Sidee iskaga yareyn kartaa isticmaalka moobilka?

Isticmaalka moobilku wa qayb kamida nolosheena waxaana uu inoo qabta shaqooyin badan oo aan lasoo koobi karin oo faaido inoo leh. Moobilku dhanka kale si dabiici ah waxa uu leeyahay dhinac wanaagsan iyo dhinac aan wanaagsanayn qormadeena waxay si gaar ah u abaaraysa sida aad uga takhalusi kartid saamaynta daran ee uu leeyahay isticmaalka badan ee mobilka. Isticmaalka badan ee moobilka waxa uu saamayn caafimaad oo daran gaarsiiya maskaxda iyo indhaha qofka. Hadaba halkan ayaan idin kula wadaagaya sida ugu fiican ee aad uga takhalusi kartid aafadan daran ee ina haysata.

 

Inta aad akhrinayso maqaalkan waxa laga yaaba in marar badan kugu soo noqnoq daan kuso noqoshada xaalada caadiga ah. Hadaba waxyar aan sawiro ama ka sheekeeyo waxa aan ula jeedo kusoo noqoshada xaalada caadiga ah.

Sida caadiga ah marka aynu qabatino isticmaalada dhinaca xun ee aaladaha casriga sida moobilka waxa inagu yaraada wax badan oo qofka insaanka ah uu ubaahan yahay dhanka kalena waxa inagu bata dabeecado ama waxyaalo aan haboonayn oo dabeecadaheena iyo dad la dhaqan keena saamaynaya. Qabatinka isticmaalka moobilku waxa ugu horeysa ee ay saamaynayso wa indhaheena aan wax ku aragno qodobkani wa muhiim.

Isticmaalka faraha badan ee moobilka waxyaalaha inoo sahlaya waxaa kamid ah indhaheena oo ah xubin qaali ah shucaaca kasoo baxay mobilka waxa uu waxyeelo ugaystaa indhaha qofka dhanka kalena baaritaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in qofku marka uu wax daawanayo uu il miriqsi sameeyo todobo mar oo kali ah daqiiqad walba sida caadiga ahna qof walbaahi waxa loogu talagalay inuu il miriqsi sameeyo labaatan iyo labo jeer daqiiqadii. Yaraanta ay yaraanayso il miriqsigii lagaa rabay waxa macnaheedu yahay in indhahaaaga ay ku imaanayaan qalayl badan maadama aad inta jeer ee aad il miriqsatay ay ka yartahay intii lagaa rabay.

 

 




 

 

Dhanka kale wakhtiga badan ee aynu ku bixino muuqaalada aan ka daawanayno mobilku waxay inagu sababayaan in uu yaraado dulqaad keena shaqo. Mararka qaar waxaa caadi ah inaynu aragno arday ka cabanaysa inaysan udulqaadan karin layliyada iyo casharada jaamacada ama iskuulka taasi ma waxay macnaheedu tahay inay bateen duruustii ay qaadanayeen dabcan maya waxa isbadalay wa dul qaadkii iyo fahamkii ardaydii oo noqday ama tagay halka ugu hooseysa.

 

Waxaa xusid mudan in qofka qabatimay isticmaalka moobilka ay yaraanayso dhexgalidiisa bulshada iyo dad la dhaqan kiisa taasi oo keenaysa inuu qofku galo xaalad kali socod ah ama waxa afka Ingiriisiga lagu yiraahdo isolated. Xaaladaas ay ku sababtay isticmaalka faaraha badan ee moobilku wa mid inta badan sababi karta in qofku lasoo baxo dabeecado xanaaq iyo dagaal ah maadama uu dhibsanayo wax kasta oo hareerihiisa ka dhacaya. Xaaladahaas qofku marka uu dhex ma quuranayo ma lagu tilmaami karaa inuu yahay qof caadi ah ama ku jira xaalad dabiici/caadi ah? Jawaabtu wa maya. Nidaamka iyo habka uu umarayo kasoo noqoshada xaaldaas aan caadiga ahayn inbadan dadku waxay uyaqaanan kusoo noqoshada xaalada caadiga ah.

