Hadaba qaabka
baxsadku side noqon doona? Seeska xerada ee aadka udheer oo lagu daray baraha
baaritaanada ayaa adkaynaya qorshahooda baxsi waase maquustayaal oo sideebaysan
maquustayaal u ahayn hadiiba ay xaliyeen mushkiladii ugu weyneyd taasi oo ahayd
inay helaan qof banaanka jooga kaas oo u fududeeya uga bixida xerada si dhamaystiran.
Maskaxda ayey shiilayaan hurdana majirto waayo waxay og yihiin in hal xiraalaha
sugaya uu yahay mid aan fududayn hal qalad oo ay galaana wuxuu wax kama jiraan
kasoo qaadaya wixii ay bilaha soo dhisayeen hadii hawsha noocaas ahi sugayso miyaanay gar ahayn inay hurdadiiba ay
haleeli kari waayan. Marka se laba maskaxood ay udhaqaaqaan soo shiilitaanka
arinka noocan oo kale ah wax badan qaadan mayso in lahelo xallka sida ugu
haboon ee looga bixi karo goobta sida xeradan oo kale ah.
Isu imaatinkoodii maalintii xigtay ayaa halkoodi kasii socday Daahir oo isu arka ninka la’ aantii qorshuhu halkan soo gaaren ayaa qaatay hadalka wuxuu bilaabay sharaxaad dheer isaga oo kala dhig dhigay sida uu xalku ula muuqdo. Qorshaha aan soo karkariyey ee aan wato wuxuu uqaybsama sadec qaybood kow Abuu Fawzi inan kabari yeelno tuhun kasta oo soo gali kara isaga si midaa iyada ah aan usamaynana wa inaan isku daynaa inaan daloolino darbiga xerada si ay marin habaabin unoqoto. Laba wa wakhtiga sababta wakhtiga in aan ubadalno ay muhiimka inoogu tahay wa in baraha lagu baaro gaariga ay xiliyada danbe ee habeenka aanay aad ufeejignayn sidaas darteed ayaan xal ugu arkay in Abuu Fawzi aan amar kusiino in uu hore usoo galo xerada. Sadex marka uu yimaado gaarigu ayaynu banaanka qololka ugaso baxayna dabadeed iyadoon cidi ina arag ayaan agagaarka gaariga ku dhuumanaynaa halka marka ay joogto ayaan gaariga sariirtiisa ka danbaysa darawalka galaynaa isku qarinta sariirta danbe ee gaariga waxan ku doortay labo qodob midi wa inaan cidina ka shakinayn in halkaas qofi ku jiro mida labaadina wa in xitaa hadii layr lagusoo ifiyo aan ku dhuuman qaybta hoose sariirta. Warsame oo dhagaysanayey sharaxaada Daahir ka bixinayey sida uu u arko xalka ayaa ugu dambayn ku raacay fikirka Daahir wuxuuse dib uwaydiiyey macquul ahaanshaha in darbiga ay dalooliyaan iyaga oo aan haysan wax qalab ah. Waa macquul Daahir ayaa yiri isaga oo daba socda suaasha uu saaxiibkii ka keenay macquul ahaanshaha inay darbiga dalooliyaan.
Dood baa halkaa ka dhalatay wa
Warsame oo aamisan inaanay si naba macquul ku ahayn in darbiga ay dalooliyaan
wuxuu daba dhigay hadalkiisa dhawr xaaladood oo waaqaca xerada ka jira darteed
aysan suurtogal ahayn. Wa mide mahaysano qalab inagu filan waata labaade
darbigu wuxuu kuyaala meel aan qarsoonayn oo cid kastaaba arki karto mida kale hadii
ujeedka ugu wayn ee aad marin habaabintaas aad udoonayso ay tahay in saaxiibken
Abuu Fawzi uu bari ka noqdo arintan waxan samayn karnaa wadooyin kale oo ka fudud
midan aan macquulka ila ahayn. Kawaran hadii aan lacagta u kordhino si uu wadankiisa
dib ugu noqdo qoyskiisana dib uu ula midoobo? Wa caadi waase inaan ubandhigo markii hore isaga
waxan isku ogayn inan darbiga daloolin doono hadiise ay noqotay mid aan
suuroobayn wa lama huraan inan war galiyo mana garanayo waxa uu dhihi doono Daahir
ayaa yiri.
![]() |
Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaliyed |
Hadii ay
udhawdahay in uu dhibsan doono goaan ka aan gaarnay lagana yaabo awaran hadaad
u sheegtid in aad darbigii daloolisay markii aan banaanka tagnana usheegno
runta Warsame ayaa sidaa ku hal celiyey Daahir oo laba labaynaya ayaa ku war
celiyey sidii xalku noola muuqdo ayaan samaynayna hadii Alle ogolaado. Wuxu wacay
Abuu Fawzi wuxuu war galiyey in ay diyaar garoobeen qorshahoodiina dhamaystiran
yahay markana hawshu dhiniciisa tahay oo wakhtigii ay hore ugu balameen in uu
yimaado ay tahay. Qorshihii daloolinta
darbiga ayuu wax ka waydiiyey suaashas waxay uga dhignayd sida falaar gigiman
oo inta mariid lagu xardhay laabta lagala haleelay markaasu ka war wareegay
inuu toos ogaga jawaabo wuxuu ku jawaabay war aan cadayn oo haa iyo maya mid
koodna ahayn. Oo sow gar maaha in uu ka war wareego marba haduu ka leexday
wixii ay isku ogaayen dhanka kalena damiirkiisu udiidayo in uu beenta afka ka
dhawro? Malahayga haa.
