Darpa

 

Maxaad ka taqaan DARPA!

Ereyada DARPA  waxa loso gaabiyey The Defense Advanced Research Projects Agency oo macnaheedu yahay Hay'adda Mashaariicda Cilmi-baarista Sare ee Difaaca. Darpa wa wakaalada cilmi baarista hawada sare iyo tiknoolajiyadaha ee dhinaca milateriga Maraykanka taas oo rogta ama badasha wajiyada dhabta ah ee dagaalka. Waxaa lagu aas-aasay goaan uu lahaa aqalka Koongarayska Maraykanku sanadki 1958dii oo ku beegnayd xili madaxeedka madaxwaynihii 34 aad ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower.  Wa hay’ada hindistay interneydka, muuska kambuyuutarka, hanaanka aqoonsiga goobaha (GPS), diyaaradaha wax basaasa, iyo habka gantaalada caaqilka ah.

 



Lixdameeyadii Darpa waxay xooga saartay dhinacyada difaaca ee ka hortaga gantaalaha dhanka kalena waxay hindistay  qalabka meelaha fog ka arka gantaalaha waxayna hormarisay raadaarka qalabka lasocoshada iyo kormeerka oo hada adeegsadaan garoomada diyaaradaha caalamka sidaas oo kale waxay farsamayn libaax leh ka qaadatay kaalintoodii kaga aadanayd samayntii dayax gacmeedkii ugu horeeyey taariikhda ee sameeya odoroska cimilada dayax gacmeed kaas oo lagu magacaabi jiray Tayroos (Tiros).

 

Todobaatameeyadii Darpa waxay uqalab qaadatay tignoolajiyada xogta iyo tagnoolajiyadaha ku shaqeeya danabka kadibna sanadkii 1969 waxay bilowday mashruuc la oran jiray  Arpanet kaas oo ujeed kiisu ahaa isku xirka jaamacadaha iyo hay’adaha cilmi baarista talaabadaasi waxay dhanka kale ahayd unugii sababay soo if bixida intarneedka. Isla todobatameyadi Darpa waxay u jihaysatay horumarinta tagnoolajiyada difaaca cirka badda iyo dhulka hormarintaas waxaa ka dhashay hubka difaaca gantaalaha iyo hubka difaaca gujisyada iyo diyaaradaha casriga ah.


Sawirka xarunta dhexe ee wakaalada Darpa ee gobolka Virginia.


 

Hubka ugu muhiimsan ee Darpa ilaa aas-aas keedii wa qarsoodi dhamaystiran marna shaaca kama qaado ka hor hormarintiisa mudo dheer sidaas awgeed yaanay kadis kugu noqon marka aad ogaato in inbadan oo wax soo saarkeeda iyo guulaheeda ah oo maanta loo ogolaaday in dadwaynuhu adeegsado in la hindisay tobanaan sano kahor sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn o markii ugu horeysay la tijaabiyey intii uu socday dagaalkii Afgaanistaan sanadkii 2001. Sidaas oo kale hanaanka aqoonsiga goobaha ee GPS-ka lloo yaqaano waxa uu tijaabo ku jiray xiligii uu socday dagaalkii khaliijka sanadkii 1991. Majiro qof yaqaana waxa ay yihiin curisyada iyo hal abuurka Darpa ee uu xiligan milatariga Maraykanku ku tijaabinayo Ciraaq iyo Suuriya.

 

Miisaaniyada sanadlaha ah ee Darpa waxay gaartaa ilaa sadex bilyan oo doolar inbadan oo kamid ah miisaaniyadaas waxay ku bixisaa tijaabada  xitaa hadii suurtagalnimada tijaabadaasi ay ubadan tahay in ay fashilanto kama laba labayso inay ku bixiso kharash kasta oo ku baxaya. Mid kamida sababaha ugu muhiimsan ee guusha wakaaladu wa madaxbanaanida xad dhaafka ah ee ay siiso cilmibaarayaasheda si ay wax u hindisaan. Laakin mid kamida waxyaalaha layaabka iyo fajaca kuu keenaya ee kusaabsan wakaalada Darpa wa in sagaashan boqolkiiba  (90%) ku fashilanto tijaabooyin keeda taas oo macnaheedu yahay in horumarka maanta la noolnahay uu yahay natiijo toban boqolkiiba (10%) ka ah miisaaniyad dhan sadex bilyan oo doolar.

 

Dhammaan mashaariicda Darpa waxaa ka danbeeya hal ujeedo oo kali ah taas oo ah katakhalusida dhamaan cadawga Maraykanka ee xiligan iyo mustaqbalka sida muuqatana waxay Ameerika ka dhigtay kaalinta koowad ee dalka ugu horeeya dhinaca Tignoolajiyada oo qarnigan ah hubka ugu wayn ee lagu tartamayo iyada oo aysan ugu kicin miisaaniyad aad ubadan marka loo eego dhaqaalaha dowlad sida Maraykanka oo kale ah.

 

Waxa diyaariyey Liban Mohamud Nur.

Dec 7th, 2023. Nairobi, Kenya.

Post a Comment

9 Comments

Daily Waano said…
Marar badan ayaan is waydiin jiray cida sida rasmiga ah u ikhtiraacday intarntka lkn mantaa ogaaday.
runabil.com said…
Hayad gaalo oo la bunbuniyy wye bn umlyn sbbtoo ah intaan oo wax hal hayad maqaban karto
it'sme said…
Darpa maanta iigu hora runtii lkn in ay waxakan oo dhan ay ayada hindistay armay bunbunin thy un. anyway mhdsnid.
Hiigsi said…
Walaal booska sheekoyinka fiction noogu badal xogaha noocaan oo kale ah. Darpa maanta ayaaba maqalkeeda iigu horaysa.
Hawa said…
Wakaaladan waxba kama aqoon runtii lkn hada waxbadan ayaa ka bartay. Fadlan nooso badi mawduucyada okle.
Diamond said…
Xogaha nooso badi.
Ahmett said…
Xogaha wa la so dahysa liban so badi

Hawa said…
Mnsha Allah xogtan Darpa manta ayaba igu horaysa horay uma maqal wadku mahadsantahay sida quruxda badan aad nola sowadagtay
Diamond said…
Waligay ma maqal hay'adaan iyo wax kusaabsan waaba cajiib sida ay wax walba u alifayso.