Maxaad ka taqaan DARPA!
Ereyada DARPA waxa loso gaabiyey The Defense Advanced Research Projects
Agency oo macnaheedu yahay Hay'adda Mashaariicda Cilmi-baarista
Sare ee Difaaca. Darpa wa wakaalada
cilmi baarista hawada sare iyo tiknoolajiyadaha ee dhinaca milateriga
Maraykanka taas oo rogta ama badasha wajiyada dhabta ah ee dagaalka. Waxaa lagu
aas-aasay goaan uu lahaa aqalka Koongarayska Maraykanku sanadki 1958dii oo ku
beegnayd xili madaxeedka madaxwaynihii 34 aad ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower.
Wa hay’ada hindistay interneydka, muuska
kambuyuutarka, hanaanka aqoonsiga goobaha (GPS), diyaaradaha wax basaasa, iyo
habka gantaalada caaqilka ah.
Lixdameeyadii
Darpa waxay xooga saartay dhinacyada difaaca ee ka hortaga gantaalaha dhanka
kalena waxay hindistay qalabka meelaha fog
ka arka gantaalaha waxayna hormarisay raadaarka qalabka lasocoshada iyo
kormeerka oo hada adeegsadaan garoomada diyaaradaha caalamka sidaas oo kale
waxay farsamayn libaax leh ka qaadatay kaalintoodii kaga aadanayd samayntii
dayax gacmeedkii ugu horeeyey taariikhda ee sameeya odoroska cimilada dayax
gacmeed kaas oo lagu magacaabi jiray Tayroos (Tiros).
Todobaatameeyadii
Darpa waxay uqalab qaadatay tignoolajiyada xogta iyo tagnoolajiyadaha ku
shaqeeya danabka kadibna sanadkii 1969 waxay bilowday mashruuc la oran jiray Arpanet kaas oo ujeed kiisu ahaa isku xirka
jaamacadaha iyo hay’adaha cilmi baarista talaabadaasi waxay dhanka kale ahayd unugii
sababay soo if bixida intarneedka. Isla todobatameyadi Darpa waxay u jihaysatay
horumarinta tagnoolajiyada difaaca cirka badda iyo dhulka hormarintaas waxaa ka
dhashay hubka difaaca gantaalaha iyo hubka difaaca gujisyada iyo diyaaradaha casriga
ah.
![]() |
Sawirka xarunta dhexe ee wakaalada Darpa ee gobolka Virginia. |
Hubka ugu muhiimsan
ee Darpa ilaa aas-aas keedii wa qarsoodi dhamaystiran marna shaaca kama qaado
ka hor hormarintiisa mudo dheer sidaas awgeed yaanay kadis kugu noqon marka aad
ogaato in inbadan oo wax soo saarkeeda iyo guulaheeda ah oo maanta loo
ogolaaday in dadwaynuhu adeegsado in la hindisay tobanaan sano kahor sida
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn o markii ugu horeysay la tijaabiyey intii uu
socday dagaalkii Afgaanistaan sanadkii 2001. Sidaas oo kale hanaanka aqoonsiga
goobaha ee GPS-ka lloo yaqaano waxa uu tijaabo ku jiray xiligii uu socday
dagaalkii khaliijka sanadkii 1991. Majiro qof yaqaana waxa ay yihiin curisyada iyo
hal abuurka Darpa ee uu xiligan milatariga Maraykanku ku tijaabinayo Ciraaq iyo
Suuriya.
Miisaaniyada sanadlaha ah ee Darpa waxay gaartaa ilaa sadex
bilyan oo doolar inbadan oo kamid ah miisaaniyadaas waxay ku bixisaa
tijaabada xitaa hadii suurtagalnimada tijaabadaasi
ay ubadan tahay in ay fashilanto kama laba labayso inay ku bixiso kharash kasta
oo ku baxaya. Mid kamida sababaha ugu muhiimsan ee guusha wakaaladu wa
madaxbanaanida xad dhaafka ah ee ay siiso cilmibaarayaasheda si ay wax u
hindisaan. Laakin mid kamida waxyaalaha layaabka iyo fajaca kuu keenaya ee
kusaabsan wakaalada Darpa wa in sagaashan boqolkiiba (90%) ku fashilanto tijaabooyin keeda taas oo
macnaheedu yahay in horumarka maanta la noolnahay uu yahay natiijo toban
boqolkiiba (10%) ka ah miisaaniyad dhan sadex bilyan oo doolar.
Dhammaan mashaariicda Darpa waxaa ka danbeeya hal ujeedo oo
kali ah taas oo ah katakhalusida dhamaan cadawga Maraykanka ee xiligan iyo
mustaqbalka sida muuqatana waxay Ameerika ka dhigtay kaalinta koowad ee dalka
ugu horeeya dhinaca Tignoolajiyada oo qarnigan ah hubka ugu wayn ee lagu tartamayo
iyada oo aysan ugu kicin miisaaniyad aad ubadan marka loo eego dhaqaalaha
dowlad sida Maraykanka oo kale ah.
Waxa diyaariyey Liban Mohamud Nur.
Dec 7th, 2023. Nairobi, Kenya.
9 Comments