 

Anigu waxan kamid ahaa dadka ay haysato aafadaas daran ee inbadan oo dhalinta da’dayda ah ay wajahayaan inkastoo aanan sidii hore ahayn hadana wali wixii aan niyada kuhayey iyo halkii aan hamiyey magaarin waxaanse halkan idinkula wadaagaya talaabooyin aan qaaday kadib markii aan goaan saday kakhalusida xaaladaas daran. Waxaana rajaynaya inaad waxuun ka faaiidi doontaan hadii Allaha awooda lihi ogolaado.

 

Si aad uga takhalustid ku dhafarka iyo isticmaalka faraha adan ee moobilka raac qodobadan hoosta ku xusan.

1.     Dareen inaad xaalad khatar ah ku jirtid hadii wakhti badan aad kubixiso iscmaalka moobilka

In aad dareentid xaalad caadi ah adiga oo dhex jooga xaaladan khatarta ayaa ah musiibo kale oo ubaahan inaad ku baraarugtid. Sababta aan qodobkan uga dhigay midka koowaad wa in bulshadeena siiba dhalinyaradu aanay ku baraarugsanayn dhibaatada xaaladan dhanka kale waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahda war lahelyaaba tala la hel oo macnaheedu tahay markii aad xog heshid ayaad xalka gaari kartaa sidaas darteed wa kuu muhiim marka horeba inaadan iska indha tirin dhibaatadan oo aad garawsatid goor hore.

2.     Kasaar moobilkaaga Apps-ka aan faaiidada kuu lahayn.

Maxaan ula jeeda ka takhalus Apps-ka aan faaidada kuu lahayn si fudud wa iska saar Apps-ka aan kuu siyaadinayn wax ku anfacaya. Tusaale hadaad isticmaashid Tiktok Facebook ama Instagram dhanka kalena aadan waxba kusoo gudbin kasaar moobilkaaga inta aad ku jirtid marxalada caadi kuso noqoshada. Hadii aadan samayn karin midaas ugu yaraan wa inaad yarayso isticmaalka Apps kaas si kasoo kabashada xanuunku ay kuugu fududaato.

3.     Joogtee haba yaraato e’.

Isku day markasta inaad joogtaysid caadadii aad bilowday macnaheedu waxay tahay hadii aad dareentid niyad jab ku aadan inaadan dhaqan galin goaan kaagii iskuday in aad samaysid xitaa haba yaraate laakin aad joogataysiisid.

Aadame ahaan ma nihin dhamays khasabna maaha in waxkasta aad sidii uqorshaysay usamaysid way dhacayaan khaladaad laakin ku dadaal joogtaynta waxaas. Hadii aad aragtid in aadan ka maarmin ku noq noqashada waxyaalahaas maala yacniga kaliya ku dadaal inaad saacado kooban aad hakiso galida Apps kaas.

4.     Isbar in aad moobilka uga tagtid guriga.

Tani macnaheedu waxay tahay in si aad naftaada uguso celisid xaalada caadi ahaanshaha aad ka dheeraatid moobilka si wakhti fiican aad ugu heshid naftaada  aadna ula shawrtid. Marar badan midaas way inagu adag tahay oo waxaa caadi ah in qofku aanu socon karin bilaa moobil ama dadka qaar layaab la ahayn in qofku uu ku mashquulsanaado moobilkiisa isaga oo dad ku dhexjira ama kaligii meel fadhiya.

5.     Usamee wakhti isticmaalka moobilka

Qodobkan aad buu muhiim ugu yahay qofka raba inuu kusoo noqda xaalada caadi ahaanshaha inta badana inagu ma nihin qaarka goaamiya marka ay isticmaalayaan moobilka taa badalkeeda waxa marar badan ku kadsoona inaga oo qorshaysanay inan qabano shaqo hadana aynu baraarugno inaga oo dhex taagan mawjado walwal iyo walbahaar ah maadama aysan inoo qabsoomin shaqadii inoo taalay. Waxa sababay inan mushkiladaas dhex istaagnaahi way cadahay! Wa moobilka oo aan ku luminay saacado farabadan waliba ay udhowdahay ama ubadan tahay inan daawanaynay wax aan nolosheena waxba kusoo kordhinayn.

