Safarkii kediska ahaa 12

 

Hadaba qaabka baxsadku side noqon doona? Seeska xerada ee aadka udheer oo lagu daray baraha baaritaanada ayaa adkaynaya qorshahooda baxsi waase maquustayaal oo sideebaysan maquustayaal u ahayn hadiiba ay xaliyeen mushkiladii ugu weyneyd taasi oo ahayd inay helaan qof banaanka jooga kaas oo u fududeeya uga bixida xerada si dhamaystiran. Maskaxda ayey shiilayaan hurdana majirto waayo waxay og yihiin in hal xiraalaha sugaya uu yahay mid aan fududayn hal qalad oo ay galaana wuxuu wax kama jiraan kasoo qaadaya wixii ay bilaha soo dhisayeen hadii hawsha noocaas ahi  sugayso miyaanay gar ahayn inay hurdadiiba ay haleeli kari waayan. Marka se laba maskaxood ay udhaqaaqaan soo shiilitaanka arinka noocan oo kale ah wax badan qaadan mayso in lahelo xallka sida ugu haboon ee looga bixi karo goobta sida xeradan oo kale ah.

 

Isu imaatinkoodii maalintii xigtay ayaa halkoodi kasii socday Daahir oo isu arka ninka la’ aantii qorshuhu halkan soo gaaren ayaa qaatay hadalka wuxuu bilaabay sharaxaad dheer isaga oo kala dhig dhigay sida uu xalku ula muuqdo. Qorshaha aan soo karkariyey ee aan wato wuxuu uqaybsama sadec qaybood kow Abuu Fawzi inan kabari yeelno tuhun kasta oo soo gali kara isaga si midaa iyada ah aan usamaynana wa inaan isku daynaa inaan daloolino darbiga  xerada si ay marin habaabin unoqoto. Laba wa wakhtiga sababta wakhtiga in aan ubadalno ay muhiimka inoogu tahay wa in baraha lagu baaro gaariga ay xiliyada danbe ee habeenka aanay aad ufeejignayn sidaas darteed ayaan xal ugu arkay in Abuu Fawzi aan amar kusiino in uu hore usoo galo xerada. Sadex marka uu yimaado gaarigu ayaynu banaanka qololka ugaso baxayna dabadeed iyadoon cidi ina arag ayaan agagaarka gaariga ku dhuumanaynaa halka marka ay joogto ayaan gaariga sariirtiisa ka danbaysa darawalka galaynaa isku qarinta sariirta danbe ee gaariga waxan ku doortay labo qodob midi wa inaan cidina ka shakinayn in halkaas qofi ku jiro mida labaadina wa in xitaa hadii layr lagusoo ifiyo aan ku dhuuman qaybta hoose sariirta. Warsame oo dhagaysanayey sharaxaada Daahir ka bixinayey sida uu u arko xalka ayaa ugu dambayn ku raacay fikirka Daahir wuxuuse dib uwaydiiyey macquul ahaanshaha in darbiga ay dalooliyaan iyaga oo aan haysan wax qalab ah. Waa macquul Daahir ayaa yiri isaga oo daba socda suaasha uu saaxiibkii ka keenay macquul ahaanshaha inay darbiga dalooliyaan. 


Dood baa halkaa ka dhalatay wa Warsame oo aamisan inaanay si naba macquul ku ahayn in darbiga ay dalooliyaan wuxuu daba dhigay hadalkiisa dhawr xaaladood oo waaqaca xerada ka jira darteed aysan suurtogal ahayn. Wa mide mahaysano qalab inagu filan waata labaade darbigu wuxuu kuyaala meel aan qarsoonayn oo cid kastaaba arki karto mida kale hadii ujeedka ugu wayn ee aad marin habaabintaas aad udoonayso ay tahay in saaxiibken Abuu Fawzi uu bari ka noqdo arintan waxan samayn karnaa wadooyin kale oo ka fudud midan aan macquulka ila ahayn. Kawaran hadii aan lacagta u kordhino si uu wadankiisa dib ugu noqdo qoyskiisana dib uu ula midoobo?  Wa caadi waase inaan ubandhigo markii hore isaga waxan isku ogayn inan darbiga daloolin doono hadiise ay noqotay mid aan suuroobayn wa lama huraan inan war galiyo mana garanayo waxa uu dhihi doono Daahir ayaa yiri.


Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaliyed



Hadii ay udhawdahay in uu dhibsan doono goaan ka aan gaarnay lagana yaabo awaran hadaad u sheegtid in aad darbigii daloolisay markii aan banaanka tagnana usheegno runta Warsame ayaa sidaa ku hal celiyey Daahir oo laba labaynaya ayaa ku war celiyey sidii xalku noola muuqdo ayaan samaynayna hadii Alle ogolaado. Wuxu wacay Abuu Fawzi wuxuu war galiyey in ay diyaar garoobeen qorshahoodiina dhamaystiran yahay markana hawshu dhiniciisa tahay oo wakhtigii ay hore ugu balameen in uu yimaado ay tahay. Qorshihii daloolinta  darbiga ayuu wax ka waydiiyey suaashas waxay uga dhignayd sida falaar gigiman oo inta mariid lagu xardhay laabta lagala haleelay markaasu ka war wareegay inuu toos ogaga jawaabo wuxuu ku jawaabay war aan cadayn oo haa iyo maya mid koodna ahayn. Oo sow gar maaha in uu ka war wareego marba haduu ka leexday wixii ay isku ogaayen dhanka kalena damiirkiisu udiidayo in uu beenta afka ka dhawro? Malahayga haa.

 

Abuu Fawzi inkasta oo aanu ku uursamaan jawaabta Daahir hadana ma sii qod-qodin waxa dhiman hal maalin oo kali iyaguna waxay bilaabeen la xiriirka ninka dulaalka aha iyo Raage oo jooga Istanbuul ugu danbayna waxaa la gaaray maalinimadii ay habeenka bixi lahaayen waxayna bilaaben in si doqoni magaratay ah ay umacasalaameeyan asxaabtooda si ka duwan dadka kale ayey saaxib kood Maxamud ugu tageen waxay uga mahadceliyeen wax kasta oo uu usameeyey ugu danbayna waxa lagaaray wakhtigi se labadoodu isku qol ma degana mana haystaan moobil ay kawada xiriiraan waa ayeyse ka baaran dageen oo waxa ay ku balameen marka ay tahay inuu Warsame soo baxo in uu wici doono Abuu Fawzi si uu hoonka gaariga uyeeriyo Warsame na marka uu maqlo baaqaas uu garowsado in uu kasoo baxo qolkiisa isla markaana uu Daahir ugu tago irida qolkiisa halkaana ay iska raacaan sidaa ayaana dhacday kolkii ay is heleen waxay si dhuumaalaysi xeeladaysan ah ku ag yimaaden meel aan ka dheerayn gaariga inkasta oo garaaca wadnahoodu sareeyey xaalada ay ku jiraan aawadeed hadana waxay isu arkayeen rag talaabo ujira ka dhabaynta wixii ay mudaba nawilayeen umase jiraan wax sidii ay filanayeen oo hadii markii hore ay is lahaayen wakhtiga uu gaarigu imaanayo hadaad soo hormarisaan waxaa yaraan doona ilaalada gaariga ka ag dhaw hada sidaa maaha. Markii hore waxay u ekeyd  inuu shaqeeyey laakin khaladka ugu wayn waxxay galeen markii ay Abuu Fawzi ku amreen in uu hoonka yeeriyo taas oo laga maarmi karay ciidan badan ayaa hoonka maqlay kuwaas oo qaar kamid ahi indha indhayn ugu yimaadeen gaariga. Markaas bay ka qoomamooden inay qaadeen talaabadaas ho day. Wakhtigii baa dheeraaday ciidankiina aagga gaariga ayuu tuban yahay iyagiina inay horay usocdaan oo gaariga u dhawaadaan ha joogtee waxay markan ka dhuumanayaan askarta qaar agtooda maraysa. 


