Isticmaalka moobilku wa qayb kamida nolosheena waxaana uu inoo qabta shaqooyin badan oo aan lasoo koobi karin oo faaido inoo leh. Moobilku dhanka kale si dabiici ah waxa uu leeyahay dhinac wanaagsan iyo dhinac aan wanaagsanayn qormadeena waxay si gaar ah u abaaraysa sida aad uga takhalusi kartid saamaynta daran ee uu leeyahay isticmaalka badan ee mobilka. Isticmaalka badan ee moobilka waxa uu saamayn caafimaad oo daran gaarsiiya maskaxda iyo indhaha qofka. Hadaba halkan ayaan idin kula wadaagaya sida ugu fiican ee aad uga takhalusi kartid aafadan daran ee ina haysata.
Inta aad akhrinayso maqaalkan waxa laga
yaaba in marar badan kugu soo noqnoq daan kuso noqoshada xaalada caadiga ah. Hadaba
waxyar aan sawiro ama ka sheekeeyo waxa aan ula jeedo kusoo noqoshada xaalada caadiga
ah.
Sida caadiga ah marka aynu qabatino isticmaalada
dhinaca xun ee aaladaha casriga sida moobilka waxa inagu yaraada wax badan oo
qofka insaanka ah uu ubaahan yahay dhanka kalena waxa inagu bata dabeecado ama
waxyaalo aan haboonayn oo dabeecadaheena iyo dad la dhaqan keena saamaynaya. Qabatinka
isticmaalka moobilku waxa ugu horeysa ee ay saamaynayso wa indhaheena aan wax
ku aragno qodobkani wa muhiim.
Isticmaalka faraha badan ee moobilka
waxyaalaha inoo sahlaya waxaa kamid ah indhaheena oo ah xubin qaali ah shucaaca
kasoo baxay mobilka waxa uu waxyeelo ugaystaa indhaha qofka dhanka kalena baaritaan
la sameeyey ayaa lagu ogaaday in qofku marka uu wax daawanayo uu il miriqsi
sameeyo todobo mar oo kali ah daqiiqad walba sida caadiga ahna qof walbaahi
waxa loogu talagalay inuu il miriqsi sameeyo labaatan iyo labo jeer daqiiqadii.
Yaraanta ay yaraanayso il miriqsigii lagaa rabay waxa macnaheedu yahay in
indhahaaaga ay ku imaanayaan qalayl badan maadama aad inta jeer ee aad il miriqsatay
ay ka yartahay intii lagaa rabay.
Dhanka kale wakhtiga badan ee aynu ku
bixino muuqaalada aan ka daawanayno mobilku waxay inagu sababayaan in uu
yaraado dulqaad keena shaqo. Mararka qaar waxaa caadi ah inaynu aragno arday ka
cabanaysa inaysan udulqaadan karin layliyada iyo casharada jaamacada ama iskuulka
taasi ma waxay macnaheedu tahay inay bateen duruustii ay qaadanayeen dabcan
maya waxa isbadalay wa dul qaadkii iyo fahamkii ardaydii oo noqday ama tagay halka
ugu hooseysa.
Waxaa xusid mudan in qofka qabatimay
isticmaalka moobilka ay yaraanayso dhexgalidiisa bulshada iyo dad la dhaqan kiisa
taasi oo keenaysa inuu qofku galo xaalad kali socod ah ama waxa afka Ingiriisiga
lagu yiraahdo isolated. Xaaladaas ay ku sababtay isticmaalka faaraha badan ee
moobilku wa mid inta badan sababi karta in qofku lasoo baxo dabeecado xanaaq
iyo dagaal ah maadama uu dhibsanayo wax kasta oo hareerihiisa ka dhacaya. Xaaladahaas
qofku marka uu dhex ma quuranayo ma lagu tilmaami karaa inuu yahay qof caadi ah
ama ku jira xaalad dabiici/caadi ah? Jawaabtu wa maya. Nidaamka iyo habka uu
umarayo kasoo noqoshada xaaldaas aan caadiga ahayn inbadan dadku waxay uyaqaanan
kusoo noqoshada xaalada caadiga ah.
Anigu waxan kamid ahaa dadka ay
haysato aafadaas daran ee inbadan oo dhalinta da’dayda ah ay wajahayaan inkastoo
aanan sidii hore ahayn hadana wali wixii aan niyada kuhayey iyo halkii aan hamiyey
magaarin waxaanse halkan idinkula wadaagaya talaabooyin aan qaaday kadib markii
aan goaan saday kakhalusida xaaladaas daran. Waxaana rajaynaya inaad waxuun ka faaiidi
doontaan hadii Allaha awooda lihi ogolaado.
Si aad uga takhalustid ku dhafarka iyo
isticmaalka faraha adan ee moobilka raac qodobadan hoosta ku xusan.
