyadan maalayacnigu kusoo batay dadkiina ku dhex jiraan maala yacnigaas ban
ka duwanaanaya xitaa hadaan wax khaldan qabanayo. Kama duwani dadkaas kale
laakiin macquul ma tahay in qudhaydu aan wadadii galay oo aan ka baqanayo waxa
dadka kale i oran doonan markan arintan khatarteeda leh baraarujiyo ilayn farqi
wayni uma dhaxeeyo qofka ka baqa waxa dadku dhihi doonan iyo ka dareenka dadka
jecel inay kuso jeestaane. War maya maya arintaan dadka qofkaan arkaba waan la
wadaagi si ugu yaraan dadku ugu baraarug sanaadan cudurkaan faraha kulul inagu
haya. Hadaba aan cidlada ka dhaqaaqo oo aan uhawlgalo arinkaas isaga ah.
16 Comments
ar