                                                         

Qabtinka mobilka iyo xalkeeda qaybta Youtube ka ayaa kadaawan kartaa.

Inahaas ayaan kusoo koobaya sida iyo siyaalaha aad iskaga yarayn karto isticmaalka faraha badan ee aan isticmaalno moobilka. Hadii aad hayso talooyin ku aadan sida aan iskaga yarayn karno aafadan inagu habsatay qaybta fikirka inoogu soo qor.

Qalinkii Liban Mohamud Nur.

Post a Comment

26 Comments

Ha dhagaysan said…
Waaw mawduuc muhiim ah ayaad wax kasoo qortay mahadsanid walaal.
Ha dhagaysan said…
Dadka ugu badan ee mushkiladan wajahaya wa dhalinyarada runtii.
Barako4 said…
sxb liban aad iyo aad ayaa u mahadsanthy wax badana wan ka faaiday qormadan aafadan ina hysatana waxan rajynaya inan isku meel uga soo wada jeensano dhamaanten idanka illahy☝️
Anonymous said…
TALO CAJIIB AH WLLE LIBAN
Daily Waano said…
Wa qodob muhiim ah runtii.
Daily Waano said…
Barnaamij yada noocaan oo kale ah.
Hawa said…
Waa qormo cajiib ah runtii aad bayna inoo samaysay dhalinyarteena
Hawa said…
Qormadan waxadba modaa inay aniga iga hadlayso cajiib
Hawa said…
Kumahasanid wlle sidaad nola wadagtay qormadan faida noleh wan rajayna inaan isbadl samyno insha Allah
Diamond said…
Runtii qodobkan wa mid aad muhiim u ah.
Diamond said…
Qof walba ayaa ubaahan talooyonkan.
runabil.com said…
Qodob muhiim ah weeye.
it'sme said…
Ku mahadsnid inaad nala wadaagtay arintan khatarteeda leh.
it'sme said…
Moobilku aniga dhibaato wayn buu igu hayaa runtii wa inaan iska jaro
it'sme said…
Dhibaato wayn ayaan wajahaynaa runtii.
Him..... said…
As a phone addicted this helps me alot
Marka Hore Liban Salam Caleykum!

Sariirta Aan Seexdo dusheeda Waxaan Ku Qortay
Mobelka istic Maal Adigu
Lakiin Yuusan Ku istic Maalin Mobelka isago
Aniga Ayaa Waxaan Rabo Ka Daawada Hadda Mobelka Saacadan Rabo Waan iska dhaafa
Awal Hore Waxaan Ahaa Mid Uu istic Maalo Mobelku Oo Aan Xor Ahayn (Alhamdulillah)
Hadii Aad iska Yarayn Waydan Mobelka Waxaad Baran Caadoyin Aan Waanagsanen Oo Adan Waliga Hadii Aad Sii Noolato Adan iska Jari Karaynin Marka Liiban Mahad Sanid Adiguna Walal ✊
Marka Hore Liban Salam Caleykum!

Sariirta 🛌 Aan Seexdo dusheeda Waxaan Ku Qortay
📱Mobelka istic Maal Adigu 🫵🏽
Lakiin Yuusan Ku istic Maalin Mobelka isago 📲
Aniga Ayaa Waxaan Rabo Ka Daawada Hadda Mobelka Saacadan Rabo Waan iska dhaafa
Awal Hore Waxaan Ahaa Mid Uu istic Maalo Mobelku Oo Aan Xor Ahayn (Alhamdulillah)
Hadii Aad iska Yarayn Waydan Mobelka Waxaad Baran Caadoyin Aan Waanagsanen Oo Adan Waliga Hadii Aad Sii Noolato Adan iska Jari Karaynin Marka Liiban Mahad Sanid Adiguna Walal ✊🏾
queen said…
Moobilku wuu fiican yhy dhanka kalana wxu wataa dhinac xun.
Anonymous said…
Mansh allah horey usoco wa tala wax ku ool ah wlle liiban
Rijaal said…
runtii qormadan wa mid faaidoyin badan leh
Muhammad said…
Wa talo wax ku ool ah walaal.
Muhammad said…
Wnkaga mhdcelinaynaa sida aad noola wadaagtay.