1. Dareen inaad xaalad khatar ah ku jirtid hadii wakhti
badan aad kubixiso iscmaalka moobilka
In aad dareentid xaalad caadi ah adiga
oo dhex jooga xaaladan khatarta ayaa ah musiibo kale oo ubaahan inaad ku
baraarugtid. Sababta aan qodobkan uga dhigay midka koowaad wa in bulshadeena siiba
dhalinyaradu aanay ku baraarugsanayn dhibaatada xaaladan dhanka kale waxaa
jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahda war lahelyaaba tala la hel oo
macnaheedu tahay markii aad xog heshid ayaad xalka gaari kartaa sidaas darteed
wa kuu muhiim marka horeba inaadan iska indha tirin dhibaatadan oo aad garawsatid
goor hore.
2. Kasaar moobilkaaga Apps-ka aan faaiidada kuu
lahayn.
Maxaan ula jeeda ka takhalus Apps-ka
aan faaidada kuu lahayn si fudud wa iska saar Apps-ka aan kuu siyaadinayn wax ku
anfacaya. Tusaale hadaad isticmaashid Tiktok Facebook ama Instagram dhanka
kalena aadan waxba kusoo gudbin kasaar moobilkaaga inta aad ku jirtid marxalada
caadi kuso noqoshada. Hadii aadan samayn karin midaas ugu yaraan wa inaad
yarayso isticmaalka Apps kaas si kasoo kabashada xanuunku ay kuugu fududaato.
3. Joogtee haba yaraato e’.
Isku day markasta inaad joogtaysid caadadii
aad bilowday macnaheedu waxay tahay hadii aad dareentid niyad jab ku aadan
inaadan dhaqan galin goaan kaagii iskuday in aad samaysid xitaa haba yaraate
laakin aad joogataysiisid.
Aadame ahaan ma nihin dhamays khasabna
maaha in waxkasta aad sidii uqorshaysay usamaysid way dhacayaan khaladaad
laakin ku dadaal joogtaynta waxaas. Hadii aad aragtid in aadan ka maarmin ku
noq noqashada waxyaalahaas maala yacniga kaliya ku dadaal inaad saacado kooban
aad hakiso galida Apps kaas.
4. Isbar in aad moobilka uga tagtid guriga.
Tani macnaheedu waxay tahay in si aad
naftaada uguso celisid xaalada caadi ahaanshaha aad ka dheeraatid moobilka si wakhti
fiican aad ugu heshid naftaada aadna ula
shawrtid. Marar badan midaas way inagu adag tahay oo waxaa caadi ah in qofku
aanu socon karin bilaa moobil ama dadka qaar layaab la ahayn in qofku uu ku
mashquulsanaado moobilkiisa isaga oo dad ku dhexjira ama kaligii meel fadhiya.
5. Usamee wakhti isticmaalka moobilka
Qodobkan aad buu muhiim ugu yahay
qofka raba inuu kusoo noqda xaalada caadi ahaanshaha inta badana inagu ma nihin
qaarka goaamiya marka ay isticmaalayaan moobilka taa badalkeeda waxa marar
badan ku kadsoona inaga oo qorshaysanay inan qabano shaqo hadana aynu
baraarugno inaga oo dhex taagan mawjado walwal iyo walbahaar ah maadama aysan
inoo qabsoomin shaqadii inoo taalay. Waxa sababay inan mushkiladaas dhex
istaagnaahi way cadahay! Wa moobilka oo aan ku luminay saacado farabadan waliba
ay udhowdahay ama ubadan tahay inan daawanaynay wax aan nolosheena waxba kusoo
kordhinayn.
Inahaas ayaan kusoo koobaya sida iyo
siyaalaha aad iskaga yarayn karto isticmaalka faraha badan ee aan isticmaalno moobilka.
Hadii aad hayso talooyin ku aadan sida aan iskaga yarayn karno aafadan inagu
habsatay qaybta fikirka inoogu soo qor.
Qalinkii Liban Mohamud Nur.
26 Comments
Sariirta Aan Seexdo dusheeda Waxaan Ku Qortay
Mobelka istic Maal Adigu
Lakiin Yuusan Ku istic Maalin Mobelka isago
Aniga Ayaa Waxaan Rabo Ka Daawada Hadda Mobelka Saacadan Rabo Waan iska dhaafa
Awal Hore Waxaan Ahaa Mid Uu istic Maalo Mobelku Oo Aan Xor Ahayn (Alhamdulillah)
Hadii Aad iska Yarayn Waydan Mobelka Waxaad Baran Caadoyin Aan Waanagsanen Oo Adan Waliga Hadii Aad Sii Noolato Adan iska Jari Karaynin Marka Liiban Mahad Sanid Adiguna Walal ✊
Sariirta 🛌 Aan Seexdo dusheeda Waxaan Ku Qortay
📱Mobelka istic Maal Adigu 🫵🏽
Lakiin Yuusan Ku istic Maalin Mobelka isago 📲
Aniga Ayaa Waxaan Rabo Ka Daawada Hadda Mobelka Saacadan Rabo Waan iska dhaafa
Awal Hore Waxaan Ahaa Mid Uu istic Maalo Mobelku Oo Aan Xor Ahayn (Alhamdulillah)
Hadii Aad iska Yarayn Waydan Mobelka Waxaad Baran Caadoyin Aan Waanagsanen Oo Adan Waliga Hadii Aad Sii Noolato Adan iska Jari Karaynin Marka Liiban Mahad Sanid Adiguna Walal ✊🏾