Abuu Fawzi inkasta oo aanu ku uursamaan jawaabta Daahir hadana ma sii qod-qodin waxa dhiman hal maalin oo kali iyaguna waxay bilaabeen la xiriirka ninka dulaalka aha iyo Raage oo jooga Istanbuul ugu danbayna waxaa la gaaray maalinimadii ay habeenka bixi lahaayen waxayna bilaaben in si doqoni magaratay ah ay umacasalaameeyan asxaabtooda si ka duwan dadka kale ayey saaxib kood Maxamud ugu tageen waxay uga mahadceliyeen wax kasta oo uu usameeyey ugu danbayna waxa lagaaray wakhtigi se labadoodu isku qol ma degana mana haystaan moobil ay kawada xiriiraan waa ayeyse ka baaran dageen oo waxa ay ku balameen marka ay tahay inuu Warsame soo baxo in uu wici doono Abuu Fawzi si uu hoonka gaariga uyeeriyo Warsame na marka uu maqlo baaqaas uu garowsado in uu kasoo baxo qolkiisa isla markaana uu Daahir ugu tago irida qolkiisa halkaana ay iska raacaan sidaa ayaana dhacday kolkii ay is heleen waxay si dhuumaalaysi xeeladaysan ah ku ag yimaaden meel aan ka dheerayn gaariga inkasta oo garaaca wadnahoodu sareeyey xaalada ay ku jiraan aawadeed hadana waxay isu arkayeen rag talaabo ujira ka dhabaynta wixii ay mudaba nawilayeen umase jiraan wax sidii ay filanayeen oo hadii markii hore ay is lahaayen wakhtiga uu gaarigu imaanayo hadaad soo hormarisaan waxaa yaraan doona ilaalada gaariga ka ag dhaw hada sidaa maaha. Markii hore waxay u ekeyd inuu shaqeeyey laakin khaladka ugu wayn waxxay galeen markii ay Abuu Fawzi ku amreen in uu hoonka yeeriyo taas oo laga maarmi karay ciidan badan ayaa hoonka maqlay kuwaas oo qaar kamid ahi indha indhayn ugu yimaadeen gaariga. Markaas bay ka qoomamooden inay qaadeen talaabadaas ho day. Wakhtigii baa dheeraaday ciidankiina aagga gaariga ayuu tuban yahay iyagiina inay horay usocdaan oo gaariga u dhawaadaan ha joogtee waxay markan ka dhuumanayaan askarta qaar agtooda maraysa.
Indhahaa badane ma iska laabana ayey si xuuraansi
ah isku oranayaan oo ma inagaaba barta aan joogno dhinacna ugu dhaqaaqi karna
aynu is adkaynu. Kolkii saxmadii kala yaraatay gaarigiina laga dajiyey rarkii
ayaa rajo soo gashay Abuu Fawzi wan in xariif ah wuxuu si ku tala gal ah ufuray
daaqadii gaariga ee qaybtooda xigtay intii rarka la dajinayey dabeedna dhinaca suuliyadu
xigaan ayuu inta qaar ciidanka kamid ah ula baxay halkaas uga bilaabay sheeko.
Waaba iska baraad
la yihiin oo war ma hayaan ciidankii Daahir iyo Warsame na waxay is tuseen in
mid kood marka hore aado dhinaca gaariga ka kalana uu danbeeyo. Yaase ku dhaca
inuu u bareero khatarta intaas le eg? Marba mid ayaa leh iga horee hadii waxyar
la joogayba Warsame qaatay doorkan inuu hogaamiye noqdo wuxuu aayar dhuukiyaba
wuxuu gaaray daaqada gaariga kadibna Daahir ayaa soo galay markiiba iyaga oo
aad ufaraxsan ayey ubaaqeen Abuu Fawzi baaqaasi wuxu ahaa wicitaan Abuu Fawzina
inta uu judhiiba fahmay ayuu soo macasalaameeyey kooxdii askarta ahayd ee uu
sheekada uwaday. Markuu soo galay gaariga ayuu amray in ay kuraasta hoostooda
galaan si aan loo arag inta ay ka dhamaanayaan xerada markii uhoraysayba waxay
soo gaaren bartii baaritaan ee u horeysay si dhib yar oo aan dhib badnayn ayey uga
gudbeen tii labaadna sit ii hore lamid ah waxaase amuur noqotay markii ay soo
gaareen bartii baaritaan ee ugu danbaysay ee ay baartitaanka xerada uga bixi
lahaayeen.
Neef wayn bay
qaaten iyaga oo dhab u dhididaya. Askarigii baarayey oo aad u yaqaanay Abuu
Fawzi ayaa ka yaabay sida uu Abuu Fawzi u dhidid san yahay isaga oo aan hore
ugu aqoon dabeecadan. Isaga oo aan waxba sii baarin gaariga ayuu waydiiyey waxa
dhididkan ka keenay isaga oo sida uu unaxsan yahay raba in uu qariyo ayu ku jawaabay
alaabta ayaan qayb ka dajinayey maadama caawa aan horay u imid. Jawaabtaasi Abuu
Fowzi oo kali ah neefta kamaso saarin. Waad socon kartaa ayuu askarigii ku yiri
Abuu Fowzi oo garaaca wadnihiisu heer sare uu marayo waxa uu ubaqayo wax kale maahe
wa khiyaamada uu ugaysanayo saaxiibadiisa ciidanka ah ee aaminay.
10 Comments