Indhahaa badane ma iska laabana ayey si xuuraansi ah isku oranayaan oo ma inagaaba barta aan joogno dhinacna ugu dhaqaaqi karna aynu is adkaynu. Kolkii saxmadii kala yaraatay gaarigiina laga dajiyey rarkii ayaa rajo soo gashay Abuu Fawzi wan in xariif ah wuxuu si ku tala gal ah ufuray daaqadii gaariga ee qaybtooda xigtay intii rarka la dajinayey dabeedna dhinaca suuliyadu xigaan ayuu inta qaar ciidanka kamid ah ula baxay halkaas uga bilaabay sheeko.

Waaba iska baraad la yihiin oo war ma hayaan ciidankii Daahir iyo Warsame na waxay is tuseen in mid kood marka hore aado dhinaca gaariga ka kalana uu danbeeyo. Yaase ku dhaca inuu u bareero khatarta intaas le eg? Marba mid ayaa leh iga horee hadii waxyar la joogayba Warsame qaatay doorkan inuu hogaamiye noqdo wuxuu aayar dhuukiyaba wuxuu gaaray daaqada gaariga kadibna Daahir ayaa soo galay markiiba iyaga oo aad ufaraxsan ayey ubaaqeen Abuu Fawzi baaqaasi wuxu ahaa wicitaan Abuu Fawzina inta uu judhiiba fahmay ayuu soo macasalaameeyey kooxdii askarta ahayd ee uu sheekada uwaday. Markuu soo galay gaariga ayuu amray in ay kuraasta hoostooda galaan si aan loo arag inta ay ka dhamaanayaan xerada markii uhoraysayba waxay soo gaaren bartii baaritaan ee u horeysay si dhib yar oo aan dhib badnayn ayey uga gudbeen tii labaadna sit ii hore lamid ah waxaase amuur noqotay markii ay soo gaareen bartii baaritaan ee ugu danbaysay ee ay baartitaanka xerada uga bixi lahaayeen.

 

Neef wayn bay qaaten iyaga oo dhab u dhididaya. Askarigii baarayey oo aad u yaqaanay Abuu Fawzi ayaa ka yaabay sida uu Abuu Fawzi u dhidid san yahay isaga oo aan hore ugu aqoon dabeecadan. Isaga oo aan waxba sii baarin gaariga ayuu waydiiyey waxa dhididkan ka keenay isaga oo sida uu unaxsan yahay raba in uu qariyo ayu ku jawaabay alaabta ayaan qayb ka dajinayey maadama caawa aan horay u imid. Jawaabtaasi Abuu Fowzi oo kali ah neefta kamaso saarin. Waad socon kartaa ayuu askarigii ku yiri Abuu Fowzi oo garaaca wadnihiisu heer sare uu marayo waxa uu ubaqayo wax kale maahe wa khiyaamada uu ugaysanayo saaxiibadiisa ciidanka ah ee aaminay.

Post a Comment

10 Comments

Hawa said…
Abuu fawzi xoga wuu yara badbadaye talow daahir iyo warsame maxay kudanbayn donan kk khiyaamo khayr maleh wacde bal aan sugno qaybt 13aad
Hawa said…
Abuu fawzi xoga wuu yara badbadaye talow daahir iyo warsame maxay kudanbayn donan kk khiyaamo khayr maleh wacde bal aan sugno qaybt 13aad
Hawa said…
Kkk Abuu Fowzu wuu yara badbadaye talow xagay kudan,bayan donaan Daahir iyo Warsame khayaamo khayr maleh wacde bal aan sugno qaybta 13aad
runabil.com said…
Talow maxa baxsashada xigi doona.
runabil.com said…
Miskiinka darawalka ah waaga ku baryi doona.
Daily Waano said…
Ma tahriibi doonaan mise wa la qaban doona.
Daily Waano said…
Xagee darawalku ku danbayn doonaa?
Hiigsi said…
Waxan la yaabanahay waxa ku dhici miskiinka suuriynka ah ee darawalka ah.
it'sme said…
Ma sidaas bay ku dhamaatay sherkadu.
queen said…
Waaw sheekadaan wa mid cajiib ah